Sign in to follow this  
Coofle

Hibo hiil wayday! Cali mooge AUN

Recommended Posts

Coofle   

Abwaan Cali mooge AUN oo ah hibo hiil wayday ayaa dhawaantan aan u tafoxaytay akhriska iyo u dhabbo galka suugaantiisa dhadhanka iyo dabeecada goonida ah leh. aniga oo hore u soo galiyay gabay uu tirshay oo la yidha "ma ogtahay"

 

http://www.somaliaonline.com/community/showthread.php/64827-Ma-ogtahay

 

Dhirta ---Imisa ayaad ka aqoonsatay geedaha ku xusan gabayga-- I only know the ones in Bold....

 

Qudhac iyo galool iyo maraa qodaxyo dhaadheer leh,

Sog-sog aan caleemuhu ka quban qamaca jiilaalka,

Qaneecaad ma waayaha gobkay qarisay hoobaantu,

Hadh qabaw qansaxa aar wax dilay qaarka la huluusho,

Bilcil lagu qamaamiyo cadaad qaydar iyo waadhi,

Qoordiid sarmaantiyo jaleef quulle iyo jeerin,

Xer quraan dharkayn looga qoro looxyo qara wayn leh,

Gumar qoon dillaaciyo xanuun qawdhadh ku adkaysa,

Qabo weelka quudkiyo hadhuub qoysku ka adeegto,

Yoocada biyaha qaaliga ah qabata kaydkooda,

Iyo qaysaraan salamacoo qaayib lagu raaco,

Isqayuubka lama gooyiyo qayr watiyo laanga,

Jilba dhiig shullaha kaa qabtiyo, qoobabkiyo lawga,

Indha qayd kariirtiyo xumboo qaylo lagu waasho,

Qarjajoof nagaadhiyo intii cagaha qoomaysa!!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

Abwaan Cali mooge iyo Ugaadha

 

.....At least for someone who have spent that many years away from home, I should praise myself for knowing this amount of somali wildlife.

 

“Shanta guunyo loo agabaree galab la soo hooyo,

Maroodiga gondaha wayn leh iyo gacanka foolkiisa,

Wiyil ganafka buurtiyo halgeri gob iyo caartiif leh,

Gisi waalif kaymaha gardool loogu geli waayey,

Faraw gaaddanaaxiyo gunburi gar iyo xiisaan leh,

Saryan gooni joogiyo biciid geesku hadhinaayo,

Garanuug maraa daaq ah iyo goodirkiyo siigga,

Goray qooqay, jiilaal gab yidhi, ged iyo xeeshiisa,

Carawlaha guyaal hore u diday godanka nayroobi,

Banka cawl garmaamaysa iyo galab ka ceegaaga,

Gaaroodi joog deero iyo geeshash dabataaga,

Gaashaan xidh sawgala bacayr orodka googooysa,

Iyo gebi ka bood cali-kudoo guuxa ka horreysa,

Quslay gaadmo dhawrkiyo cabsida garab ku daaqaysa,

Geed jidhi sakaarada man go’ay laac ka guranaysa,

Gabashada bakaylaha gunbudha gebi yar hoostiisa,

Dhiddo fidhin gantaal iyo warmaha guudka ku hillaaban,

Doofaar gafuurkiyo ilkaha dhacar ku goynaaya,

Qarandida dugaag loo galladay, godad u jeexaysa,

Daayeer xaraar iyo gogladay buurta guradeeda,

Iyo qallami sida gaari wacan guudka fidhanaysa,

Gabargaalka diinkoo cilmiga gooni la hadaafa,

Gucumaalaha aar iyo libaax galaw ka eedaama,

Gaballaax shabeel iyo dhurwaa gudub u rooraaya,

Gurxankiyo hariimo cad hanjabo gaydh leh kugu qaada,!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

Amazingly Cali Mooge Never been to school and was an illiterate , Waa sida uu isagu isku markhaati furaye

 

Weligay iskuul iyo ma gelin, Gole talaamiide

Ama gacanta weedh aan ku qoray, Aadmi ma hor geyne

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this