Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Reer Cadale fights Al shabaab

Recommended Posts

Wararka ka imaanaya degmada Cadale ayaa sheegaya in Iska hor imaad u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo Xoogag ka tirsan Al-Shabaab uu ku dhex maray deegaan ka tirsan degmadaas.

 

Sida ay sheegayaan wararka iska hor imaadkan ayaa ka dhashay qasaarooyin kala duwan, iyadoo Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe uu ka hadlay.

 

Afhayeenka Maamulka Gobolka Daa'uud Xaaji Cirro ayaa sheegay in iska hor imaadka uu ka dhacay deegaanka Xagarey, halkaasoo dadka deegaanka ay dhibaato ku qabeen Al-Shabaab.

 

"Meesha dagaalka ka dhacay waa Xagarey, runtii dhibaato ayay dadka deegaanka ku qabeen Al-Shabaab oo cadaadis ku hayay, waxayna goosteen inay la dagaalamaan"ayuu yiri Mr Ciiro.

 

Sidoo kale Afhayeenka ayaa xusay in ugu yaraan hal ruux uu ku dhintay, halka todobo kale ay ku dhaawacmeen, iyadoo aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab.

 

Al-Shabaab ayaa dagaalo culus kala kulmaya Ciidamada dowladda oo taageeraya kuwa AMISOM, waxaana maalmo ka hor lagala wareegay deegaano ka tirsan Shabellaha Hoose.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ilaahey ha idinku caawiyo inaad kuwan Khawaarijka ah ka guuleeysataan.

Soomaaliya oo dhan ayaa nabad ku noolaan laheyd hadii kuwan diinka sida qaladka u fahmey la qaban lahaa ummadeena.

Waxaan leeyahy Ilaahey guul hasiiyo qofwalboo la dagaalamaaya KHAWAARIJTAN cusub.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this