Sign in to follow this  
Abwaan

Qurbajoogta beesha **** ee Waqooyiga Mareykanka oo baaq wada jir ah kasoo saaray qorshaha maamul ...

Recommended Posts

Abwaan   

Qurbajoogta beesha **** ee Waqooyiga Mareykanka oo baaq wada jir ah kasoo saaray qorshaha maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka

Print here| By: allgedo.com: Sunday, November 25, 2012 // 34 Jawaabood

Kulamo isdaba joog ah oo ay todobaadyadii lasoo dhaafay qad Taleefan ku yeesheen qurbajoogta beesha **** ee ku dhaqan Waqooyiga Mareykanka kana soo jeeda gobolada Jubbooyinka ayaa waxay si qota dheer uga hadleen arrimo dhowr ah oo la xariira maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka.

Qaar ka mid ah waxgaradkii kasoo qeyb galay kulamadan ayaa waxay soo bandhigeen siro qarsoon oo la doonayo in gobolada Jubbooyinka loogu gacan galiyo Kenya, ayada oo ay shirqooladaasna wadaan shaqsiyaad isugu jira Soomaali, ajnabi iyo Ururo gacan ka helaya qaar ka mid ah wadamada ku bahoobay Intergovernmental Authority on Development (IGAD).

Akhri qodobada hoose si aad wax uga fahanto qorshaha ay Kenya rabto in ay ku xalaaleysato gobolada Jubbooyinka:

1. Kenya waxay intii muddo ahba ku mashquulsaneyd sidii ay dhulkeeda ugu dari laheyd, isla markaana u boobi laheyd qayraadka faraha badan ee ceegaaga dhul badeed ka tirsan Koofurta Soomaaliya ee biyaha gobolada Jubbooyinka, ayada oo shirkadaha ajnabiga ah ee arrintaas ku gacansiinayayna ay ka mid yihiin: Anadarko oo ay Kenya u xilsaartay in ay shidaal ka baarto Block L5, Total: Block L22, ENI: Block L21, L23, L24 iyo Statoil: Block L26. (Eeg masawirada hoose oo muujinaya qaybaha biyaha gobolada Jubbooyinka ee ay Kenya intii muddo ahba ku hamineysay in ay dhulkeeda ku darsato.)

 

Mid-mid u fur Link-iyada hoose oo akhri qoraalo la xariira damaca Kenya ku jira ee ay intii muddo ahba ku dooneysay in ay qeybo biyaha iyo dhulka Jubbooyinka Soomaaliya ka tirsan dhulkeeda ku darsato:

| 1 | 2 | 3 | 4 |

2. Wax yar ka hor inta aanay ciidamada huwanta ah ee ay kuwa Kenya ka midka ahaayeen Kismaayo soo galin, waxaa si lama filaan ah hal mar xilkii uu hayay looga qaaday Gen. Yuusuf Dhuumaal oo aanay ilaa iyo hadda cidina ka warqabin sababta bedelkiisa loola eegtay qabashadii magaalada Kismaayo.

Video-ga hoose ka dhageyso General Dhuumaal inta aan la badalin oo ka war bixinaya howl-galkii dagaalkii uu hogaaminayay ayaga oo magaalada Kismaayo 50 km oo kaliya u jira:

 

 

3. August 28, 2011: Waxaa aagga Gariley ee gobolka Gedo gaaray ciidamo uu hogaaminayay Col. Cabaas Ibraahin Gurey oo intii muddo ah ka dagaalamayay aagga Dhobleey ee gobolka Jubbada Hoose, ayada oo sababta sargaalkaas iyo ciidamada uu watay gobolka Gedo loogu gudbiyayna uu ka mid ahaa qorshe hoose oo la xariiray howl-galka dagaalka ku wajahan gobolada Jubbooyinka, oo ahaa in ciidamada Kenya iyo maleeshiyad Soomaaliyeed oo fekerkooda aaminsan ay ku hormaraan qabashada magaalo xeebeedka ahmiyadda weyn leh ee Kismaayo, ayada oo inta badan xoogagga ku socda magaca dowladda Soomaaliya iyo kuwa beesha **** kasoo jeedana lagu hakinayo ama lagu haynayo gobolka Gedo. (Link-iga hoose Guji si aad u akhriso qoraal la xariira ciidamadii uu watay Col. Cabaas oo dhamaadkii 2011 loo soo masaafuriyay gobolka Gedo.)

