Sign in to follow this  
General Duke

SANAAG: Latest update.. Puntland troops pour into region.. SNM shootout in Erigavo..

Recommended Posts

Xaaladda Goboladda Sanaag & Hayland ayaa ah maanta Taaladda 27 Nov, 2012 mid degan waxaana laga dareemaya meelo ka mid ah Gobolka dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ay wadaan labada Maamul ee Puntland & Somaliland.

 

 

Goob jooge ku sugan Magaaladda Ceerigaabo ayaa u sheegay Horseed Media in ay magaaladda ka dhacday is rasaasayn xoog leh maanta taas oo bilaabantay abaaro 11:00 duhurnimo wuxuuna xaqiijiyey mudo 1 saac ka badan inay socotay.

 

Is rasaasaynta ayaa u dhexeysay Ciidamada Amaanka & Maleeshiyaad taageersan Duqa Degmadda.

 

Duqa Degmadda Ceerigaabo ee wakhtigan Ismaaciil Xaaji Nuur oo isaga markii hore laga soo doortay Xisbigii burburay ee UDUB ayaa u xuub siibtay Xisbiga WADANI ee uu hogaanka u hayo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Ciro wuxuuna ka rajo qabaa in mar kale loo soo doorto xilka Duqa Degmadda Ceerigaabo hase yeeshee wuxuu si weyn uga sheki qabaa in Xisbiga Kulmiye uu damacsan yahay inuu ku shubto doorashooyinka ka dhici doona Ceerigaabo .

 

Goob jooguhu wuxuu sheegayaa in maleeshiyaadka maanta rasaasta ay is waydaarsadeen Ciidamada Amaanka ay amarka ka qaadanayeen Duqa Magaaladda waloow uu sheegayo in aysan meesha ka maqnayn awood riixasho qabiil oo u dhexeeya beelaha dhanka Woqooyi ka degan Magaaladda oo iyagu kala taageersan Ururada WADANI & KULMIYE.

 

Waxaa jira warar sheegaya in 4 qof ku dhaawacmeen isku dhacan isla markaana Ciidamada Amaanku xabsiga u taxaabeen Duqii Degmadda Ismaaciil oo maleeshiyaad taageersani Ciidamada rasaaseeyeen walooow aan warkaas si rasmi ah loo cadayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Puntland.

 

Ciidamada Puntland ee ku sugnaa aaga Dhahar xalayna kaga hoyday 3 goobood ayaa maanta isku balaariyey Deegaano ka tirsan tuulooyinka Booda cad & Jiin gada oo ah meelihii ay maalinimadii doraad soo gaareen Ciidamada Somaliland.

 

Goob jooge ku sugan Tuuladda Booda cade oo dhanka galbeed ka xigta Degmadda Dhahar ayaa sheegay in xili hore oo saaka ah ay magaalada soo galeen Ciidamo ka tirsan kuwo Puntland kuwaas oo markii danbe dhinaca Galbeed ee magaaladda ka samaystay fariisn meel u jirta ilaa 10 km.

 

Sidoo kale Goob jooge ku sugan Tuuladda Jiingada ayaa u sheegay Horseed Media inay soo gaaleen Ciidamo ka tirsan kuwo Puntland, Wuxuu sheegay in indhihiisu qabteen Gaadiidka Dagaalka oo tiro badan.

 

Ciidamadii Darwaashiita ee sugnaa inta u dhexeysa Yube & Hadaaftimo ayaa weli halkaas ku sugan.

 

Degmadda Xingalool.

 

Ciidamada Puntland

 

Degmadda Xingalool oo dhinaca Koonfureed kaga taaladda Gobolka Sanaag ayaa ah mid muhim u ah isku xirka Magaalooyinka Ceerigaabo & Dhahar waana wadada la filayo inay soo mari doonaan weftiga Somaliland ee uu hogaaminayo Wasiirka Deegaanka & Horumarinta Reer Miyiga Miyiga islamarkaana sida Sanduuqyada doorashada.

