Sign in to follow this  
Gabbal

Pres Barre Adan Shire I've been a elected to 4 year term

Recommended Posts

Gabbal   

The President-elect of Jubbaland having preserved in a simultaneous election says;

 

1. I have been elected to 4 year term

2. Admits there was a partisan congress occuring somewhere else in the city

3. Thanks the people of Jubbaland for their confidence in him

4. Announces first policy objectives of his new term in office

 

Col. Barre Hiiraale oo sheegtay In uu Madaxweynanimada Jubbaland

 

 

 

Kismaayo (RBC) Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo galabta shir saxaafadeed ku qabtay hoygiisa magaalada Kismaayo ayaa ku sheegtay madaxweynanimada maamul goboleedka Jubbaland.

 

Dhawaaqa Col. Barre Hiiraale ayaa soo baxay wax yar kadib markii*ergadii ku shirsaneyd hoolka Jaamacada Kismaayo ay doorteen*gudoomiyihii maamulka Kismaayo, horeyna u ahaa guddoomiyihii Kooxda Raskambooni Sheekh Axmed Madoobe.

 

Col. Barre Hiiraale ayaa wariyaasha u sheegay in isaga loo doortay muddo afar sano ah inuu hogaamiyo maamulka Jubbaland oo saldhigiisu yahay magaalada Kismaayo.“Waxaa i doortay oo kalsoonidooda i siiyey dadweynaha dega Jubbooyinka oo dhan, hadey tahay oday dhaqameed, haween, shalinyaro iyo waxgarad.” ayuu ku jawaabay mar la weydiiyey cida dooratay Col. Barre Hiiraale.

 

Barre Hiiraale wuxuu ku baaqay in dhammaan beelaha ku nool deegaanada Jubbooyinka ay isugu yimaadaan wadahadal iyo dib u heshiisiin isagoo sheegay in laga fogaado colaad.

 

Mar la weydiiyey Barre Hiiraale in doorashada madaxtinimada ee uu sheegtay ay ku soo beegantay doorashada Axmed Madoobe wuxuu sheegay inuusan jirin cid uu ku xumeynayo ama uu ka soo horjeedo. Wuxuuse sheegay inuu ogaa shir u socday dhinacyo taageersan Axmed Madoobe, halka uu sheegay in isagana dad taageersan ay shir ku lahaayeen Kismaayo.

 

Barre Hiiraale wuxuu sheegay inuu dhiowr jeer wadahadal ugu baaqay Axmed Madoobe welina uu diyaar u yahay inuu la kulmo. Balse wuxuu diiday inuu Axmed Madoobe yahay madaxweynaha*maamulka cusub ee Jubbooyinka.

 

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Sheekh Axmed Madoobe iyo shir guddoonka shirkii ka socday magaalada Kismaayo ee maanta lagu doortay Axmed Madoobe inuu noqdo madaxweynaha Jubbaland.Dhinaca kale isgaarsiinta magaalada Kismaayo oo illaa shalay go’neyd taasoo ciriiri gelisay in wax xog ah laga helo maamulka Kismaayo.

 

Waxaa magaalada Kismaayo iyaguna maanta gaaray wafdi saaka ka duulay magaalada Muqdisho oo ka kooban ergo ay dirtay dawlada federaalka Soomaaliya iyo wafdi odayaal iyo siyaasiyiin ah oo shalay ka degay garoonka Kismaayo balse illaa xalay halkaasi ku xanibnaa kadib markii loo diiday inay magaalada galaan.**

 

RBC RadioXafiiska Wararka Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabrow   

It seems like madoobe hijacked the elections and made himself president behind closed doors while the delegation voted for Barre.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this