Sign in to follow this  
General Duke

SNM media admits no voting in Xudun So much for high turout...

Recommended Posts

Xaalada Xudun oo Qasan,Dagaalo ka qarxay iyo codbixintii oo meesha ka baxday!

Written by Qarannews

Nov 28, 2012 at 05:32 AM

 

Xaalada Xudun oo Qasan,Dagaalo ka qarxay iyo codbixintii oo meesha ka baxday!

 

Ceerigaabo-(Qaran-news)- Maleeshiyaad hubaysan oo ku abtirsada Khaatumo State laakiin asal ahaan ka soo jeeda degaanka Xudun ayaa saaka weerar bahalnimo ah ku qaadey magaalada Xudun gudaheeda halkaas oo Komishinka Doorashooyinka Somaliland u qoondeeyeen in codbixintu saaka ka bilaabmato ,lana geeyay sanaadiiq iyo waraaqihii codbixinta.

 

Hase yeeshee codbixini kamay suurto gelin ka dib markii ay rasaas ku soo fureen magaalada maleeshiyada Khaatumo State oo ujeedadoodu ahayd inay carqalad geliyaan habsami- u- socodka codbixinta balse waxaa si degdeg ah ugu jawaabey ciidanka Somaliland ee ku sugan degaanka Xudun oo la sheegay awel horeba inay diyaar u ahaayeen ,dibna u riixay maleeshiyadii

 

Yeelkeede waxaa meesha ka baxday cod-bixintii taas oo aakhirkii sababtay in Sanaadiiqdii dib loogu soo raro degaanada Bohol iyo meelo kale,wax cod-bixina oo Xudun ka dhacday iyo mid ka socotaa toona ma jirto habayaraatee.

 

Isku soo wada duuboo ilaa hadda xogaha soo gaadhayaa Qarannews may sheegin wax khasaare ah oo ka badan is rasaaseyn dhexmartay Ciidamada Somaliland iyo Maleeshiyaadka Khaatumo state.

 

Qarannews

 

Ceerigaabo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this