Sign in to follow this  
Allowitaageer

Taariikhdii iyo Gabayadii Cabdi Gorod

Recommended Posts

Cabdi Gorod wuxuu noolaa hilaaddii amaba wakhtigii udhaxeeyay 1915'kii ilaa iyo 1996'dii.

Cabdi Gorod allaha unaxariistee wuxuu dhintay isagoo madaxa la galay 80'teenka.

Wuxuu ahaa gabayaa aad loo qadariyo, tolkii uu la joogay iyo kuwii deriskiisa ahaaba.

 

Cabdi Gorod wuxuu ku dhashay kuna barbaaray dhulka udhaxeeya Doollo oo rugtiisu tahay Wardheer, iyo Qoraxay oo oollinkiisu yahay Qabridahare.

Abwaanku noloshiisu waxay ku xidhneyd Geela iyo meesiyada kale nolosha reer guuraaga Soomaaliyeedi ku tiirsantahay.

Abtir ahaan wuxuu Cabdi Gorod ka dhashay Qabiilka Abbsame, Oggaadeen, Maxamed-Subeyr, Reer Cabdille, gaar ahaan Reer Cali-Wanaag.

 

Qoraal la,aanta iyo xilkas la,aanta uruurinta suugaanta, ayaa sababtay inay lumaan gabayadiisa qaaliga ahaa iyo ragii kale ee la heerka iyo wakhtigaba ahaa.

Waxaynu kobtan maanta kusoo qaadaneynaa, gabayo aan ka uruuriyay Cabdi Gorod allaha unaxariistee, kuwaasaan filayo sida aan ula dhacay, inaad ula dhici doontaan.

 

Wuxuu Cabdi Gorod ku jiray ragii amaanta geela aad ugu fogaaday, ee abuurista eebbe udhameeyay Geela ka cajabsanaa.

Isagaa Geeraar ku amaanayaa, ayuu ina tusayaa adkeysiga geelu leeyahay iyo sida qoysku ugu ladanyahay caanihiisa iyo dheeftiisaba.

 

Wuxuu Yidhi Cabdi Gorod allaha unaxariistee;

 

Haddan gooha amaano

Gees-lakoyda riyaad

Iyo ninkii giiryar lahaa

Armuu ciil la go,aa

 

Kolkay gooha dhaleyso

Geeljirkaa la diraa

Tubahay guga jeexday

Yaa gadaal loogu eryaa

Geedaday la hudeecday

iyo goojaday kor uqaado

Ma Gamaan la koraa

 

Dabarkaanu la gaadhnay

Gubahaanu ka jeexnay

Markii ay godol qaaday

Gaawahaan ku lisaynay

Gariirkii ka baxaayay

Gildhigaan la ridiyaayiyo

Gaadhi roori miyaa

 

Gorofkaanu uqaadnay

Garabroorka ka taagan

Maxaamudii la gooyiyo

Ma go'yaal bafta aa

 

Odayaashaa gaboobiyo

Gabankii yaryaraa,

Iyo gacalkey gasabtaaye

Ma gugoo da'ayaa

Hadda wayba gudhneyde

Ma gu'goo da,ayaa

 

 

Waxaa la wariyay Cabdi Gorod bari uu u safray magaalada Berbera ee qadiimiga ah , magaalo xeebeedna ah

Reer baadiyihii horre ee Hawdka ama Doollo iyo Ciid ku dhaqnaana aad ugu safri jireen, Iyagoo xoolahooda ku badasha alaab magaaleedka suuqa magaaladaas yaala.

 

Cabdi Gorod iyo nin ay wada socdeen baa magaaladaas tegay, dantii ay lahaayeen kolkii ay bogteen , xoolihii ay wateena ay agab magaalo ku gedisteen, ayay maqaaxi soo fadhiisteen.

 

Nin Issaaq ah oo maqaaxida gees ka fadhiyaa yidhi "War nimankii dheer-dheeraaye Cagdheer wali miyeysan dhulkoodii Maqaaxi ka sameysan ay iyaga iyo geelooduba shaaha ka cabaan" Si kaftan ah

 

Aallaaba reer magaalkuna wuu is kaftan gartaa, reer Baadiyuhuna wuu iskaftan gartaa, sidaas awgeed ayaa ninkii hadalkaas korre ku kaftamay iyo Cabdi Gorod isu maandhaafeen, oo Cabdi Gorod hadalkii wuxuu u qaatay Aflagaado iyo juqeyn.

 

Gabay buu ka mariyey isla kobtii isagoo fadhiya, isagoo nimankii Issaaq ku liidaya maqaaxi shidka iyo arimo kaleba, wuxuuna yidhi Cabdi Gorod;

 

Afku dhidarle goolweyn dhigdhige dheefna kama quuste

Dhulka xaaqe dharab xaar ah side dhiriq ku geeraare

Dhur ma side dhaqaalana ka tage suuqa dhamashleeye

Dhaxalkii awoowgii ka tegay naag dhilo ah siiye

Dhiraandhiryaha beerkiyo wadnaha beesad wada dhaafshe

Dhex-ku-Kiishadaadlow ninkaan dhaabay baad tahaye

Inaan kugu dhayaayayn lahaa dhalashadeydaa og

 

Intaas haddeynu kaga gudbno, wali waxaynu ku jirnaa Cabdi Gorod iyo safarkiisii Berberee, maqaaxidii buu cunto ka dalbaday, Intuu uu noolaana waa markii uhoreysayee uu Maqaaxiba galo.

