xiinfaniin Posted June 7, 2013 Ciidamada Jubaland oo shaaca ka qaadey iney howlgan xoogan bilaabayaan Ka dib isku daygii maanta la isku dayey in khalkhal lagu galiyo amaanka Kismaayo ayaa Ciidanka Jubaland waxay Galabta shaaca ka qaadeen iney gacan bir ah ku qabanayaan qofkii aan Ciidanka Jubaland ahayn oo hub lgu arko. Saraakiisha Ciidanka Jubaland waxay sheegeen iney Talaabo adag qaadayaan maalmaha soo socda, waxay kaloo Saraakiishu sheegeen in Qaladka ugu wayn ay leeyihiin Masuuliyiinta Jubaland oo aad moodo iney ka seexdeen Dadka Magaalada jooga ee wada Amaan xumada. Kulanka deg dega ah ee galabta ay yeesheen Saraakiisha Jubaland ayaa ahaa mid ka duwan kulamadii caadiga ahaa ee ay yeelan jireen, waxayna kulankooda maanta ku go’aamiyeen in ay cadeynayaan in amaanka Kismaayo yahay mid la aamini karo. Warar hoose oo Puntlandi heleen ayaa sheegaya in Saraakiisha Jubaland ay go’aansadeen iney Magaalada ka masaafuriyaan cidii aan u hogaansameyn amaawiirta Jubaland. Dhinaca kale shaqaaqadii maanta dhacdey kadib magaaladu aad ayay u dagan tahay, waxaana wali socda baaritaano iyo howl gal, qaybo magaalada kamid ah waxaa la yareeyey dhaqdhaqaaqa shacabka. Quote Share this post Link to post Share on other sites