Sign in to follow this  
shafici

cigaal shiidaa sheekadiisii> kabogo halkaan qosolkuu dhigay

Recommended Posts

shafici   

waa tanaa hseekadiisi ay kabogsi wacan.

 

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Cigaal loo yeedhay si uu uga qaybqaato duulimaad lagu duulayo cadow.

Fardihii iyo raggiiba waa la diyaariyey, dabadeedna waa la duulay. Markii Labadii col isgaleen aynu Cigaal soo dusay oo uu ku soo noqday dumarkii iyo caruurtii oo dhaawac iyo dhimashoba sugaya. Waxay weydiiyeen Cigaal waxa kaligii soo celiyey, waxaanu usheegay in raggii iyo fardiiba la madhiyey. Dumarkii way baroorteen, Carruurtiina way ooyeen. Fiidkii ayaa waxa soo noqday ciidankii iyo fardihii oo aan waxba ka maqnayn. Dabadeed markii ay arkeen dumarkii iyo carruurtiiba inaan waxba lagadillin dadkoodii, waxay ku qayliyeen oo caayeen Cigaal oo meel isku nabaya.

 

Bari baa cigaal geel raacay, ku jiraan labba halaad uu leeyahay. Markuu daaqii gaadhay ayuu meel kayn ah oo cagaran ku duwey, si caanno badan uu uga maalo halihiisa caawa. Isla markay gaadheen halihi aydii ayaa libaax labadiiba dillay oo cunnay asagoo arkaya. Geeliibuu galabtii soo caraabiyey, asagoo uugu heesaya: "Wixii Ayro dilay, Alifna kor dhigey, waan arkaayoo wuu ilgiiraa, dameer leekaa, kase dabo weynaa".

 

Marku soo xereeyey geelii ayuu ku yidhi walaalkii halahayga maaloo kuwaaga caawa ii lis.Wuu u lisey, markuu cabeyna wuu iska seexday. Walaalkii ayaa isyidhi halihii cigaal maal, wuuse waayey. Cigaal ayuu soo toosiyey. Ciyaalkii geela la jiray, ayaa sheegay wuxu ku heesayey, markuu geela soo caraabinayey. Waxa la yidhi cigaalow nasoo tus meeshii halihii lagu cunney. "Hadii kun dhinac welba iga maraan, anna aan dhexda gallo, waan idin soo tusi raqdii geela", yidhi cigaal. Dabadeed dad badan ayaa raacay oo libaaxii dilay. Habeenkii, meeshii libaaxa lagu dilley ayaa la seexday. Markuu gamay cigaal ayaa lugtii libaaxii lagu xidhay lugtii cigaal, libaaxiina afkaa qori loogu kala qaaday. Subaxii ayuu arkay lugtiisa oo libaaxii la dilley ku xidhen. Dabadeed illaa gurigii ayuu xaar isku sii daayey. Asagoo qaylinaya ayuu ku yidhi naagtiisii. Naa ooda iga rog". "Maxaa kaasoo uraya"? afadiisi. "Darur qudhuntay ayaa igu daday".

Dabadeedne Way ka maydhay cigaal qudhunkii.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this