 

Dalbashada cunooyinka kala duwan ma uusan aqoone, War cunto ii keen unbuu yidhi , lacagna bixi.

Kaluun baa lasoo hordhigay, Cabdi Gorod dhowr jeer buu eegayoo, suuradiisii buu garan waayey, ninkii Maqaaxida joogay buu u yeedhayoo yidhi, Adeer cunadan aad iisoo hordhigtay bal magaceeda ii sheeg.

 

Ninkii maqaaxida lahaa wuxuu ku jawaabay "Waa Kaluun la geedeeyay oo cuntooyinka Berbera kuwo loogu jecelyahay ah".

Cabdi Gorod maba sii sugine, Kobtii gabay ka marshay isagoo ximaariniya ninkii maqaaxida lahaa oo udhashay Issaaq, Habar Awal, Ciise Muuse.

Wuxuu Yidhi inta aan ka hayo ;

 

Mas la dilay Abeesada malmalan Muluc la geedeeyay

Kolba aniga milix haysoo marshaan Ciise Muusuhuye

 

Cabdi Gorod wuxuu qabay laba dumar ah, gabayadii uu kula xaajooday haweenkiisa amaba uu ka marshay howlihii kala duwanaa ee uu la maray guurkooda amaba uu ka mutay tolkii ay dumarkaasi ka dhasheena , waxbaynu ka iftiimin inshallah.

 

Waxaa la weriyay Cabdi Gorod inuu guursaday haweenay ka dhalatay qabiilka Haarrti, khaasatan Majjeertteen

Xoolana waa baxshay, reerka uu gabadha ka qabayna mudduu Inan-layaal u ahaa oo uu la deganaa, malaheygana sidii ufili hayay ee nin xidid ah loo maamuusi jiray waa uu waayey.

 

Islaantii uu qabayna tabashooyin badan buu ka tirsaday, sidaas la adligeed, waa abwaan caadadiise, gabay buu inoogu soo bandhigay dareenkiisii, oo wuxuu yidhi;

 

Dhaan-Dhaan Majjeerrteen anaa mooday naag dhaqane

Dhalaankeyga anigaa ka tegay dhibicdii dayreede

Hashaydii oon la dhicin anaa dhoofshay berigiiye

Dhabayaco anaa ula kiciyo dhul aan la gaadheyne

Dhuul-Dhuul ma anaa usocon sidaan dhiilo kulul sheegi

Haddii reerku oomane ku dhaco ani miyaa dhaamin

Dhibaadeyda oo laba harar ah dhabar miyaan saari

Dhoqol caanihiisii maxaan dhami maxaan reebi

Dhalinyaro sideedii siday taladu ii dhaaftay

 

Cabdi Gorod gabadh kalena way udhaxday, isla qoyska Haarrti kasoo jeeda, khaasatan Dhull-Bahante.

Gabadhan dambe yarraan buu ku guursaday, waxaana la ii sheegay inuu ahaa 18 jir markii uu guursaday.

 

Sida muuqatana guurka ka hor, Jacayl baa ugu horeeyay, ee kuma uusan guursan sida caadada aheyd ee gabadh ina hebel baan dooni.

 

Inuu Jacayl ugu horeeyay guurkoodiina, Gabayganaa makhraati u ah, uu yidhi;

 

Jinta xooga weyniyo laftaad jananka moodeyso

Jigta socodka joomaha badhyaha joodariga laabta

Jiljileeca laafyaha markay jagac ka siineyso

Janbal lama ahaadee xubnaha say ukala joogto

Sanka jooga dheeriyo afkaw jinayga qaanseede

Sida johorad nuurkeed ishay nagu jaleeceyso

Qalbigaa i jiitoo inaan joogo la i moodye

Gabadhaa jacaylkaan u qabo waw jibaysnahaye

 

Cabdi Gorod gabadhii wuu guursaday, wuu la xididay Inan-Layaal buuna noqday siduu caadku ahaa.

Sida la iigu waramay, Cabdi Gorod wuxuu yidhi "Haddaan buulku ku raago, ragu intay buulka soo horistaagan bay ciyaar iga horqabsan oo lay odhan, War buulka kasoo baxoo geedka noogu imo, haddaan subaxda dambe soo kalaho oon geedka sii fadhiistana, Intay ii yimaadaan bay i odhan, War maxaad usoo kalahday, miyaanay gabadhanadu ku qancinin?

Hadalkii buu sii wadoo wuxuu yidhi Cabdi Gorod "Anigoo wax aan yeelo garan la' iyo si aan ugu tab baxo toona, yaan geed ay fadhiyaan gabadhan aan qabo qoyskeedu soo fadhiistay"

 

Gabadhu uu qabo, Dhul-Bahantte markii hoos looga dego, Waa Axmed Garaad oy kasii tahay Cali-Geri, Reer Warfaa Gorod.

Geedkii buu soo fadhiistay, geedkana waxaa jooga oo ka gabyayoo la dhageysanayaa abwaankii isla beeshaas ka dhashayee la odhan jiray Ismaaciil Mirre.

 

Ismaaciil Mirre ama kas haka ahaato oo uu Cabdi Gorod ku daandaansanayay ama gabayguba hala maree, wuxuu Ismaaciil gabaygiisii kusoo daray tuducyadan caanka noqdayee ah;

 

Guss weynida Oggaaddeen inay geeri dumar joogi

Goonyaha haddaan lagala marin guddimo xiiraaya

Inay gaari mowtiyo anoo garanayaan sheegay !