http://www.allgedo.com/2011/08/29/ciidan-uu-hogaaminaayo-col-cabaas-ibrahin-gurey-oo-maanta-gaaray-tuulada-gariley-ee-gobolka-gedo/

4. Wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uu bixiyay December 7, 2011 Faarax Macalin Dawara oo ah Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya ayaa waxuu ku yiri “ma dhici doonto mar danbe in Kolbiyow oo ka tirsan Jubadda Hoose Xamar looga taliyo, qofka taas ku riyoonayana koley waxuu ku nool yahay duni kale.” Halkaan ka dhageyso wareysiga Faarax Macalin oo dhan.

 

5. November 8, 2012: Waxay ciidamada Kenya garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kasoo celiyeen wafdi uu Kismaayo usoo diray madaxweynaha Soomaaliya Xasen Sh. Maxamuud, ayada oo maalin kaddibna Danson Mwazo oo ah wasiirka Dalxiiska Kenya oo markaas ku sugnaa magaalada London ee dalka Ingiriiska, mar arrintaas ay wareysi kala yeelatay laanta af Soomaaliga ee BBC-da uu yiri “waa in ay jirtaa qaban-qaabo oo ay tahay in lasii ogolaado, xitaa aniga halkaan UK baan joogaa, iskama gali karo aqalka Buckingham Palace ee boqortooyada si aan dadka halkaa jooga u arko!.”

Hadalkaan kasoo yeeray wasiirka dalxiiska Kenya ayaa waxuu fajac ku noqday in badan oo muwaadiniyiinta Soomaaliyeed ah, ayada oo uu dhanka kalana dharbaaxo lama filaan ah ku noqday dowladda curdunka ah ee Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay mudane Xasan Sh. Maxamuud, waayo hadalkaasi waxaa loo fasiran karaa ”qofkii Soomaali ah ee raba in uu Kismaayo yimaado waa in uu Visa usoo qaato!.”

Halkaan ka dhageyso wareysiga ay BBC la yeelatay wasiirka Dalxiiska oo dhan

Halkaana ka dhageyso wafdigii Kismaayo laga soo celiyay oo ka waramaya sababta loo soo celiyay iyo cidda soo celisay

6. Kaddib markii Sept 12, 2012 qarax ismiidaamin ah lala beegtay madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sh. Maxamuud oo markaas deganaa Hotel Jazeera oo ku yaal Muqdisho, ayaa waxaa inkasta oo uu gadaal ka beeniyay wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Kenya Sam Ongeri uu qaraxaas inuu ka danbeeyay ku sheegay madaxweynihii hore ee dowladdii KMG Soomaaliya Shariif Sh. Axmed.

Hoos ka daawo wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Kenya oo beeninaya hadalka kasoo yeeray oo ahaa in qaraxii la rabay in lagu qaarajiyo madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud uu ka danbeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh. Axmed.

 

7. October 9, 2012: Waxaa magaalada Kismaayo looga dhawaaqay guddi KMG ah oo maamulka magaalada hayn doona muddo 20 cisho ah, ayada oo waqtigii guddigaas la magacabay ay hadda kasoo wareegtay 46 maalmood walina uu isla guddiga uu waqtigiisu dhacay uu xilka sii hayo, rajana aan laga qabin in ay xilka cid kale oo ay bulshada u dooratay ku wareejiyaan.

Waxaa xusid mudan ayada oo xubnaha maamulkaas loo magacaabay oo uu magacooda hoos ku xusan yahay oo dhan 10 qof, 2 nin oo aan wax jago ah haynin mooyee 9-ka kale ay isku jifo yihiin.

