Sign in to follow this  
xiinfaniin

Somalilanders' Contradictory Statement Regarding London Conference

Recommended Posts

Hadalada Isburinaya ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee ku wejahan Shirka London,sawir noocee ah ayay Muujinayaan?

March 27, 2013

 

Hargeysa Mar 27,2013(SDN)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa intii uu xilka qabtay waxa siyaasada arrimaha dibedda ee Somaliland hareeyay tuhuno iyo turunturooyin siyaasadeed oo sawir ka muujinaya hab dhaqankiisa hogaan ee uu caanka ku ahaa mudadii uu bulshada hor yimi.

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa Siyaasada arrimaha Dibedda ee Somaliland waxa uu ku weday habacsanaan iyo isbedbedel siyaasadeed oo uu kolba ku saleynayo jawaabaha iyo dareenada siyaasadeed ee dalka ka jira.

 

In kasta oo ay dhici karto in iswaafejinta araada dadka iyo siyaasada la iswaafejiyo ay tahay hab suuban oo goaan lagu saleeyo,hadana kolka ay ka dhalato qorsheyaal dahsoon iyo maqnaanshaha goaan qaadasho xumo waa musiibo.

 

Hadii aanu tusaale u soo qaadano habka uu Madaxweynaha Somaliland u wejehay shirka bisha May magaalada London loogu qabanayo Sooaalida ayaa waxa kuu soo baxaya laba arimood.

 

Waa mide in Somaliland haatan aaney leheyn siyaasad cad oo ku saleysan hamiga iyo shuruucda dalka,iyo in haatan aaney jirin hagaan arintaa ka miro dhalin kara.

 

Ta labaad faaruuqaa aanu dusha ku xusnay waxa uu fursad siinayaa khalaadaad iyo tuhuno ay dhici karto in ay ka dhashaan isfaham daro sababta qalalaase ama in diideneyaasha Somaliland ay ka faaiideystaan.

 

Ka dib la kulankii uu Madaxweynaha Somaliland la yeeshay Xoghayaha arrimaha dibedda ee Britain William Hague bishii Februery waxa ay ka wada hadleen arimo ay ka mid ahaayen Shirka Somalilada ee May la qabanayo.

 

Madaxweynaha Somaliland kolkii uu ka soqdey kulankaa waxa uu sheegay in shirkaasi ay ka qeybgeleyaan hadii ay Danta Somaliland ku jirto.

 

Bacdamaa shirkaa waxa uu ku saabsanaa u ogaa madaxweynuhuna uu la socdo loona dhaariyay danaha Somaliland waxa ay aheyd in uu tilaabo qaato oo uu sheego mowqifka xukuumadiisa.

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa mudo ka dib sheegay in uu ka qeybgalka Shirka London u saarayo Guddi ka soo baaraan dega in ka qeybgalka shirku dan ugu jirto Somaliland.

 

Mudo ka dib Madaxweyne Siilaanyo mar uu ka soo noqday safar uu ku tegay horaantii Bishan dalka Turkiga waxa uu sheegay in shirka Somalida ee May lagu qabanayo London aaney wax dan ah ugu jirin Somaliland oo uu yahay mid looga arrinsanayo arrimaha dalka Soomaaliya.

 

Hadaladan oo dhami waxa ay soo baxayaan iyada oo ay Britain mudo laba bilooda ka hor shaacisay in shirka May ay wada jir u guddoomin doonaan Madaxweynah Soomaaliya iyo raiisul wasaaraha Britain.

 

Sidoo kale Britain waxa ay shaacisay in shirkaa looga arrinsan doono sidii caalamku u gacan qaban lahaa Soomaaliya isla markaana loo mideyn lahaa Soomaalida.

 

Isweydiintu waxa ay tahay qorshaha shirka ee sidaa u cad ma mid xukuumada Somaliland ay goaan ka qaadan keri weydaa mise waa mid khalad iyo sax goaan fudud laga qaadan karaa.

 

Intaa oo idil waxa ka sii cajiibsan in Saraakiisha Britain ee ku hawlan qaban qaabada shirka ay aqoonyahan ka tirsan qurbejooga reer Somaliland ee UK ay u sheegeen in madaxweyne Axmed Siilaanyo aqbalay ka qeybgalka shirka May.

 

Hadaba goaamadan kala duwan ee isburinaya ma noqon karaan qaar ka soo unkamay ruux quraata mise waxa jira gacmo kala gedisan oo wada hagaya siyaasada dalka oo aanu madaxweynaha qudhiisu ka warheyn,mise waa isbedbedeladii uu Md Axmed Siilaanyo caanka ku ahaa weligii?

 

SDN-Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this