Sign in to follow this  
xiinfaniin

Puntland Hands Harsh Sentences(Death Life) Against 36 Alshabaab Members

Recommended Posts

Boosaaso:Maxkmadda ciidamada Puntland oo maalmihii la soo dhaafay xukuno dil iyo xabsi daa'im iskugu jira ku riday 36-qof oo Alshabaab ka tirsan

19. marts 2013

 

APL

 

 

Maxkmadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay xukuno kala duwan oo lagu xukumay rag ka tirsan kooxda Alshabaab iyo qaybaha kala duwan ee ciidamada ,waxaana maxkmadaynta dadkan iyo dacwadoodu bilaabantay 1,2,2013,iyadoo maantana lasoo gabagabeeyey waxaana Radio Garoowe warkan u sheegay Cabdi Kariim Xasan Firdhiye oo ah xeer ilaaliyaha ciidamada ee Puntland oo Boosaso ku sugan.

 

Xeerilaaliyaha ciidamada ayaa sheegay in xubnaha Alshabaab ka tirsan ee la xukumay 1,feberaury ilaa hadda oo la soo la gabagabeeyey ayaa dhan 36-qof oo sagaal ka mid ah lagu xukumay dil halka inta kelena ay ku xukumanyihiin xukuno xabsiya oo u dhexeeya saddex sano iyo Xabsi daa'im.

 

Xubnaha Alshabaab ka tirsan oo xukumada dilka iyo xariga iskugu jira lagu xukumay ayaa xeer ilaaliyuhu sheegay inay ahayeen dad ka tirsan Amniyaadka Alshabab ayna dilal iyo amaan xumo ka gaysteen deeganada Puntland

 

Kiisaska ay qaaday maxkamada oo gaarayey 60-kiis ayaa 13 qof la sii daayey,halka 11-kiisna dib loo dhigay.

 

Cabdi Kariim ayaa sidoo kele sheegay inay gacanta ku hayaan dacwada raggii ka danbeeyey dilkii DR Axmed Xaaji CabdiRaxmaan,ka dib markii dilka lagu xukumay Boosaaso gacanta lagu hayey ay racfaan ay ka qaateen xukunkii dilka ahaa ee ay ku riday maxkamadda ciidmada qalabka sida ee gobollada Bari Sanaag,Karkaar iyo Haylaan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

9 sentenced to death? I hope they have clear evidence and full proof evidence that they murdered someone. Otherwise this is only creating more injustice.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this