Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Local election polls results in Somaliland 2012

Recommended Posts

urur siyaasadeed ummadda jsl ayaa shaaciyey in ay urur ahaan u tanaasuleen danta

 

Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka UMMADDA ayaa shaaciyey in aanay ku qanacsanayn natiijada doorashada ka soo baxday, balse ay u tanaasuleen danta guud ee dalka iyo shacabka JSL.

 

Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka UMMADDA Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa shaaciyey in aanay ku qancin natiijada doorashada ka soo baxday, balse ay u tanaasuleen danta dalka iyo shacabka Somaliland.

 

Dr. Gabboose iyo masuuliyiin ururkiisa ka tirsan oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xaruntooda magaalada Hargeysa waxay soo bandhigeen galdaloolooyin ay sheegeen inay ka soo baxeen codayntii doorashada golayaasha degaanka, iyagoo xukuumadda iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka ku eedeeyey inay ceebi ka raacday doorashadaas, isagoo Komishanka Doorashooyinka ugu baaqay inay is casilaan.

 

“Annagu marnaba damiir ahaan kuma qanacsanin, kumana qanci karno natiijadan dulmiga ku timi ee uu komishanku ku dhawaaqay, haseyeeshee markaannu xeerinay wax badan, xogogaal dhab ahna u nahay duruufaha adag ee ku gadaaman dadkayaga ee leh shaqo la’aanta ba’an, tahriibta, sixir bararka, musuqmaasuqa, kadib markaannu la tashanay wax-garadka iyo taageerayaasha ururka UMMADDA, waxaannu go’aansanay inaannu dhawrno shacbigayaga jilicsan, annagoo u tudhayna, waxaannu dartood u dugsanayna, dulqaadka iyo nabadooda, annagoo ogsoon in maalmo badan dambeeyaan, taariikhduna is qori doonto, waxaanu u tanaasulaynaa danta shacbiga iyo qaranimada Somaliland,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdi Gabboose.

 

Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka UMADDA waxa uu isagu sheegay in madaxtooyadu isu diyaarisay dabaaldega xisbiga KULMIYE, balse ururro ahaan ay iyagu u diyaargaroobeen inay aasaan dimuqraadiyada oo uu sheegay in xukuumaddu burburisay.

 

“Waxa aan Golaha Guurtida, madax-dhaqameedka reer Somaliland u sheegaynaa in la leexiyey ujeeddadii laga lahaa doorashadan, taasoo aannu u aanaynayno Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo xukuumadda maanta jirta oo ku xad-gudbay labaduba milgaha iyo xeerarka doorasho oo xor iyo xalaal ahi inay ka qabsoonto dalka, waxaanannu ka codsanaynaa inay arrintan soo dhex galaan, lana yimadaan xal badbaado qaran ah sidii caadada inoo ahaan jirtay ee aynu ku soo caanno maalnay.

 

Haddii Madaxweynuhu guul u haysto guul-darrada qaranka, haddii farriidnimadu noqotay fool-xumadii dhacday maalintii doorashada, haddii madaxtooyadu isu diyaarinayso damashaadka iyo dabaaldega KULMIYE, annaguna waxaannu xabaalaha Malko Durduro naxash ugu sidnaa maydkii dimuqraadiyada Somaliland, halkaas ragga ku aasan xorriyad ayaa loo laayey, maantana maydka meesha tegaya waa dimuqraadiyadii ay u dagaalameen,” ayuu yidhi Dr. Gabboose.

 

Dr. Gabboose waxa kale oo uu xukuumadda iyo Guddida Doorashada ku eedeeyey inay isu kaashadeen sidii loo soo saari lahaa saddex xisbi qaran oo ku jira gacanta xukuumadda hadda talada haysa , mucaaridada meesha looga saari lahaa, waxaannu yidhi; “Doorashadan waxa ka muuqata inay ahayd mid Koomishanka Doorashooyinka iyo xukuumaddu hore u sii qorsheeyeen inay u dhacdo sidan boobka ah si loogu xalaalaysto in la soo saaro saddex xisbi qaran oo magac ahaan kala duwan, balse nuxur ahaan xukuumadda ka soo jeeda si meesha looga saaro codka mucaaridka dhabta ah iyo in xildhibaanno badan loo boobo si xukuumaddu gacanta ugu dhigto maamulka degmooyinka dalka maayirada.

 

Waxa kale oo daah furnaan la’aanta ka mid ah markii la soo dhejiyey waraaqada dalka yimi ee lagu codaynaayo iyo sanaaduuqda ururrada iyo daneeyayaasha doorashadu inaan cid ogi jirin waraaqaha dalka la keenay intay baaxadoodu leeg yihiin, sidoo kale waxa ceebaha ka mid ah shirkadaha la siiyey qandaraasyada ee raraayey waraaqaha iyo sanaadiiqda ee hawshii koomishanka qabanaayey in la tuhunsan yahay inay meelo gaar ah lugta la galeen oo wax leexiyeen.”

 

Guddoomiyaha UMMADDU waxa uu intaa ku daray in doorashadan halis gelisay xasiliinida iyo nabadgelyada dalka, waxaannu ku tiraabay; “Inkastoo bulshada caalamku gacan wax ku ool leh ay ka gaysteen, isla markaana malaayiin doollar ku bixiyeen hanaqaadka dimuqraadiyada Somaliland iyo siday u qabsoomi lahayd doorashadani, waxa dedaalkoodii iyo dedaalkii shacabkaba ka dhigay hal bacaad lagu lisay boobkii, dhacii iyo awood sheegashadii baahsanayd ee marag ma doonta ahayd ee ay ku kaceen xukuumadda iyo Koomishanka oo is baahaystay, iyagoo ku maamulay doorashada sharciga kaynta iyo guryaha hoostooda, laguna soo buuxiyey sanaaduuqda gaarka loo danaynaayo, dalka iyo dadkana wax masuuliyad tudhaale ah aan loo muujin.

 

Doorashadani waxay halis gelisay wada jirka, xasiloonida iyo nabadgelyada dalka, iyadoo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawacyo ay sababtay doorashada sida foosha xun loo maamulay, doorashadani waxay hoos u dhigtay hankii iyo sumcadii Somaliland ay ku lahayd mandaqadan iyo caalamkana, waxaanay wiiqday rajadii qadiyada ictiraaf raadinta dalkan.

 

Doorashadan waxay mugdi gelisay kalsoonidii, geedi-socodka dimuqraadiyadda iyo aaminaadii shacabku ku qabay in doorasho xor iyo xalaal ahi qabsoomi karto mustaqbalka dambe inta xukuumadda iyo koomishanka noocan ahi joogaan.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this