Sign in to follow this  
xiinfaniin

Jubbaland Puntland Meet in Nairobi

Recommended Posts

Madaxda Puntland iyo Jubaland oo ku kulmay Nairobi maanta June 7, 2013‏ (Sawiro)

Waxaa maanta June 7, 2013, kulan ku yeeshay magaalada Nairobi Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) iyo Madaxweynaha cusub ee dhowaan loo doortay Jubaland Sheikh Axmed Maxamad Islam (Axmed Madobe) wuxuuna kulankaasi saakay ka dhacay hotelka uu Madaxweyne Farole ka degan yahay magaalada Nairobi.

 

Kulankaasi waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Gen. Cabdullahi Axmed Jamac (Ilkajir), Rai’sul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Cumar Cabdirashid Cali Sharmake, Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamad Cabdi Gaandi, Gudoomiyaha Ururka Ahlu Sunna Wal Jameeca Shiikh Maxamad Maxamud Yusuf (Aw Libaax), iyo mas’uuliyiin kale.

 

Waa markii ugu horeysay uu Madaxweyne Farole la kulmo Shiikh Axmed Madobe tan iyo intii loo doortay Madaxweynaha ee Jubaland State, May 15, 2013, oo ay doorteen Ergadii Shirkii Jubaland oo ka socday magaalada Kismayo tan iyo 2012-kii.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this