 

Cabdi Gorod isagoo Inan-Layaal inuu niman seediyadii ah ka dhex kaco oo uu gabyo iyo inuu aamuso yuu cabbaar dhulka xariiqay.

Waxay talo kaga ibo beeshay inuu hadalkina faafi doono, oo carro Oggaaddeen la geyn, lana odhan doono, Markuu Ismaaciil Mirre saas lahaa, Cabdi Gorod baa geedka fadhiyay oo aamusay.

 

Taa dambaa i cuntumi weyday, marka waxay talo kaga ibo beeshay inuu geedka ka dhex istaagoo oo uu jawaabo, sidii buuna yeela, wuxuu ka jawaabay Tixdan goodiga miidhan ah.

Cabdi Gorod wuxuu ku bilaabay meerisyo kulul oo gooddi ah oo uu leeyahay, Ismaaciilow iskama kay xajin kartide, daandaansiga jooji.

 

Cabdi Gorod wuxuu is barbardhigayaa, Murtida jiifta isaga iyo Faras gu'gusii dhameystirmay oo maanta dooyo lagu gelo haad ka orod dheer.

Maroodigu cadhooday oo qaylo iyo gurxan soo gaadhay, Webi iyo laago soo rogmaday oon la hor istaagi karin, Wiyil gadooday oo nin middgaani ahi damcay inuu toogtoo, si uu saanteeda Neddiga jeedalkii fardaha uga jarto.

 

Arimahaas oo dhan cajiibka ah buu ku goodiyay, Gole Ka Fuul iyadoo Geedkii la fadhiyo buu wuxuu yidhi Cabdi Gorod;

 

Ismaaciil gu'gaagiyo ma jiro adi gankaagiiye

Gadhku igama soo bixin cirradu ima gaboodyeyne

Aan gabtood kasoo dhigo Haldoor gaaxsan baan ahaye

 

Senge guri barwaaqo ah la furay badhina loo gooyey

Gafar socodka dooxada haduu gal iyo giig beelo

Hadii gulufku geel dagan arkoo galab la heenseeyo

Garmaamiyo afdhuublaan ka badin gacaliyow jooji

 

Maroodiga intuu goloy fadhiyay gabanadii daashay

Gurdanka iyo qeylada haduu gaadhka ka ogaado

Garab iyo itaal baan ku qaban gacaliyow jooji

 

Webiga oo galdaasa ah baddoo gabiyadii xoortay

Laagahakan gowleynayee samada guux dhaafshay

Gudbitaan anaa kaga dhex bixi gacaliyow jooji

 

Wiyishoo gadoodoo banaan cadho guhaadeysa

gees iyo nedaan jaran lahaa gacaliyow jooji

 

Goodkiyo abeesiyo maskoo gudahayoo guuri

Ninkii gacanta kula soo degdega geeri baa wada'e

Giirkaba anaa qaban lahaa gacaliyow jooji

 

Gusku uunku wuu wada lahaa gaaliyo islaane

Haddii gabadha oo kaa tagtiyo geeri laga yaabi

Idinkaa wax gooyaad sitiyo gamas wax laayaaye

Gunta maa la jaro saw qurjigu gaari dili maayo

Gardarada tolkay qabo maxaa godobta loo raacshay

Gablamooyin anaheyn ileen guni ma qaan gaadho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muddo markuu inan layaal ahaa buu Cabdi Gorod damcay inuu soo wareego oo tolkii iyo Carro Oggaadeen usoo awrar rarto.

Dumar iska jecel inay hooyadood dugsadaane, malaha gabadhii baa damcday inay negaadaan oysan guurin.

Cabdi Gorod mudduu arintaa ku dhex jirayoo, war hala i rarada uu ku hayay, waxse uuga naaso-caddaan waaye.

 

Habeenkii dambuu gabyay, isagoo ciil karaar dhaafsan, wuxuuna yidhi;

 

War ma horor libaax baan ugalay hal iyo baarkeeda

War ma ceel hawadu weyntahaan horay usoo duulay

War ma haadda gaaladu waddaa igula soo heentay

War ma waalidkay baa habaar igu higaadeeyay

War ma niman horweyn laga wataa igu halaayuusey

War Ma anoo habeen guuri baan halaqa soo jiidhay

Hundhudh iyo calool xumada waa lala habaabaaye

 

Kobtaa markuu marin hayo ee uusan gabaygii dhameystiran, baa Cali-Dhuux Aadan oo gabadha adeerkeed ah, ag fadhiyayna baa afka qabtay oo yidhi "Adeer gabadha waa laguu rari, dhibaadna waa loogu dariye, gabayga halkaa ku jooji"

Aroortii dambaa, awr laysku soo sanxidhay iyo gabadhii oo xadhiga uheysta, sidii bayna kusoo ambabaxeen.

 

Cali-Dhuux baa yidhi, Adeer waad naga eed sheegatay, Aniguna nin ******** xidid la ah baan ahaye, hadal faafayna xidid uma fiicnee, Gabaygii eed sheegadka ahaa eed xalay marisay, mid amaan ah nagaga meydh.

