Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Puntland to start Rural Education Programme/Policy

Recommended Posts

Waxbarashada reer Miyiga

 

18 Jan 18, 2013 - 12:01:31 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Hay'adda Adeega Qoyska Soomaliyeed oo afka qalaad lagu yiraahdo Somali Family Services ayaa waxay ku howlan tahay sidii waxbarasho tayo leh loo gaarsiin lahaa dadka ree rguuraaga ah ee degan Gobalada Puntland,waxaase mashruucasi waxbarasho lagu gaarsiinayo dadka miyiga degan laga bilaabay deegaano iyo dhul miyi ah oo hoos yimaada Gobalada Nugaal,Karkaar iyo Sanaag.

 

Bashiir Ibraahim Jaamac oo ah madaxa Mashaariicda Hay'ada SFS oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay barnaamijka waxbarashada reer guuraagu uu yahay mid lagu doonayo sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo garaadka dhalinyarada miyi ku nool,waxana mashruucaani hay'ada kala shaqaynaya UNICEF iyo Urur kale oo maxaliya.

 

Dhinaca kale wasarada waxbarashada Puntland ayaa qayb ka ah mashruucaani waxbarashada reer guuraaga lagu gaarsiinayo,waxana luugo talo galay inuu socdo mudo labo sano ah''Run ahaantii mashruucaani wax wayn ayuu kusoo kordhinayaa dadka baadiyaha ku nool waana mid wax wayn ka badali doono hab nolaleedka reer guuraaga" Bashiir ayaa sidaasi yiri.

 

Dowlada Puntland ayaa ku mashquulsan sidii waxbarashada iyo adeegyada bulshada loo gaarsiin lahaa goobaha laamiga ka fog,waxaana la filayaa inuu wax wayn kusoo kordhiya sidii looga bixi lahaa aqoon darida ka taagan Soomaliya.

 

Dadka reer guuraaga ah ee ku nool qaar ka mid ah deegaanada Puntland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay deeqda waxbarasho,waxayna ku tilmaameen inay tahay arin la wada dhowrayay balse soo daahday.

 

Inta uu socda mashruucaani waxbarashu reer guuraaga ,ayaa lagu wadaa inay ka faa'iidaystaan kumanaan dhalinyaro ah oo aan horay u helin furshado waxbarasho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this