Sign in to follow this  
Liibaan

Maamulka Khaatumo State oo SooDhaweeyay Aqoonsigii Ay Mareykanku Siiyay Dowlada Federaalka Somalia

Recommended Posts

Liibaan   

Maamulka Khaatumo oo Soo Dhaweeyay Aqoonsigii Ay Dowladda Mareykanku Siisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

 

 

Isniin, Jannaayo 21, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Khaatumo State, Maxamed Jaamac Yuusuf (Indha-sheel) ayaa shir jaraa`id oo uu maanta ku qabtay Magaalada Buuhoodle wuxuu ku taageeray aqoonsiga buuxa ee dowladda Mareykanku ay siisay dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Indha-Sheel wuxuu ku tilmaamay in aqoonsigan uu ku yimid horumarka ay dowladda federaalku ka sameysay kuwaasoo uu sheegay inay kasoo billowdeen shirkii madax-dhaqameedku ku yeesheen magaalada Muqdisho kaasoo ugu dambeyn lagu dhisay dowladda federaalka Soomaaliya ee hadda xilka haysa.

 

Madaxweynaha Khaatumo wuxuu baaq u soo jeediyay dowlada Soomaaliya oo uu ka codsaday inaan lagu mashquulin caasimadda Muqdisho iyo goobaha ku dhow oo keliya; balse maamulka la gaarsiiyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

 

Sidoo kale, Indha-sheel wuxuu ugu baaqay maamulka Somaliland inay ka waantoobaan kala goynta dalka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Khaatummo wuxuu si kooban uga hadlay maamul u samaynta deegaannada uu maamulkoodu ka tarliyo isagoo xusay inay u dhiman yihiin deegaanno yaryar ayna dhawaan soo afjari doonaan, isagoo bulshada deegaannadaas ku nool ugu baaqay inay ka shaqeeyaan ammaanka iyo horumarka deegaannadooda.

 

Si kastaba ha ahaatee, taageerada maamulka Khaatumo ee aqoonsiga Mareykanka uu siiyay dowladda Soomaaliya ayaa ahayd mid la filayay, maadaama ay mar kasta ku dooda in dalku uusan kala go’i karin.

 

Hiiraan Online

 

Laascaanood, Gobolka Sool

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this