Cabdi Gorod howraarsan buu yidhi iyadoo oon meejiiba laga dhaqaaqin buu mariyay tixdan dhameystirka u ah taa korre;

Hadda waxaan kasoo rogahayaa amaan ka haaneeday

Waxaan helay halyeey aan la marin hooladuu daga'e

Waxaan helay habeen iyo dharaar hooy la jiifsada'e

Waxaan helay allaha ii hayooy hanadka wiilkiiye

Waxaan helay huruud iyo anfaco laga hibaadaaye

Waxaan helay allaha ii hayooy haybtii reer Gorode

 

Taa markuu mariyay buu tana kusii xijiyay oo isla amaantii qoyska uu gabadha ka qabay ah, wuxuuna yidhi;

 

Ma qatani qudhaydiyo intay Qaaso nooshahaye

Ma qatani qabiil goba intaan qoys ku leeyahaye

Ma qatani intaan Qoor-yarow wiilka qooqsadaye

Ma qatani intaan Qoob-mareer qayrkii hoos marine

 

Wakhtigii baa kasoo soke maray 1945'tii, Dowlada iyo nidaam iyo xuduudyo beenaad iyo waxbaa bilowday.

Cabdi Gorod tolkii wuxuu ahaa dadkii lagu sheegay "Ethiopiada cusub" ee goboladoodii la yidhi ha hoos tagaan Xeyle Salaase.

 

Amar iyo maamul cusub baa lasoo rogay, ninkii mucaarad sheegtay geeliisii ba la ooday, sanadkaas oo loo yaqaan "Geel-Oodkii" oy rag badani ka gabyeen, sida Xuseen Hudle Xasan oo kale.

 

Cabdi Gorod ninkii cidhiidhigaas cusubee soo kordhay ku dhibtooday buu ahaa.

Waxaa lasoo sheegay in Niman Reer Amaadin Khalaf ah oo xabashi laayey, la xukumay oo geelashoodi la ootaye, tii buu ka gabyoo , Cabdi Gorod yidhi;

 

Nimanyahow gu'geygoo lixdan ah oo gadhku cadaaday

Gidigii habeenimo haddaan talo ku gawriiray

Geesaha unbaan dayi afkaan gaadhka ka hayaaye

 

Anigiyo gankeygii haddaa gini la siistaaye

Kuwii gogosha ila jiifi jirey goonbir lagu qaadye

Gindhidh nimanka yaalee la dhacay gacalka Jeeraar ah

Cabdallaha godeygaa Bah-Geri goolka laga qaadi

iiddoorrka gubantaa dagee gaadhiyada waayay

Iyo aniga geestiina naal waan gudboonahaye

 

Cirka gaadhi meynoo dhulkaa gaalku gaasiraye

Gooraan xafiis baa la tubay geel rag leeyahaye

Gabagabada waa kaa ku dhalay giirtyartii rimaye

Gurta niman ka laafyoonayaa Geydho foofsadaye

Gaadiidka meel aan uraro waygu gabileey'e

Allow noo gargaar maanta waan gebi dhaceynaaye

 

Cabdi Gorod wuxuu kaloo ka gabyay jamhadihii ka dagaal galay dhulkaas, sida Jamhaduu Nasurallah, guulo ay kasoo hooyisay xabashidan, aad buu ugu dhaatay, waa kii mar yidhi;

 

Maasaarta nimankii watiyo mulikihii qoolka

Mari waayey gaadhigu jidkii soo marsheyn jiraye

Maajjeerku goortuu socdee macatabkii gooyey

Muslim baan ahaan jirey kolkuu uunka maqashiiyey

Iyo muusanow Waldhe iyo Minilikii xaarrey

Maasaare iyo Harooreyso iyo maalintii Jidhacle

Magac buu Oggaadeen ku helay meel uu joogaba'e

 

Xeyla-Salaasaa mar yidhi, Oggaadeen dhulkan daaqsin buu kusoo galayoo oo way na riixeen, dib iyo Soomaaliyaan ku celin oon urari, Taasii ka jawaabayoo uu yidhi, gabay aan ka hayo;

 

Dulqabowba nimankaa degiyo Doollo iyo Ciidba

Dirqi yaa ku rari waa sidii duudka Aw-Belede

 

Cabdi Gorod ma aheyn nin dekanada sokeeyaha ka gabya ama ku mashquula, haddii ay dantu ku qabatana, si dedban oo maldahan yuu uga hadli jiray.

 

Waxaa la weriyay nin ay ilma adeer ahaayeen oo la odhan jiray Axmed-Xaashi ayaa ku baxay gacan sokeeye.

Marka abwaankii Beesha Cali-Wanaag, maadaama uu yahay waxay dadkii uu la dhashayi ku qalqaaliyeen inuu gabay guubaabo ah marsho oo dhiig ku daato;

Wuxuu ku jawaabay Cabdi Gorod tix ay iga soo gaadhay;

 

Arbiciin anoo jiray inaan dunida aafeeyo

Oon gabayga eeda leh tirshaa waa ardaalnimo'e

Nimankii arbow Diiriyiyo odayadii laayay

Axmed-Xaashi nimankii dilee naga unuun gooyey

Alla magane ooftiyo naftey naga abaareene

 

Nimankii Axmed-Xaashi dilay geelii waa laga soo celiyay, magtiina waa bixiyeen baa soo yeedhay, markaasuu ku noqdayoo, Gabay digasho qarsoon ah mariyay, xikmadina gebiyada jabisay.

