Sign in to follow this  
oba hiloowlow

the dark days of Mudug returns, kidnappings becomes normality

Recommended Posts

War dag dag ah: Nin Darawal ah oo kasoo jeeda Puntland ayaa laga afduubtay Dagaari.

 

Wararka Maanta Idaacada Hobyo ay ka helayso Deegaanka dagaari oo qiyaastii 25KM u jira Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in nin Darawal ah oo kasoo jeeda Deegaan ahaan Magaalada Garowe laga afduubtay halkaasi.

 

Sida aan wararka ku helnay Ninka la afduubtay ayaa u shaqeyn jiray Shirkada Shidaalka Durdur oo Xarumo ku leh Gobolada Mudug iyo Nugaal, waxaase la sheegay in uu Booyad shidaal oo shrkadaasi leedahay u waday Dagmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud, xili uu kasoo anbabaxay Deegaano ka tirsan Maamulka Puntland lamana oga halka uu jaan iyo cirib dhigay hase ahaatee Deegaanka Dagaari ayaa ka mid ah Dhulka uu ka arimiyo Maamulka Galmudug.

 

Dhanka kale Wararkii ugu danbeeyay ee Afduubka Darawlkaasi ayaa sheegaya inuu la xiriiro Qafaal Shalay loo geystay Wiil yar oo lagu magacaabo Ridwaan Maxamed Jamaal islamarkaana ka mid ah Bahda Waxbarashada iyo Sportska Gobolka mudug ee Galmudug, Ayadoona la sheegay in Ehelada Ridwaan ay gacanta ku dhigeen Darawalkaasi kasoo jeeda Deegaanada Maamulka Puntland.

 

Dhan walba hajirtee Afduubkaan ayaa noqonaya kii 5aad ee Sanadkaan ka dhaca Magaalada Gaalkacyo marka laga tago Ganacsade C/risaaq Xuseen Tahliil oo 17kii Nov sanadkii hore Ciidamada Maamulka Puntland ay ka kaxaysteen Suuqa Gaalkacyo, hase ahaatee Afduubyadaan ayaa waxaa sal u ah Xarigii iyo Xukunkii Ganacsadahaasi lamana oga halka ay ku danbeyn doonto Nolasha Dadkan la kala haysto, waxaase laga yaabaa hadii Toogasho Maamulka Puntland ku fuliyo Ganacasde C/risaaq in Qatar dadkaasi soo wajahdo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Labo qof oo rayid ah ayaa maanta siyaabo kala duwan Gaalkacyo loga afdubtay.

 

Nin ganacsade ah islamarkaana kasoo jeeda Deegaanada Maamulka Puntland iyo nin dhalinyaro ah oo ka mid ah bahda Sportska Galmudug ayaa maanta siyaabo kala duwan looga afduubtay Magaalada Gaalkacyo.

 

Subaxnimadii hore ee Maanta ayaa Bartamaha Suuqa Gaalkacyo waxaa laga afduubtay Nin ganacsade ah kaasi oo deegaan ahaan kasoo jeeda Maamulka Puntland, Ayadoona loo kaxaystay dhanka Deegaanada Galmudug, wararka qaar ayaa sheegaya in Afduubka ninkaan ay ka danbeeyeen Ehelada C/risaaq Xuseen tahliil oo horay gacanta ugu hayay labo ninoo kale midkana sadex uga dhigay, ayagoona qabsashada Dadkaan ku macneeyay Xarigii iyo Xukunkii Maamulka Puntland ku riday Ganacsade C/risaaq.

 

Ridwaan oo ah wiil u dhashay Galmudug oo la afduubay maanta.....

 

Warar kale ayaa sheegaya in Galabnimadii maanta Ridwaan Maxamed oo ka mid ah Bahda Sportska Galmudug laga afduubtay Garoon Salax ah oo ku yaala Agagaarka Suuqa Gaalkacyo, Sia Idaacada Hobyo u xaqiijiyay C/naasir oo ah Daawadayaashii Ciyaarta halkaasi ka socotay, Goob jooge C/naasir ayaa yiri" Sadex nin oo Shacab ah islamarkaana hubaysan ayaa Garoonka gudaha usoo galay Ciyaartii way istaagtay waxayna amar kusiiyeen Ridwaan in uu si Nabad galyo ah kuraaco Asagana wuu aqbalay waxyna ku qaadeen gaari ma garan karo halka ay la aadeen laakiin waxaan xaqiijin karaa in falkaasi uu ahaa Afduub, sidaasi waxaa yiri C/naasir.

 

Dhanka kale waa afduubkii 4aad ee Sanadkaan gudihiisa ka dhaca Magaalada Gaalkacyo, Ayadoona loo gaysanayo Dad shacab ah oo aan waxba galabsan, manajirto ilaa iyo hada cid si rasmi ah u sheegatay Afduubyada maanta dhacay hase ahaatee Rikoorgoob oo ah nin kasoo jeeda Deegaanada Galmudug islamarkaana dhawaan laga afduubtay Xaafada Garsoor ayaa waxaa markii danbe la sheegay in dib xoriyadiisii loo siiyay kadib markii Ciidamada Amaanka Puntland ku guuleysteen siidayntiisa.

 

Dhan walba hajirtee Ma'ahan markii ugu horeysay ee qof rayid ah Magaalada Gaalkacyo laga afduubtay hase ahaatee waxaa malinba maalinta ka danbeysa sii badanaya afduubyada ka dhacaya Magaalada manajirto cid arintaasi wax ka qabashdeeda u istaagta

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Does that look like a businessman, he was found with explosives and he will die. If Puntland doesn't carry it out, I will lose the last iota of respect I have for this administration. We all saw what was displayed, unless you are arguing some random dudes were caught and explosives were planted on them lol

 

As for the kidnapping, just when you thought nothing knew could be introduced, BARAXLEY OUTDOES ITSELF!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Somalia;925945 wrote:
Does that look like a businessman, he was found with explosives and he will die.
If Puntland doesn't carry it out, I will lose the last iota of respect I have for this administration.
We all saw what was displayed, unless you are arguing some random dudes were caught and explosives were planted on them lol

 

As for the kidnapping, just when you thought nothing knew could be introduced, BARAXLEY OUTDOES ITSELF!

Time for a Gaalkacyo boy to sit in Garowe soo ma'aha :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this