Sign in to follow this  
xiinfaniin

Hassan Sheekh Met with Some of SCC Traditional Leaders at Garoowe

Recommended Posts

Madaxweynaha DF Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa galabta 29 April,2013 kula shirey Garowe Issimo ka soo jeeda gobolada Sool ,Sanaag iyo Cayn.

 

Issimadan ayaa welwel ka muujiyey qaabka madaxweynuhu wadahadalka ula galay Somaliland isagoo aan tixgelin siineyn dadka ka soo jeeda goboladaasi.waxana ay u sheegeen inaysan Somaliland ka wada arimin goboladaasi ay sheeganayaan.

 

Waxay sheegteen in tacadiyo u geysteen maamulka Somaliland dadka degan goboladaasi ,iyagoo ugu yeerey inuu wax ka qabto arintaasi maadaama uu madaxweyne Soomaaliyeed yahay.

 

Dhankiisa ayuu madaxweyne Xasan Shiikh sheegey inuu diyaar u yahay dhageysiga afkaarta dadka degan goboladaasi ,isagoo raacshay in uu Somali oo idil u dhaxeeyo ilaalinayona danahooda.

''Midnimada Somalia maahan mid galaysa wadahadal ,shirkii Turkiga ka dhacay wuxuu qayb ka ahaa dib u heshiisiinta Somalida'' Ayuu ku yiri odayaasha Xasan Shiikh Maxamuud.

 

Kulankan oo goob joog ka ahaayeen madaxda Puntland ayaa ahaa mid kooban ,ka hor intaanu u duulin Xasan Shiikh dhanka magaalada Muqdisho.

 

1_43.jpg

 

3_42.jpg

 

4_37.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this