Sign in to follow this  
Maaddeey

Tuugo is aruursatay!.

Recommended Posts

Maaddeey   

Agaasimihii Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo Jeelka Loo Taxaabay

maalik_som May 8, 2013 Comments Off

 

Muqdisho (Sh.M.Network) Gaashaanle Sare Max’ud Max’ed Cadoow oo Loo yaqaanno dhabareey oo ahaa Agaasimihii Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Magaalada Muqdisho ayaa Xabsiga Loo Taxaabay kadib Markii shalay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ay Bilowday Dhageysiga dacwaddii Koowaad eedeeysanayaal Loo Haystay Lacag aad U badan oo Laga Xaday Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho taas oo ay Lahayd Waaxda Jinsiyadaha iyo Socdaalka dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Lacagta La Xaday oo tira ahaan La sheegay in ay dhameed qiimo dhan 130 Kun oo dollar ayaa Agaasimihii Garoonka waxa uu sheegay in 20 kun oo ka mid ahayd Lacagtaasi ay si sax ah ku baxday Laakiin 110 kun La la’yahay Weli.

 

Ilo Lagu Kalsoonyahay ayaa Shabelle u sheegay in illaa 5 qof La horgeeyay Maxkamadda Kuwaasi oo Labo Ka mid ah La shegay in damaanad Lagu siidaayay hase ahaatee Seddexda kale ayaa waxa ay ahaayeen Agaasimaha Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Soomaaliya , Haweeney ka shaqeyneysay qeybta Nadaafadda Garoonka iyo Nin Darawal u ahaa Agaasimaha.

 

Ilaha Lagu Kalsoonyahay waxa ay Shabelle U sheegeen in Agaasimaha Max’ud Max’ed Cadow dhabareey su’aalo ay weydiiyeen Xeer Ilaalinta taasi oo keentay in si qaldan uu uga Jawaabo Agaasimaha kadibna Xeer Ilaalintu ay soo eedeysay Agaasimaha xalayna uu Ku Hoyday Agaasime Dhabareey Xabsiga dhexe.

 

Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka Qalabka sida ayaa La sheegay in ay Dalbatay Muddo 7 Cisho ah Gudahood Lacagta Maqan Lagu Celiyo qasnadeeda haddii kale Maxkamaddu Go’aan ay qaadan doonto.

 

Ma Jiraan Wax war ah oo ka soo baxay Hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha Balse warar Hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in inta aan La Xirin agaasimaha Gebi ahaan Xilka Laga Xayuubiyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Somalia received enough income from the Airport and the Port. It can use that money to pay for the security if corruption wasn't so big in Mogadishu. President Hassan Sheick needs to tackle this.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this