Wuxuu Yidhi Cabdi Gorod;

 

Gablan talo adduuney maxaa tu walba loo joogay

Bah-Bartire miyaa loogu tegay toomo guri xaashi

Birtuu gaalku soo tumay miyaa lagu takoogeeyay

War ma tanaga soo dhaamiyaa lagu tantoomeeyay

Ninkii laga tol roonaa miyuu gaal u tabareeyay

Toban toban ragii helay miyaan tuludna loo reebin

Tii dhicisay maa laga mag dhabay tacab khasaarkooda

Ninba tuu lahaan jiray miyuu kor uga soo tuuray

War ma taaliyaa loola kacay tookhii Ina Heybe

Wali Timiro Ina Sheekh miyaa timaha feedhaysa

Oo aan tafteedii la rogin gabadha Toolmoon ah

Oo ma tobinkii baan afurin kaaha tumin waayey

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beri baa lasoo sheegay nin Barre Cali la odhan jiray oo Cabdi Gorod ina adeerkii ah in lagu dilay xadka Burco.

Waxaa lasoo sheegay in cidda gacanta lihi ay tahay Habarr-Yoonis.

 

Cabdi Gorod col uu wato baa baxayoo, afar nin bay ugu soo aareen ninkii la dilay, Afarta waxaa laga dilay jifo la yidhaahdo Reer Ceynaanshe oo HabbarYoonis ah.

Gabay digasho ah waa abwaan wixii lagu yaqiinaye buu marshay, intaan ka hayana, wuxuu yidhi;

 

Ma la eeday awrkii Baroo Cali ma loo aaray

Afartii la dilay reer Wacays ma u agoontowday

Awal bay amaah naga qabeen nimanka iiddoorre

Alxamdulila weeyee Bah-Celi aas ma lagu tuurey

 

Bari baa Doollo waxaa ka dhacday abaar aad u daran oo xoolihii dhameysay, Cabdi Gorod iyo beeshiisiiba hoos inay uhayaantey goosatay.

Gabay uu ku alla baryayo buu mariyay oo ahaa;

 

Adhi iyo ninkaan geel lahayn waa allow sahale

Igland iyo Hawaas iyo Mardha iyo Unnuda loo dhoofo

Abaar gaadhay abidkay ma arag eeggah ka horoowe

Eebbow wuxuun nagu irsaaq waad na aragtaaye

 

Markey soo hayaameen ayey reer Hundo noqdeen oo roob fiicana ka da,ay, maadaama nolosha reer guuraagu ku xidhantahay, Kolba inay sahansadaan meeshii tigaad iyo biyo leh.

Hunde waxaa la yidhaa dhulka togga Faafaneed uu kusoo daaco, iyo agagaarkiisa.

Geeljire qadaf iyo afxumo makala deystee, kuray Bahgeri ah iyo kuray reer Cali-Wanaag ah yaa is laayay oo is aflagaadeeyay.

 

Mid kuraygii Bahgerri ka mid ah baa soo gabyay, isagoo leh dib nooga guura iyo Doollo, oo dhulka nooga tega, wuxuuna yidhi;

 

Goflow Cali-Wanaagow haddaan gumacyo kaa qiiqin

Godka Dhoobo-Weyn iyo haddaad joogto gurigeyga

Goble iyo Hangoole-Xun haddaad geel kusoo horoto

Garbadiyo haddaad Labo-Toglaha Goray ku haaneedo

Alleylehe gun yahay waa waxaad galabtii moodeene

Gabaygaas buu Cabdi Gorod ka jawaabay isagoo goodin haya, una digahaya wiilkaa soo gabyayee Bahgeri.

 

Wiyil Geeska Lama soo qabtoo waa wax giir adage

Lama gaado Goodkiyo Maskiyo gaatiyaha Aare

Lama gaadho gaadhiga ordiyo Goroyo Cowleede

God Abeeso gacantaada Waa lagala giigaaye

Lama geysto goor iyo ayaan godob sokeeyaade

Lama gooyo geedaha midkay gogoshu kuu taale

Gujo beerka layskagama dhuftiyo gumuc rasaaseede

Ninkii gabayga kaa badin dhawaan looma goodiya'e

Gumbablow Jibraa'iilka iyo Gerigan maansooday

Labaduba gu'gay soo baxeen waana goray ciile

God waxaan ku aabudhi midkii gaar u joogsada'e

 

Markii lasoo galay 1950'kii, is-beddelno baaxad leh baa dhacay oo nolosha dadkaas wada deganaa ah.

Cabdi Gorod baa malaha wuxuu arkay qabiilo markii horre la caano maali jirey Abbsameha oo la odhan jiray "Reer Aw".

Haddaan sharaxo "Reer Aw" waxaa isku ahaa "Aba-yoonis, Gaaddsan, Sheekhaash, Reer Aww-Xasan".

Nimankii oo wuxuu arkay Aw'nimadii kasoo taagan oo madax-taag iyo indho-dhaafini ku jirto.

