Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

President of Somalia Says Hiiraan will have a provincial Administration

Recommended Posts

Madaxweynaha Somaliya oo sheegay in dowlada maamul u sameenayso Beledweyne

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa sida ay qorsheen jaraa'idka dalka Jabuuti u sheegay diblumaasiyiinta dalkaasi Jabuuti in dowladiisa ay dhawaan maamul cusub u magacaabeyso gobalka Hiiraan si wax looga qabto hawlaha gobalkaasi ka socda

 

Jaraa’idka La Nation ee kasoo baxa dalka Jabuuti ayaa wax ka qoray kulan magaalada Muqdisho ku dhexmaray wafdi ka socda Dowlada Jabuuti iyo Madaxweynaha Soomaaliya talaadadii lasoo dhaafay (19 Maarso). Kulankaasi ayaa waxaa ka qeyb galay Safiirka Jabuuti u qaabilsan Soomaaliya Dayib Dubad Roobleh.

 

Dowlada Jabuuti ayey ciidamo ka joogaan gobalka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, wuxuuna jaraa’idka Jabuuti sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uga mahadnaqay dadaalka ay ciidamada Jabuuti ka wadaan magaalada Beledweyne iyo waliba wax qabadkooda ku aadan mucaawinada caafimaad oo ay u fidiyeen dadka dhibaatada ka soo gaartay cudurka shuban biyood ee gobalkaasi ka dilaacay.

 

Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud ayaa kulankaasi intuu socday u sheegay wafdiga Dowlada Jabuuti in dowlada Federaalka Soomaaliya ay wado dadaal ay ku dooneyso inay maamul ugu sameyso Beledweyne si wax looga qabto hawlaha ay ku jiraan caafimaadka iyo maamulka.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu ugu mahadnaqayo dowlada Jabuuti iyo Madaxweynahooda Ismaaciil Cumar Geele taageerada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo dadaalka ay muujiyeen ciidamada Jabuuti ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

 

Kulankan ay wada yeesheen Safiirka Jabuuti iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhaxeeya dalalka Somaliya iyo Jabuuti.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The reason why Prime Minister saacid told reer galmudug they haven't fulfilled the requirements to be a full fledged federal state under the constitution at the same time the goverment is building a similar provincial admin in Galguduud dhuusa mareeb. Which will be a major obstacle if Galmudug tries to unite the other entities since we know Ximan iyo Xeeb and ASWJ agreed to be under the government i think the same is planned for Hiiraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

waar Galmudug is the cowboy(Redneck) state, those guys do not know what is best for them trust me because I'm one of them.........

 

I think Ximan iyo Xeeb, ASWJ and Hiiraan will be 1 state soon

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this