Sign in to follow this  
Waranle_Warrior

Puntland oo Sheegtay In Koox Xildhibaano ah Ay Wadaan Olole Ka Dhan ah R/W Saacid kana digtay arinta

Recommended Posts

Garoowe (RBC) War saxaafadeed galabta [12/05/2013] ka soo baxay xafiiska madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in koox xildhibaano ah oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay wadaan olole ka dhan ah raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

 

Sida lagu sheegay war saxaafadeedka xafiiska madaxtooyada Puntland ka soo baxay, waxaa ololahan looga gol leeyahay in lagu abuuro isqabqabsi siyaasadeed oo ka dhex bilawda hay’adaha dawlada federaalka Soomaaliya.

 

“Puntland waxay si adag uga digeysaa soo cusbooneysiinta khilaafka siyaasadeed ee ka djex jiray hay’adaha dawlada federaalka Soomaaliya, iyadoo ay jiraan koox xildhibaano ah oo wada olole [mooshin] ay uga soo horjeedaan raysul wasaare Saacid oo kaliya mudo 7 bilood ah xafiiska ku sugnaa.” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

 

“Iskudaygaasi waa mid luminaya waqti, dhaqaale iyo dedaalka wadajirka ah ee ay Soomaalida talada ka go’do iyo saaxiibada caalamka ay ku bixiyeen keenista nidaamka federaalka.” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

 

War saxaafadeedka Puntland ayaa ku soo beegmay xilli qaar ka mid ah beelaha Soomaalida ay ku gadoodeen magacaabista saraakiisha cusub ee hogaanka booliska iyo nabadsugida dalka.

 

 

 

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think there may be some truth in the story. Given how privy and insightful Faroole is when it comes to Somali politics and specially the goings on in Mogadishu I believe there is some truth to it. Remember how he unexpectedly uncovered the truth to the wider public and exposed the changing of the constitution blasting Culowos during his visit to Garowe and forcing him to admit the changes.

 

The days and the weeks ahead will clear out the fog.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland oo ka digtey mooshin ka dhan ah Raysalwasaare Saacid

| on May 12, 2013

4 Comments

 

Puntland_logo1War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland ayaa lagu sheegay sida Puntland uga wel-welsan tahay mooshin ay wadaan qaar kamid ah Xildhibaanada Mooshinkaas oo looga soo horjeedo Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, digniinta Puntland ayaa soo baxaysa, xili masuuliyiin ka agdhaw Madaxweynaha Soomaaliya ay sheegayaan in isbedel lagu samaynaayo Xukuuumadda, iayada oo aan wax war ah ka soo bixin weli Raysalwasaare Saacid, hoos ka akhri Warka Puntland ka soo baxay:

 

WAR-SAXAAFADEED

 

Isqabqabsiga siyaasadeed ee Hey’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana jira koox Xildhibaano ah oo wadda mooshin ka soo horjeeda Rai’sul Wasaaraha Federaalka oo xilliga uu magacaaban yahay dhan yahay muddo 7-bilood ah, Dr. Cabdi Farax Shirdon (Saacid).

 

Iskudaygaan ayaa dhuminaya wakhti, dhaqaale, iyo dadaalkii wadajirka ahaa ee Soomaalida iyo Beesha Caalamka ay geliyeen in la dhiso Hey’daha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Xilligii Dowladdii Federaalka ee KMG ahayd waxaa hareereeyey isqabqabsi siyaasadeed oo curyaamiyey awoodii Dowladdu ay ku fulin lahayd waajibaadkeedii, ayna u gaarsiin lahayd adeegga bulshada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

 

Dowladda Puntland ayaa aaminsan in dano gaar ahaaneed oo ku wajahan helida xafiis siyaaseed ay ka dambayso tallaabadan, waxayna Puntland ugu baaqaysaa Hey’adaha Federaalka Soomaaliya inay ku mashquulaan hirgelinta howlaha Qaran, sida maaraynta caqabadaha dhaqaale oo dalka gudahiisa ka jira, xal u helida faragelintii lagu sameeyey Dastuurka Federaalka, ka shaqaynta amniga, iyo taageeridda dhisida Maamullada Federaaliga ah ee dhiman.

 

— DHAMAAD —

 

Horseed Media 2013

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this