Wuxuu maqlayoo Kale, Jifo Oggaadeen ah iyo Abayoonis baa geelal kala dhacay, Arintaasuu qaadin kari waayey, wuxuuna yidhi;

Kobtii Aar libaax uu fadhiyay dawac ka uugaanye

Atoor waliba geesaha ufidhay amar ku taagleyne

Abid aadankay waxaanan arag odayna ii sheegin

Abayoonis geel dhacahayoo uustar wada heysta

Oo niman Oggaadeena ah galay oogta waaberiga

Oo igadh lo'aad iyo la tegay Ayra iyo Loola

Oo duqeytidoodii dagaal inanka guubaabin

Oo loo ergeeyoo tolnimo lagaga ay waayey

Oo laga aloolsani sidii nimanka iiddoorra

 

Isagoo nimankaas aynu kor kusoo xusnayee "Reer Aw" ah ka digaya arimahay soo wataan, waa kii markalena lahaa;

 

Oggaadeenku waa Doqon-fariid daawashada guude

Waa duul maroodi ah markuu dib u cadhoodaaye

Nin waliba markuu naga dibiray durugsay meeshiiye

Waxa noogu sii darana waa duul wadaado ahe

Dariiqadaad maqleysaani waa dowlad gooni ahe

 

Sidaan soo sheegnay Isbedelkii ka fajicayay Cabdi Gorod, mid kobtaa ku joogsamay ma aheyn, mid maalin walba taagan buu ahaa.

Dowladii Xeyle Salaase oo leh wadooyin rasta ah baanu jeexi, oo dhul geel iyo geeljiruhu inay maraan mooyee, sidooda kale xidh u ahaa baa loo qalabeystay in wado baabuur laga jeexo.

Bbc'dii baa sheektay in Mareykankii Dayaxa sahan udiray, Qayilaada jaadka baa laga bilaabay magaalada Qabridahare oo raga badankiisii Caleen-Ruug noqday.

 

Caano geel oo la iibiyo lama aqoon, Dumarkii oo intay haanta dhabarka soo saarteen suuqa keenaya caano oo laga iibsan hayo yaa iyana bilaabatay.

Nimankii SHeekhaash la odhan jiray oo dagaalo bilaabay iyo weerar baa iyana baryahaan cusayb hor leh aheyd.

 

Xeyle Salaase baa boqornimadii lagu heystaa oo Mingisti baa inqilaab soo wadana way soo yeedhay, Niman baa geed waabtayoo shaah ku karin hayana way horlaheyd, iyo wax Telefon la yidhaahdaa soo baxayaa, Niman wadan kale jira kuu sahli inaad is maqashaan, idinkoonba is arag.

 

Arimahaas aan kor ku soo xusay oo dhan buu hal gabay isugu geeyay, la yidhaahdo "Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e".

Wuxuuna ka mid yahay gabayada Cabdi Gorod kuwiisa loogu jecel yahay.

Allaha unaxariistee, wuxuu yidhi Cabdi Gorod;

 

Dalka nalaga qaatee weftigu diirada u heyso

Sida duunyo booli ah anaga nalagu doodaayo

Dowyaha Nogbeed iyo rastada duuda laga jeexi

Diyaaradahan Doollo iyo Webi iyo dadab u rooraaya

Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeeyne

Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e

 

Dayaxanaa la degi waa iblays derejadiisiiye

Midka diinta heystiyo sharciguu duufso leeyahaye

Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeeyne

Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e

 

Nin dameero dhaanshow ahaa jaadka daba roori

Oo maatidiisoo dibjir ah dooga lacag siisan

Oo sidii duq geeloo tebsi leh daamanka u buuri

Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeyne

Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e

 

Naaguhu dukaan bay dhigteen dagalka suuqiiye

Caanaha waxay kuu daraan daasad iyo koobe

Adigoon darduwin bay ku odhan dollarka isiiye

Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeyne

Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e

 

Sheekhaashtan duulaanka kicin sida Daraawiishta

Diini Xaaji iyo Aw Sadiiq duhurkii geel qaadi

Oo reyfal daasadi dhextaal dib ula soo jeedsan

Oo maganta daasaha gashiyo dili Oggaaddeenka

"Daaroodka daanyada ku jira aniga ma i deyni"

Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeyne

Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e

 

Sida maro dawaarkii ka go'ay boqorkan duugoobi

Dunta jananka laga qaadiyee alifle loo deyni

Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeeyne

Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e

 

Ragan duurka waabtayee qaxwuhu dibinta boogeeyay

Kuwaa dubaya meeshii danlee gabadha oo daawan

Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeeyne

Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e

 

Birtan dadani ee uun digriyi sidii, wadaad duub leh

Durba hadalka kuu iman intuu, Xamar kasoo duulo

Dadkan yoomi ee kula fadhiya, kaana sii durugsan

Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeeyne

Dib maxay ka noqon waa adduun, doorshay kii hore e!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wali waxaynu ku gudo jirnaa waxyaabihii ka fajiciyay abwaanka Cabdi Gorod ahe.

Wuxuu magaalada Qabridahare ku arkay, niman ganacsi yeeshayoo , intay geelii kasoo xoreedeen, noloshoodu ku xidhantay wax baabuur dushii saaran.

 

Alaab loo soo dejiyo, iyaguna alaabooyin udirsada Hargeysa iyo dhulal kale.

Wuxuu kaloo arkay Caano-Niidoo, ama caanaha qasacadeysan ee daasada ku jira oo intii biyo lagu daro, caano ahaan loo cabayo.

 

Wuxuu kaloo arkay Dumar booskii raga galaya oo qoysaska qaar iyagu kaba taliyo, wuxuuna kusoo horiyay nimankii culimada ahaa ee Reer Aw, ood moodo Cabdi Gorod inuu il gooni ah ku hayay.

