Sign in to follow this  
Aaliyyah

Wafdi Shirka J.Carabta Somaliya uga qeyb galay(Sawiro+Video)

Recommended Posts

Aaliyyah   

Doxa:-(RT)Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa maanta ka qeyb galay Furitaanka Shirka Jaamacadda Carabta.

 

Madaxweynaha waxaa wehelinayey Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamud Xassan Suleymaan, Wasiirul Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Maxamed Nuur Gacal, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qadar Ambassador Cumar Sh. Cali Idriis iyo Ambassador Cabdulahi Xassan Maxamud oo ah wakiilka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta.

 

Amiirka Qadar Amiir Xamad bin Khalifa Al Thani oo shirka furay ayaa sheegay in Dowladda Qadar ay ogsoon tahay isbedelka cusub ee Soomaaliya ka dhacay, Dowladiisuna ay taageero buuxda siinayso had iyo goor. Wuxuuna ka codsaday Caalamka Carabta inay taageero dhan walba ah ay siiyaan walaalahooda Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha ayaa ku soo bandhigay shirkan qorshaha dowladda ee ku aadan sidii loo gaarsin lahaa dhamaan goboladda dalka adeegyada bulshadda. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in ay ka go’an tahay midnimadda Soomaaliya iyo Soomaaliya oo nabad ah.

 

Mar uu la kalmay madaxa wafdiga Cumaan Mudane Sayid Fahad Bin Mahmoud ayuu Madaxweynuhu ku wargeliyay “ Dowladda cusub ee Soomaaliya hadda ka jirta waxaa ka go’an in ay shacabka ay u adeegto, oo ay amniga dalka sugto. Sidaas darteed waxaan xooga saarnay amniga.”

 

Madaxweynaha ayaa Kulamo kala duwan la qaadanayey qaar ka mid ah Madaxda dalalka Carabta wuxuuna tilmaan buuxda ka bixinayey Soomaaliya iyo sida ay diyaar ugu tahay Sinaan, Cadaalad iyo Nabad waarta.

 

Kulamadan ayaa waxaa ka mid ahaa Kulan uu Madaxweynuhu la qaatay Wasiirka arimaha dibadda ee dowladda Turkiga mudane Ahmet Davutoglu. Wasiirka ayaa ku aamanay Madaxweynaha horumarka baaxadda weyn ay dowladda gaartay. Waxeyna ka wada hadleen qorshaha ay dowladda ku dooneyso iin ay ku balaariso adeega bulshadda.

 

 

DSC_0074-copy-650x446.jpg

 

DSC_0207-copy.jpg

 

DSC_0198-copy.jpg

 

DSC_0130.jpg

 

DSC_0128-copy.jpg

 

DSC_0079-copy.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this