Sign in to follow this  
General Duke

Sanaag: Minister A/Jamaal Mohamed Osman hunts secessionists SNM militia...

Recommended Posts

Ciidamada Puntland oo gaaray Degmadda Xingalool.

 

Ciidamadii Dowladda Puntland ka joogay aaga Degmadda Dhahar ayaa maanta gaaray Degmadda Xingalool ee Gobolka Sanaag halkaas oo ay hada ku sugan yihiin sida ay xaqiijiyeen goob joogayaal & Weriyayaal ku sugan Degmadaasi.

 

Cumar Faroweyne Taliyaha Ciidamada Madaxtooyada.

 

Taliyaha Ciidamada Laanta Socotada Puntland (Madaxtooyada) G/le Cumar Cabdulaahi Maxamed Faroole (Cumar Faroweyne) ayaa u sheegay Horseed Media maanta in Ciidamadu ay hada dhaafeen Degmadda Xingalool.

 

Wuxuu sheegay in isaga & Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamadu ay hada gaareen Tuulada Beraagaha Qol isagoo xusay in Ciidamadu roondo ka samaynayaan Deegaanada Miyiga ah ee Degmadda Xingalool ka xiga xaga Galbeed.

 

“Dadweynaha Reer Sanaag si fiican bey noo soo dhoweeyeen hada Ciidamadii waxay dhaafeen Degmadda Xingalool aniga & koox saraakiil ahina waxaana hada gaarnay tuulada Beraagaha qol saakan waxan kula kulanay Degmada Xingalool Odayaasha & qaybaha bulshada runtiina waxay ahaayeen kuwo ku faraxsan hawlgalka Ciidamada ayna ka go’an tahay in Deegaanadooda aysan Somaliland keensan sanduuqyo codbixin” ayuu yiri Coll: Faroweyne.

 

Wuxuu xaqiijiyey inaan Gobolka Sanaag maanta looga codayn Somaliland aana la keenin wax Sanduuqyo ah.

 

Ciidamadii Daraawiishta Gobolka Sanaag ee ku sugnaa labadii maalmood ee ugu danbeeyey tuulada Ceel cad oo u dhexeysa Magaalooyinka Hadaaftimo & Yubbe ayaa iyagu halkoodii jooga maanta .

 

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamud Jaamac Ciyoon oo ku sugan Deegaanka Ceel Cad ayaa u sheegay Horseed Media in xaalada Gobolku tahay mid degan ayna ku guulaysteen inay hor istaagaan weftigii Somaliland ee sanduuqyada codbixinta u soo qaadi lahaa Sanaag.

 

Shir Jaraa’id oo lagu qabtay Degmadda Xingalool.

 

Degmadda Xingalool saaka markii ay gaareen Ciidamada Puntland waxaa halkaas si wada jir ah ugu qabtay Shir jaraa’id Saraakiishii Ciidamada hogaaminaysay & Odayaasha Deegaanka kuwaas oo si wada jir ah u sheegay inay ka go’antahay in aan wax Sanduuqyo ah oo dhinac Somaliland ka yimi la keenin Gobolka.

 

Odayaasha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Puntland dadaalka ay ka muujisay hawlgalkan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Carafaat , Adeer I am sorry where you guys 35km from capturing Faroole?:D the reality today is that not a single vote will take place in any town, village or rural area of Sanaag. The SNM can count their votes in Ceel Afwayn but not in our towns ya heard.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

General Duke;893659 wrote:
Carafaat , Adeer I am sorry where you guys 35km from capturing Faroole?
:D
the reality today is that not a single vote will take place in any town, village or rural area of Sanaag. The SNM can count their votes in Ceel Afwayn but not in our towns ya heard.
:D

Ceel Afweyn xagee ku taala? lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

NN I am not talking about Sanaag Adeer. I am forwarding the news given to me by the locals of Sanaag & Haylan who have again with the help of the admin thwarted the efforts of our confused secessionist brothers.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this