Waa gabay aad dadku ujecelyihiin, waxaana ka mid ah meeriskii caanka noqdee ahaa "Nin adduun ku noolow maxaa aragti kuu laaban"

Wuxuu yidhi Cabdi Gorod;

 

Baabuur isjiid ahoo uraran niman Oggaadeena

Ee iib la'aan loogu furi maanta waa ugube

Nin adduun ku noolow maxaa aragti kuu laaban

 

Caanahaan aduun laga liseyn adhiyo geel toona

Ee ubadka loo qaybiyaa maanta waa ugube

Nin adduun ku noolow maxaa aragti kuu laaban

 

Usha godan haweenka watee amarka loo dhiibay

Ee sida Askari noo xukumi maanta waa ugube

Nin adduun ku noolow maxaa aragti kuu laaban

 

Abayoonis iyo Aw-shariif odayo shekhaash ah

Oo intay alabaabada xidheen laga aloolaysto

Oo ergadana geed loogu tegi maanta waa ugube

Nin adduun ku nooloow maxaa aragti kuu laaban

 

Wali gabayadii Mucjisooyinka adduunka uu ka marshay baynu ku jirnaaye.

Naag maqaaxi shideysa oo bakeeri shaah qaybineysa, Kaarre lagu dagaal galo, oo ninka wadana aanad arkeynin, dowladii oo soomaaliya oo bixineysa koorsooyinka reer guuraage lagu barayo nacfiga geelu leeyahay.

Wuu yaabay, wuuna fajacay Cabdi Gorod.

 

Gabayadii waxaa ka mid ah kan uu yidhi;

 

Kuubba iyo Ruush iyo Amxaar, kaynta soo gale e

Kufriga iyo Islaamkuba dadkii, way kilkiliyeene

Keeniyo hoggaanbuu sitaa, kiin aan loo imane

Mid waliba intuu kayn galuu, kaalay leeyahaye

 

Kaaraha cirkaa marayaan, kor u dayeynaaye

Kolkuu soo degana ciidda waa, lagu kexeeyaaye

Kobna kama duleelaa la yidhi, wuuna ku arkaaye

Waa waxaan xabadi kuu karayn, kaana orod dheere

Waa xaajo kow ahoon la arag, maanta ka horow e!

 

Naaguhu kobtii lagu ogaa way, ka tegayaane

Kursi bay u fuuleen qaxwaha, keen la leeyahaye

Kun nin oo hareeraha fadhida, kama xishoodaane

Kolkay gacanta kuu fidin la arag, kolanta naaskiiye

Waa xaajo kow ahoon la arag, maanta ka horow e!

 

Geelaa kursaha weyn la waa, kob an ku maalaaye

Kunbis baaba lala doonayaa koromadiisiiye

Koobada in lagu qaybsadaa, kooros loo galaye

Kobna kama baxeysoo naftani waa la kololeeye

Waa xaajo kow ahoon la arag, maanta ka horow e

Kariimow allahayow adaa dunidan kaalmeyne

 

Gabayadiisa mucjisada ee cid furtay iyo dan uu ku lahaa midna aan la garaneyn, aniguna shaqsiyan aan aad u raadiyay sababtii ka keentay, waxaa ka mid gabayga la yidhaahdo "Qamardaad"

Waa gabay qufulan oo saan filayo isagoon sharixin dantii uu ka lahaa uu la dhintay allaha uraxmee.

Marka gabaygan akhristayaasha ayay ufurantahay inuu ninba siduu u fahmo ula dhaqaaqo.

Wuxuu yidhi Cabdi Gorod;

 

Qudhii Maxamed qowlkii Salaan qodabadii Raage

Qamaan iyo Ismaaciil Mirriyo Qowdhan iyo Weerar

Qarnigii horreetaan ka hadhay qoonkii gabaygiiye

 

Qabri baanan gaadhine adduun qaatay calafkeeye

Wax i qaaday mooyee cirkaan qadow ka laacaaye

Qoraxdii gudeysaan qabsaday Qaahiraan tegaye

Qalin iyo waraaq baan sitoo qaaradaan maraye

 

Qarduum nimanka joogaan utegay qoomkii Reer Yurube

Qormadaan lahaan jiray dhurwaa qaawan baa degaye

Ingiriisku qooriga Berbera qaylo soo didiye

Diinkuba intuu qolof huwaday qoorta soo ridaye

Qumbulaadii Ruushku maanta way nagu qandoodaaye

 

Qudha Adari quruxdii JigJiga Qaali iyo Faafan

Qowyaha Nogbeed iyo Wardheer Qaalnimadeeda

Qabridahariyo Dhooba-Weyn qadadii noo tiilay

Qoorriga suweys kama xumayn qoodhay xeradeeye

 

Lagase qaad qoonkii lahaa taniyo qaabiile

Oggaaddenkan qaxayaa shardoo qaybta laga daayo

Qarxin maayo gabaygaan hayee hayska qamar-daado

 

 

Dadka gabayada xiiseeya waxay jecelyihiin, nin gabayaa ah oo magac dheer leh markii ay la kulmaan, inay juqeeyaan oy kolba gees hadalka kala maraan

"Adeer berigii gabaygaad marisay noogu celi" "Adeer hebel ma isu gabaydeen wali" "Adeer Gole-ka-Fuulka ma taqaanaa"

Su,aalo noocaas ah, Gole ka fuulkuna waa masalo dadku jecelyahay, Abwaanka yaqaanana lagu tix geliyo.

Waa Abwaanka kartida uleh inuu meeshii la joogaba iyo marxaladii lagu suganyahayba wax ka tirin karo, isagoon usoo fakarin.

