Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Al shabaab flee the coast town of Cadale

Recommended Posts

Ururka Alshabaab ayaa isaga baxay degmada Cadale ee ka tirsan gobolka Sh/dhexe iyadoo muddo kabadan saddex sano ay maamulayeen ururka Alshabaab degmada Cadale.

 

Gaadiid dagaal oo ay la socdaan ciidamo faro badan oo daacad u ah ururka Alshabaab ayaa barqanimadii maanta ka baxay degmada Cadale iyadoo aan la ogeyn halka ay ciidamadaas gaareen.

 

Degmada Cadale ayaa noqonaysa degmadii afaraad ee gobolka Sh/dhexe ah ee ay ciidamada Alshabaab ay isaga baxaan iyadoo aan wax dagaal kala hortagin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliyeed.

 

Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambaysa inay isaga baxaan ciidamada ururka Alshabaab degmada Cadale hase ahaatee waxaa isa soo taraya walwalka ay ka qabaan ururka Alshabaab ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada oo xarumo ka samaystay degmada Jowhar.

 

Degmooyinka Jowhar,Balcad iyo Mahaday ayay hore isaga baxeen ciidamada Alshabaab iyagoo aan wax dagaalo ah la gelin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada, waxana ay saraakiisha Alshabaab ay ku tilmaameen ka bixitaanka degmooyinkaas inay tahay xeelad dagaal.

 

Xarunta gobolka Sh/dhexe ee Jowhar ayaa haatan u muuqata in ay noqotay xarun weyn oo ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ka samaysteen halkaa oo ay shalay gaareen iyagoo aan wax iska caabin ah kala kulmid ururka Alshabaab.

 

Xaalada magaalada Jowhar ayaa haatan caadi ah iyadoo ciidamo faro badan oo dowlada ah lagu dhex arkayo magaalada mana jirto wax howgalo ah oo ay ciidamada dowlada ka bilaabeen magaalada.

 

Waxayna wararka ka imanaya magaalada Jowhar ay sheegayaan in nadiifin iyo dayactir lagu bilaabay xarumihii dowlada ee magaalada Jowhar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

oba hiloowlow;897634 wrote:
going to chill in the beaches in my tuulo Ceel Bashaqley soon
stylin.gif

loooooooooool.........have fun Oba, Magacana ka beddel...:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this