Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Somali MPs visits Dhuusamareeb, Galgaduud

Recommended Posts

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa maantana gaaray xarunta gobolkaasi ee Dhuusamareeb.

 

Xildhibaannada oo ka ambabaxay Guriceel kadib markii ay kulammo la qaateen waxgaradka,siyaasiyiinta ,mas’uuliyiinta,maamulka degmada Guriceel iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaga oo kala hadlay xaaladda guud ee ka jirta deegaannada ku dhow Guriceel iyo waxyaabaha ay dadku xiligan sida deg dega ah u daneynayaan si loogu soo gudbiyo Xukuumadda.

 

Markii hadaba xildhibaannada ay gaareen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyey qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi ayadoo dadweynaha Dhuusamareebna ay dhigeen banaanbax ay ku taageerayaan socdaalka Xildhibaannada ay ku marayaan gobolka Galgaduud qeybihiisa kala duwan.

 

Xildhibaan C/naasir Gaarane Aadan oo la hadlay dadweynaha Banaabaxa taageerrada ah u muujiyey Xildhibaannada ayaa sheegay iney aad ugu faraxsan yihiin sida sharafta leh ee loosoo dhaweeyey ayadoo taasina ay ka turjumeyso sida ay dadka reer Galgaduud xiligan u daneynayaan Dowladnimada Soomaaliya iyo hanaanka hormarka leh ee uu dalku ku talaabsaday xiligan.

 

Hadaba Xildhibaannada Baarlamaanka ee gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxey kulammo kala duwan la qaadan doonaan maamulka gobolka Galgaduud iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi oo ay ugu horeeyaan Waxgaradka ayaga oo kala hadli doona xaaladda dhabta ah ee ka jirta gobolka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this