Sign in to follow this  
xiinfaniin

Jubbaland Federal State: Update

Recommended Posts

Xiliga la qabanayo Shirka Kismaayo oo lagu dhawaaqay

27. februar 2013

 

Shirkii maamul usameynta Gobolada Jubbooyinka oo 23 kii bishaan uu dib u dhaca ku yimid ayaa lagu dhawaaqay waqtiga rasmiga ee laga furayo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

 

Afhayeenka maamulka KMG ee Kismaayo Cabdinaasir Seeraar ayaa ku dhawaaqay waqtiga kama dambeyska ah ee shirkaasi uu ka furmayo magaaladaasi Kismaayo.

 

Seeraar ayaa sheegay in shirkaasi maalinta berito ah uu ka furmayo magaalada,islamarkaana Kismaayo ay diyaar ku yihiin dhamaan ergadii ka qeyb gali laheyd shirka maamul usameynta Jubbooyinka iyo Gedo,kuwa ka dhimanna maanta ay gaarayaan magaalada.

 

Mar la weydiiyay su’aalo ku aadanaa in shirkaasi ay ka qeyb galayaan madax ka tirsan dowlada Soomaaliya ayuu ka gaabsaday, Ugu dambeyn wuxuu cadeeyay in amaanka magaalada la adkeeyay,shirka 23 kii bishan dib u dhac ku yimid uusan baaqanaynin 28 bishaan oo maalinta berito ku began.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kismaayo(RBC Radio) Qabanqaabadii u danbeysay ee shirka maamul u samaynta Jubbalnd ayaa ka socota magaalada Kismaayo oo lagu wado in waqtiyada soo aaddan uu ka furmo shirka maamulka u samaynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa ku waramaya in halkaas uu ka socdo diyaar garowgii ugu danbeeyey iyo qaban qaabada loogu jiro furitaanka shirka.

 

Ergadii ka qeyb gali lahayd kulanka ayaa intooda badan ku diyaarsan gudaha magaalada Kismaayo iyadoona goobo cayiman loo asteeyey ergooyinkaas waxaana kusoo qulqulaya wufuud fara badan oo ka qeyb galaya shirka maamul u samaynta jubboland kuwaas oo ka kala imaanaya deegaanada goboladaas iyo wadamada deriska.

 

Masuuliyiinta madaxda u ah gidiga farsamada maamul u samaynta ayaa shaaca ka qaaday in hawlaha shirku ay marayaan meel fiican isla markaane saacadaha soo aaddan si rasmi ah uu shirku u furmayo waxayna sheegeen ineysan jirin wax caqabad ah oo hortaagan furitaanka shirka wax walbane ay u socdaan sidii loogu tala galay.

 

Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegay in maanta lagu wado in magaaladaas ay gaaraan wafdiga ka socda gobolka Gedo oo diyaarad ay kasoo qaadeyso magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo halkaas oo ay maalmihii u danbeeyey ku sugnaayeen xubno sar sare oo ka tirsan gudiga farsamada maamul u samaynta Jubooyinka waxaana ay sheegayaan warar hoose oo aan helnay in marka waftiga gedo ay gaaraan magaalada Kismaayo uu shirku si rasmi ah u furmi doono.

 

Furitaanka shirka maamul u samaynta Jubbaland oo lagu waday iney xariga ka jaraan masuuliyiin ka socda dowlada Soomaaliya sida ay sheegeen qabaqaabiyaasha shirka ayaa u muuqata iney meesha ka baxday kadib markii wafti ka socda dowlada Soomaaliya oo gaaray magaalada Kismaayo ay ku hungoobeen in dadka ku hawlan maamul u samaynta Jubboland ay ku qanciyaan iney ka qeyb galaan shir ay ku baaqday dowlada 26ka bishan Feb.

 

Masuuliyiinta maamulka kumeelgaarka ah ee magaalada Kismaayo ayaa ku adkeystay iney furaan shirka Kismaayo waxayna u bandhigeen masuuliyiinta dowlada ee gaaray Kismaayo iney shirka u daah furaan bals ewaftiga dowlada ayaa ka cudur daartay waxayna ku gaabsadeen iney Kismaayo u yimaadeen qaboojinta xiisadii ka dhalatay dagaalka labada maleyshiyo beeleed,qabanqaabiyaasha shirka ayaa si cad u sheegay in shirku uusan u xayir naandoonin cid gaar ah.

