Sign in to follow this  
malistar2012

DEG DEG: Mooshinkii laga geeyay Xukuumada Soomaaliya oo fashil ku dhamaaday

Recommended Posts

Gudoonka baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay inuu laalay mooshinkii laga keenay Xukuumada, kadib markii tiradii loogu tala galay inay mooshin ka keenaan Xukuumada uu yaraaday, isla markaana ku soo hartay tirada Xildhibaanada 38-xildhibaan, ayna ansax aheyn.

 

Kulanka Baarlamaanka oo ay ka soo qeyb galeen ilaa 200 xildhibaan ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof, Jawaari, waxaana uu ka dhawaajiyay in markii hore mooshinka u soo gudbiyeen 93-xildhibaan, hase ahaatee maalinba maalinta ay ka dambeysay ay xildhibaano warqado u keenayeen oo ay kaga tanaasulayeen.

 

"Maalinba maalinta ka dambeysa Xildhibaano ii imaanayay, waraaqado ayay i keeneen oo ay kaga laabanayeen, waxaa ugu dambeysay 13-xildhibaan, waxaa soo hartay oo kaliya 38-xildhibaan sharcina kuma ahan inay mooshin keenaan"ayuu yiri Prof. Jawaari.

 

Xildhibaan C/llaahi Xaaji Dayib oo ku hadlayay magaca Xildhibaanada mooshinka keenay ayaa kulanka ka sheegay inay ka tanaasuleen mooshinka, ayna ka laabteen, waxaana xildhibaanada baarlamaanka ku soo dhoweeyeen sacab.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in 38-Xildhibaan ee ku soo haray mooshinka ay ahaayeen xildhibaano taageerayay Jubaland, oo ka soo kala jeeda Jubooyinka iyo Puntland.

 

Kulanka baarlamaanka ayaa goor dhow soo idlaatay, waxaana mudanayaasha baarlamaanka ee ka soo horjeeday mooshinka ay ka soo dareereen xarunta golaha shacabka, iyagoo aad u faraxsanaa.

 

La soco wixii ku soo kordha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararka qaar ayaa sheegaya in 38-Xildhibaan ee ku soo haray mooshinka ay ahaayeen xildhibaano taageerayay Jubaland, oo ka soo kala jeeda Jubooyinka iyo Puntland.

;) Waa lagu cidleeyay meesha

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

These are the most fierce opponents to the current goverment of Somalia, wishing the goverment to fall. One particular sub-clan wishes to dominate the 3 regions of Jubbaland and the other from Puntland wants federalism in order for Puntland to dictate the affairs of Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this