Sign in to follow this  
Maaddeey

Amisom's massacre of children and elders at Lego (Lower Shabelle)

Recommended Posts

Maaddeey   

Ciidamada AMISOM oo dad xoolo dhaqato ku xasuuqay deegaanka Leego

 

Siddeed ruux ayaa la xaqiijiyay inay geeriyoodeen sagaal kalana ay dhaawacyo ka soo gaareen kadib markii ay ciidamada AMISOM ee ku sugan deegaanka Leego ay rasaas ku fureen qoysas xoolo dhaqato ah oo ku nool deegaan ka tirsan Leego.

 

Dadkan waxyeelada ka soo gaartay weerarkan ayaa la sheegay in ay ahaayeen xoolo dhaqato iyadoo dadka geeriyoodayna ay ka mid ahaayeen haween. Sidoo kale weerarkan ay ku qaadeen ciidamada AMISOM dadkan xoolo dhaqatada ah ayaa waxaa waxyeello ka soo gaartay xoolo isugu jira geel iyo ari.

 

Guddoomiyaha Leego Cabdifataax Alcadaala ayaa sheegay in dadkan ay si ulakac ah u xasuuqeen ciidamada Uganda ee ku sugan gobolka Sh/hoose.

 

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ugu baaqay dowlada inay baaritaan degdeg ah ku samayso falka weerarka ah ee lagu qaaday dadka xoolo dhaqatada ah, waxana uu xildhibaanku sheegay in kacdoon uu ka dhalan karo xasuuqa loo geystay dadka rayidka ah.

 

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu xumeyd ee ay ciidamada AMISOM u geystaan dad rayid ah. Mana jirto illa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay ciidamada AMISOM iyo dowlada federalka ah.

 

Lamana oga sababta keentay in ciidamadan AMISOM ay maalin cad ay rasaas ku furaan qoysas xoolo dhaqato ah.

 

Dadka ku dhaawacmay weerarkan ayaa badankood la dhigay isbitaalka Madina ee magaalada Muqdisho. Nabadoonada beesha ay ka soo jeedaan dadkan waxyeelada soo gaartay ayaa ugu baaqay dowlada Soomaaliyeed inay si degdeg ah jawaab uga bixiyaan weerarka loo geystay dadka xoolo dhaqatada ah.

 

Toddobaadkii aynu ka soo gudubnay ayaa sidoo kale ciidamada Uganda waxa ay ku dileen labo ruux oo rayid ah deegaan ka tirsan Leego.

 

Ururka Alshabaab ayaa waxa uu weerar ku qaadayay gaadiidka maraya deegaanada ku dhowdhow Leego sidookale burcad hubeysan ayaa ku dhibaateysa deegaankaas dadka safarka ah ee maraya wadadaas.

 

 

 

 

Hoyga wararka Somaliyeed

www.jowhar.com

jowharnews@gmail.com

jowharcom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this