 

Horseed Media waxay qortay shalay in Degmadaas ay Somaliland ka so furi doonto jiho cusub iyadoo laga dhigay aag sadexaad halkii horay uu qorshuhu ka ahaa 2 aag oo kala ahaa Badhan & Dhahar.

 

Somaliland waxay siinaysay tan & shalay magaaladan muhiimada gaar ah sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo ku sugan Ceerigaabo waayo magaaladan waxaa qorsheesan in la dhigo iyada & tuulada Beraagaha Qol sanduuqyada codbixinta Degmada Dhahar hadii duruufuhu saamixi waayaan in la geeyo Dhahar.

 

G/le Cabdulawaaxid Maxamud oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada Puntland ee xoojinta loogu diray Gobolka Sanaag ayaa maanta u sheegay Horseed Media inay Ciidamada Puntland joogaan hareeraha magaaladaas ayna u qorshaysan tahay inay isla maanta tagaan Degmadaas wuxuu yiri:

 

“Waxaa noo qorshaysan in aan aaga Ciidamadu difaaca ka xiranayaan aan dhaafsiino Degmadda Xingalool iyadana waxaan gaari doonaa saacadaha soo socda hadana meelo aan ka fogeyn baa Ciidamadu joogaan”

 

Wefti Booqan doona Sanaag.

 

Wefti cusub oo ka socda Xukuumada Puntland ayaa booqan doona maanta ilaa beri gelinka hore Gobolka Sanaag waxaana weftigaas ka mid ah Wasiirka Amniga Khaliif Ciise Mudan, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Xasan Shire & Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Gen> Siciid Dheere.

 

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada ayaa xaqiijiyey socdaalka weftigan oo hada ku sugan Xarunta Gobolka Karkaar ee Qardho wuxuuna soocdaalkoodu ka danbeeyey kadib markii uu xalay halkaas shir kula qaatay masuuliyiinta amaanka Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxaamn Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole).

 

Kulankaas kadib Madaxweynaha ayaa go’aan ku gaaray inuu wefti xoojin ah oo Heer Wasiiro ah ayna ku jiraan Taliyaal Ciidan u diro Gobolka Sanaag.

 

Dhinaca Somaliland.

 

Weftigii uu Hogaaminayey Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cadami ayaa habeenimadii xalay guure kaga soo baxay Magaaladda Ceerigaabo wuxuuna yimi magaalada Yube oo u dhexeysa Magaalooyinka Hadaaftimo & Ceerigaabo halkaas oo uu ilaa hada ku sugan yahay.

 

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland xalay wuxu ku hoyday Magaaladda Yubbe.

 

Weftigii u soo anbabixi lahaa dhanka Degmadda Dhahar uuna hogaaminayey Wasiirka Deegaanka & Horumarinta Reer Miyiga Maxamud Siciid Gacamey ayaa iyagu weli ku sugan Magaaladda Ceerigaabo waxaana laga yaabaa caawa inay gudoodi halkaas kaga soo baxaan hadii aysan baaqan.

 

Ciidamadii Somaliland ee ku hoyday xalay tuuladda Gurmale oo 10 km dhanka bari ka soo xigta Magaalada Shinbiraale ayaa weli fadhiya fariisinkoodii hore .

 

Ciidamadii loo qorsheeyey inay soo gelbiyaan Weftiga Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland ee Guutada 12-aad ee fariisinkeedu ahaa Biyo Guduud ayaa iyaga laga yaabaa inay Weftiga Wasiirka Gaashaandhiga caawa ku biiraan.

 

Dib u dhac ku yimi Sanduuqyada Doorashada.

 

Sanduuqyadii loogu talo galay in lagu codeeyo ayaa weli yaala Xafiiska Gudiga doorashooyinku ku leeyihiin Magaaladda Ceerigaabo welina looma qaybin Gobolka Sanaag xataa Degmadda Ceerigaabo & tuulooyinka hoos taga.

 

Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Somaliland ayaa qorshaysan inay dhamaan maalinimada beri ee ku taariikhaysan 28 Nov, 2012.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this