Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Breaking news: Al shabaab Attack in Baar Liido

Recommended Posts

Qarax xoogan ayaa goor dhow ka dhacay afaafka hore ee Bar Liido, halkaasoo ah goob laga cunteeyo, dad badana ay isugu tagaan xilliyada galbihii iyo maalmaha jimcaha ah loo dalxiis tago.

 

Uuro iyo qiic ayaa cirka isku shareertay, iyadoo wali aanay kala cadeyn qasaaraha ka dhashay, hase ahaatee qaraxa ayaa lagu soo beegay xilliga Qadada.

 

Mid ka mid ah shaqaalaha Baarka ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid aad u xoog badan, isla markaana gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay la soo geliyay barxada baabuurta lagu baarkimo ee Baar Liido, kadibna uu ku qarxay.

 

Baabuur badan ayaa la sheegay inay ku bur bureen, sidoo kale waxaa la sheegayaa inay jiraan waxyeelo kala duwan, gawaari badan oo Ambalaaska ayaa ku qul qulaya.

 

Baar Liido ayaa ah meelaha ugu camiran ee dadka ku badan yihiin, iyadoo ay tagaan dadka ka yimid qurbaha iyo dadka reer Muqdisho, iyadoo galbihii ku qaxweeya, habeenkiina ku fiidsada.

 

Xeebta Liido oo ay ku dhinac taalo baarka qaraxa lala eegtay ayaa waxaa maalmaha jimcaha u dabaal taga boqolaal dadweyne oo ka kala yimaada degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

La soco wixii ku soo kordha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa galay Baar ku yaala xeebta Liido, qaraxaasi oo geystay qasaarooyin fara badan ayaa la sheegayaa in haatan la kala gurayo dadkii ku waxyeeloobay.

 

 

Mid ka mid ah goob joogeyaal ku sugan goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in qasaaraha ka dhashay qaraxa uu yahay mid aad u weyn, isla markaana ay jiraan dhimasho iyo dhaawac fara badan.

 

Gaariga walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa la sheegayaa inuu ahaa gawaarida yaryar, kaasi oo la sheegay inuu jiiray bar kontrol oo ku taala Baarka ay dadka badan ku waxyeeloobeen.

 

 

Wixii warar ah ee ku soo kordha dib ayaan idinla socodsiin doonaa. Insha Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Mid ka mid ah shaqaalaha Baarka ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid aad u xoog badan

Xaguu joogey qaraxa markuu dhacey kan, miyuu ka badbaadey mise space suit ayuu qabey, just wondering!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Any sources, taar maalaguugu sheegay, how slow is Mogadishu to report any breaking news, even Radio Muqdisho seems so slow, that is the problem when not having a proper News Agency ama Wakaalada Wararka(normally for this to have, you have to have every single place a reporter or informer, reliable)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Odey   

Actually this is true. I was but only 5 minutes away heading to the place and had just gone past Baar Fiat when I heard the blast. I could tell it was quite huge, so we turned back and called around. A few of our friends who were having lunch there waiting for us told us casualties are a must given the number of wounded and walking wounded they saw and they are amongst them.

 

The other day it was the PM's house, then Galkacyo, yesterday it was the Great sheikh they assassinated, now Liido. Very systematic?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odey;918796 wrote:
Actually this is true. I was but only 5 minutes away heading to the place and had just gone past Baar Fiat when I heard the blast. I could tell it was quite huge, so we turned back and called around. A few of our friends who were having lunch there waiting for us told us casualties are a must given the number of wounded and walking wounded they saw and they are amongst them.

 

The other day it was the PM's house, then Galkacyo, yesterday it was the Great sheikh they assassinated, now Liido. Very systematic?

Damn im worried for my friend he was having lunch there today and he aint answering his phone.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bogga Hore

Keydka Sawirrada

Radio Mogadisho

Tartanka Ramadaanka

Tubta Toosan

Wararka

Xuska Maalmaha Xoriyadda

Xusuusta Raadiyaha

 

Qarax loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo kadhacay Baarka Liido Seafood ee degmada C/Casiis

Published on February 16, 2013 by Gaani · No Comments · 198 views

 

Qaraxan oo lala beegsaday Baarka Liido Seafood oo kuyaala xeebta liido ee degmada C/Casiis ayaa Waxaa loo adeegsaday gaari laga soobuuxiyay walxaha qarxa oo lasoo dhigay ilinka hore ee baarka kadib Markii ay usuurtageliweysay dhagarqabayaashii soo abaabulay inay gudaha ugalaan baarka maadaama Uu dhisma farabadan ka sokeeyo gudaha baarka ama halka ay dadku ku cunteeyaan.

 

Gaarigan ayaa lasheegay in lagu baakimay ilinka hore ee Baarka kadibna uu goobta kabaxsaday Dhagarqabihii doonayay inuu dadka ku haligo isagoo qaraxa u isticmaalay Mopile qaraxa ku xirnaa oo Lasoo wacay.

 

inta la.ogyahay hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday qaraxan iyadoo ay ku dhaawacmeen 3 ruux oo Goobta kabaxayay xiliga qaraxu dhacayay.

 

Goobta oo ay durba gaareen wariyayaal katirsan warbaahinta Qaranka ayaa waxaa la arkayay inkabadan lix Gaari oo nooca raaxada ah kuwaasoo goobta ku basbeelay iyadoo damintoodana ay qeyb ka qaateen Shaqaalaha dabdamiska ee gobolka Banaadir uu dhawaan u tababaray habka loo baqtiijiyo dabka

 

Gudoomiyaha degmada C/Casiis oo goobta kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maadaama amniga Baarka aad loo adkeeyay ay dhagarqabayaasha Al-Shabaab ku adkaatay inay gudaha ugalaan baarka Ama soo diraan qof miineysan taasoo uu xusay ineysan suurtagal u aheyn.

 

Horay ayaa kooxdan waxa ay qaraxyo uga geysteen Baarka The Village oo kuyaala guriga hooyooyinka Iyo Baarka Sports Caffe ee kuyaala xaafadda Zope taasoo ay ciidamada amnigu ka hortageen 2 naftii Halige oo goobta lagu toogtay intii uusan gudaha ugalin.

 

Weeraradan ayaa muujinaya sida ay kooxdani uga soo horjeedaan ganacsiga xorta ah ee ka hanaqaaday Caasimadda dalka ee Muqdisho iyo sida ay dadka Soomaaliyeed ugu jiheysteen inay dalkooda maalgashi Kusameystaan.

 

RM

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this