Sign in to follow this  
Daqane

Madaxda Dalalka IGAD oo isku raacay in Muqdisho lagu qabto shir Maamul KMG ah loogu dhisayo Jubba

Recommended Posts

Daqane   

Shirkii_IGAD_1.jpg

 

Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Madaxda dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD oo shir socday illaa xalay ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa isku raaceen in dowladda Soomaaliya ay Muqdisho ku qabato shir maamul KMG ah loogu sameynayo gobollada Jubbooyinka.

 

Go’aanka madaxda IGAD ayaa ka dhashay warbixin ay u gudbiyeen wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD oo kulan ka horreeyay midka madaxda ururka ku yeeshay Addis Ababa, waxaana tallaabaan ay meesha ka saarysaa dhismaha maamulka Jubaland oo madaxweynaha loogu doortay Sheekh Axmed Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo iyaguna ismagacaabay.

 

“Waxaan isku raacnay in dowladda federaalka Soomaaliya ay Muqdisho ku qabato shir Qaran oo dib u heshiisiin ah oo ay kasoo qeybgalaan dadka ku nool Jubbooyinka si loo sameeyo maamul KMG ah oo ka shaqeeya sidii loo dhisi lahaa dowlad-goboleed waafaqsan dastuurka dalka,” ayaa lagu yiri war-murtiyeed kasoo baxay shirkii madaxda IGAD ee Addis Ababa.

 

Shirkii_IGAD_2.jpg

 

 

Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya ug qaybglay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo khudbad uu shirka ka jeediyay ku sheegay in guddigii IGAD ee loo dirtay xal u helidda Kismaayo ay wax badan uga qabsoomeen howshii loo xilsaaray.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Daqane   

Because it is the capital of the republic and far away from the emotions and insecurity of kismayu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this