 

Maamul u samaynta Jubooyinka ayaa ah arin ay indhaha ku wada hayaan shacabka,dowlada iyo guud ahaan beesha caalamka waxayna noqotay arin ay sku kala aragti duwan yihiin bulshada Soomaaliyeed dhisida maamulka Jubbalnd habka loo marayo iyo cidd ay tahay in looga danbeeyo.

 

 

 

RBC Radio

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

KISMAAYO: Tafaasiil ka soo baxaysa hub ka dhigistii lagu sameeyay raggii gaddoodsanaa ee Kismaayo (Warbixin)

February 27, 2013 10:01 am GMT - Written by PP - Edited by PP

 

Kismaayo: (pp)- Tafaasiil dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaabkii ciidamada AMISOM ay hubka uga dhigeen raggii gadoodsanaa ee dhowr maalmood ka hor ciimada amaanka magaalada kula dagaalamay agagaarka saldhigga booliska degmada Kismaayo.

 

 

Sidee raggii gadoodsanaa loo qabtay???

 

Goob joogayaa ayaa Puntlandpost u sheegay ay abbaarihii 10:20 ay ciidamo aad u hubaysan oo wata gaadiidka dagaalka ee qafilan oo faro badan ay baro jidgooyin ah ka sameeysteen zone ku teedsan guryo ay beryahanba ku jireen raggaasi gadoodsan. Ciidamadan oo aad u foojigan una diyaarsan dagaal ayaa goobta ku soo daatay. Waxay u muuqdeen kuwo taxadaray oo qoryahana keeba ku haya korna u taagaya iyagoo ka feejigan raggaasi ineey kor rasaas ka soo ridaan.Ciidamadan ayaa xoog soo galaya guriga iyadoo markaasi ay markaasi geed weyn oo guriga ku dhexyaal ay ku hoos shirayeen odayaal iyo siyaasiyiin ay iskuheyb yihiin raggan gadoodsan. Shirkaasi oo lagaga arrinsanayay diidmo ay diideen raggaane dadaalkii ugu dambeeyay ee lagu qancinayay ayaa halkasi ku istaagay.

 

Wararku waxay sheegayaan in raggaasi hubeysnaa ayan dagaalamin, nin walibana uu qorigii ku tiiriyay halkii uu taagnaa. Ciidamada ayaa dalbaday ineey soo dhaadhacaan oo ay hoos isugu yimaadaan iyagoo hubka ay heysteen halka ay taagnaayeen uga imanaya islama markaasina ay gacmahoodu kor u taagan yihiin. Raggaasi ayaa u dheganuglaadaay awaamiirtaas oo si halhaleel ah u soo dhaadhacay uguna soo ururay hal goob ah.

 

Intaa dabadeed ayaa ciidamada Kenaya si taxader leh u fuuleen dhismayaashii una soo gurteen qoryo nooca AK45, RPG 7-no bardaloolo, booshash, banbaanooyinka gacanta laga tuuro iyo rasaas.

 

Ciidamada ayaa raggaasi oo labadible u xiran ku daabulay gaaddiidkii ay wateen. Mar kaliya ayaa la maqlay rasaas aan badnayn oo dhowr xabboo oo baas ahaan uga dhacday xerarada illinkeeda hore. Illaa haddan lama oga waxay ahayd iyo cidda lagu riday.

 

Hadda oo ciidamada Kenya iyo ciidamo kale oo iyaga la shaqeey oo lagu magacaabo Kamanga 1 iyo Kamanga 2 oo ah ciidamadii lagu soo tababaray Kenya iyo Uganadha ayaa si nabad ah u dhex yaacay dhismayaashaas.i

Waxaa loo badinayaa in dhismayaashaas lagu wareejiyo ciidamada Soomaalida ah ee maamulka Kumeelgaarka ah Jubbaland isla maantaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Yes Oodweyne, it is really baffling why Hassan is drawing a line in the sand for an issue that is so sensitive and emotional for many folks. Why would he choose Kismayo of all places to make a political statement with respect to federalism.

 

what a novice !

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this