 

Mar ay nimanka raaska ahi xujeeyeen Cabdi Gorod, oy dhaheen war bal cunadan aynu dul fadhino ka gabay, buu tixahan hoose ee Gole ka Fuulka ah ku jawaabay;

 

Fandhaal Cali Cadduur qoray haddaan, lagu fataakheynin

Fud malaasan caanaha haddaan, fiiqdu daba joogin

Siddii awr faruur xidhan haddaan, foorar lagu raagin

Ma fogaato gaajadu haddaan, feedhu kor u boodin

 

Nin Issaaq ahoo ay dekene kala qabeen baa arkay Cabdi Gorod oo carro Oggaddeen safar ku yimid.

Ninkii baa toorri iska gooyoo damcay inuu laba ukala jaro Cabdi Gorod.

Cabdi Gorod ma hub la,ayne toori buu lasoo baxay isna af-xiir ah, waase lakala qabtay:

Dhacdadii buu ka gabyay isagoo toori afeysanaya maalin kaloo wuxuu yidhi;

 

Shalay duhurkii Daahirow markii, Carab isoo doontay

Diilintii bannaanayd markuu, dumarku ooyaayey

Dabajiir midduu tumay markuu, igula soo duulay

In lay dili kolkii naagihii lagu dalaaqaayey

Een Daabcaddaydii la baxay, soo degdegi waaye

Soofaha ku duug maandhow waanigii, kuu ducayn jiraye

 

Gabayadiisa loogu jecelyahay ee lagaga haasaawyo goobaha lagu kulmee magaalada Qabridahare, waxaa ka mid ah gabaygan soo socda ee uu marshay mar uu gaboobay, oo uu malaa doonayay gabadh yar in loo guuriyo.

Duq gaboobayoo geeljirenimo soo maray, xoolo jacayl kama dhamaadee, waxaa kaloo ka muuqdo inuu jecelaan lahaa xoolo badan inuu yeesho, waa gabay aad dadku u xiiseeyaan.

 

Inuu mar hadii wakhtigiisii gabaabsi yahay oo uu cimriyay, inuu cilmiga diinka barto oo waliba sheekh weynoo la maamuuso noqdo buu sheegtay inuu jecelyahay.

Allaha unaxariistee , wuxuu yidhi Cabdi Gorod;

Qoton gabadha jeeroon la galo qolad'da aan seexdo

Jeeroon birtii lagu qodbiyo qoofalada gooyo

Qumbulaada jeeroon ku rido qalabka loo haysto

Jeeroo qofteydoo i jecel qoodhka iga dhowrto

Qosli maayoo jeeroon ka baxo quudha aadmiga'e

 

Caanahaa qabowga leh shardoo qabaxsi loo fuudo

Qar-madoobe isagoon la darin qadow dhanaankeeda

Qosli maayoo jeeroon ka baxo quudha aadmiga'e

 

Jeeroon quraankiyo cilmiga qiil walba usheego

Jeeroon qardhaasaha udhigo qooni nimay heyso

Qosli maayo jeeroon ka baxo quudha aadmiga'e

 

Waxaa la weriyay in dowladii Kacaanka aheyd Soomaaliya iyo Dhoodaan is madax-dhaafeen.

Dhoodaan oo saluugsanaa qaabka uu kacaanku ula dhaqmayay siyaasada ku wajahan Oggaadeeniya, una majaro habaabinayay.

Dhoodaan sidaas baa lagu qoray inuu mucaarad yahay, maadaamo uu ku fooganaa in shacabka kasoo jeeda dhulkaas oo uu arimo badan oo ka qarsoonaa u iftiimiyo.

 

Sidaas la adligeed, Dhoodaan wuxuu degay Herer oo uu kasoo gabyi jirey, waana loo tabca waayey.

Wixii abwaan sheegan jiray oo dhan baa laysu keenay Radio Muqdisho, nin liilaya, ama heerka iyo meeqaamka ereyada Dhoodaan beegsanayeen, ag dhiga baa la waayey.

 

Dadku waa is yaqaanaaye, nin Cabdi Gorod aqoon u lahaa baa yidhi, Nin Dhoodaan ka dhiciya Dowlada Soomaaliya anaa aqaanoo, Cabdi Gorod baa la yidhaahdaa ee haloo yeedho.

Sidii baa Cabdi Gorod lagu keenay meesha, isagoon raali ka aheyn.

Gabay wuxuu tirshay sarbeeb ah oo uu Dhoodaan kula hadlayo oo uu leeyahay, War Kacaankii sirdoon buu kuu soo diraye, meeja aad joogto ka dhaqaaqo.

Gabaygu wuxuu ahaa intaan ka hayo;

 

Dheri iyo dhardhaar iyo dabbaad, kala dhextaalaaye

Lafo dhuuxba laga waayeybaad, dhabaqsanaysaaye

Hal dhurwaa candhada gooyeybaad, dhiil u sidataaye

Dhabihii walaalkaa ka tagay lagugu dhaandhaanye

Adoo Adari dhaantada ka tumi, yaa dhab lagu siine

Ka dhaqaaq kobtaad taagan tahay, dhabano weynayde !

 

Waxaa soo uruurshay Faarax-Geeydh

 

FaaraxGeeydh@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haatu;919132 wrote:
Strange how someone can be called Cabdi Gorod. I know someone with that name.

Asc sxb haa waa magac lala bixi karo dee, lol Ani waxaan la kulmay mid Gorod la dhaho, Not cabdi gorod yet lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this