Sign in to follow this  
xiinfaniin

Muqdisho: Shirka Qaran ee Garsoorka oo soo xirmey

Recommended Posts

Muqdisho: Shirka Qaran ee Garsoorka oo soo xirmey

5 Apr 5, 2013 - 8:27:18 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Magaalada Muqdisho ayaa galabta 5 April,2013 lagu soo gabogabeeyey shirweynaha qaran ee dib u eegista Garsoorka oo ka socdey halkaaasi maalmihii la soo dhaafay.

 

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa khudbad dheer ka soo jeediyey xiritaankii shirka ,waxana uu balanqaadey inay cadaalada ka shaqeyn doonaan inta karaankooda ah.

 

Shirar sidan oo kale ah ayuu sheegey inay qorshaynayaan oo looga hadlayo arimaha danta u ah Somalida.

 

Halkan ka akhriso: War-mutiyeedka Shirka Qaran ee Garsoorka

 

Yuusuf Axmed Khayr wasiiru dowlaha sharciyada Puntland oo hogaaminayey wafdiga uga qaybgalay shirka ayaa isna khudbad ka jeedshay xiritaankii shirka oo uu sheegey inay muhiim tahay dhaqangelinta go'aamadii ka soo baxay.

 

Boqolaal Somali ah oo ku xeel dheer sharciyada iyo qaynuunka ayaa dalka gudihiisa iyo dibadaba iskaga kala yimid ka qaybgalka shirkan oo dhamaadkiisi la isku raacay in si deg deg ah loo dhiso hayada garsoorka dib u habayna loogu sameyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this