Hoos ka eeg magacyada 10-ka qof ee maamulka magaalada Kismaayo hayo iyo jagooyinka ay kala hayaan:

1. Ahmed M. Islaam (Axmed Madoobe), Guddoomiyaha Guddiga maamulka Kismaayo

2. Yaasiin Indharaadeer, ku xigeenka Guddiga maamulka maamulka Kismaayo

3. Ismaaciil Saxardiid, madaxa Amniga maamulka Kismaayo

4. Cabdinasir Seeraar, madaxa Garsoorka iyo arimaha Bulshada

5. Muuse Gaab, madaxa Hogaanka maaliyada

6. Abuu yuusuf, madaxa Hogaanka Samafalka Hay’addaha

7. Macalin Cabdi - Xubin Guddiga Maamulka Kismaayo

8. Mowliid Biyo Maalow - Xubin Guddiga Maamulka Kismaayo

9. Mr. Goomeeye - Xubin Guddiga Maamulka Kismaayo

10. Badri Sheekhaalow- Xubin Guddiga Maamulka Kismaayo

8. September 22, 2012: Ciidamada Kenya oo wata magaca (AMISOM) waxay tuulada Janay Cabdalle (Birta Dheer) hal goob ku xasuuqeen 5 qof oo tuuladaas ku noolaa oo kasoo jeeda beesha ****, ayada oo aanay Kenya ilaa iyo hadda xasuuqaas foosha xun magdhow iyo raali galin toona ka bixin. (Guji link-iga hoose si aad u akhriso qoraalo la xariira xasuuqaas ay Kenya u geysatay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.)

http://www.allgedo.com/2012/09/24/kenya-defence-forces-kdf-killed-9-civilians-and-seriously-wounded-4-in-the-janay-abdalle-area-of-afmadow-distirct/

9. August 29, 2012: Emmanuel Chirchir oo ah afhayeen u hadlay ciidamada Kenya ayaa waxuu yiri “As Amisom troops surround Kismayu, ******* clans vowed to resist and fight alongside Al-Shabaab but the rest of the clans have welcomed the troops to free the area of the militia!”. Hadalkan afhayeenka ciidamada Kenya kasoo yeeray ayaa marka af Soomaali loo fasiro waxuu noqonayaa “markii ay ciidamada AMISOM soo hareereeyeen Kismaayo, qabiilka *********ka waxay go’aansadeen in ay Al-shabaab ka garab dagaalamaan, laakiin qabiilooyinka kale waxay soo dhaweeyeen ciidamada si deegaanka looga xoreeyo maleeshiyada.” (Guji link-iyada hoose si aad u akhriso qoraalo la xariira meel ka dhacii ay dowladda Kenya u geysatay beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee wax ka dega gobolada Jubbooyinka.)

http://www.nation.co.ke/News/42+Shabaab+killed+as+AU+seizes+town/-/1056/1490056/-/x5g54rz/-/index.html

http://www.allgedo.com/2012/08/31/major-emmanuel-chirchirs-accusations-against-*******-clan-fights-alongside-al-shabab-is-a-baseless-purely-fabricated-broboganda/

10. Bilowgii sanadkii 2009: Kenya waxay Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ka bilowday olole qorshe ay dooneysay in ay ku aruuriso kuna tababarto maleeshiyo Soomaaliyeed oo laga kala keenay ama ka kala yimid wadamada Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, kuwaasoo loo furay xaryo lagu tababaro, ayada oo uu qorshahaasna si buuxda u dhaqan galay bilowgii bishii October, 2009. Sida wareysi uu xiligaas saxaafadda siiyay Gen. Dhuumaal, xaryaha ciidamada Soomaaliyeed lagu tababarayo waxay ahaayeen 2, waxaana socda buu yiri qorshe la doonayo in tirada ciidamada xaryahaas la isugu keenayo ay gaaraan 1500 oo Askari oo loo tababarayo dowladdii Ku meel gaarka aheyd ee xiligaas jirtay.

11. October 3, 2008: Qoraal kusoo baxay jariidadda Daily Nation ee dalk Kenya oo uu qoray Donald Kibkorir, cinwaana uu uga dhigay “Why Kenya and Ethiopia ought to annex and divide Somalia” ayaa waxuu si cad ugu faah-faahiyay qorshaha ay Kenya iyo Itoobiya ka leeyiiin Soomaaliya, asaga oo sida maabka hoose ka muuqatana uu dhulka Somalia u kala qeybiyay Kenya iyo Itoobiya.

Guji Link-iga hose si aad u akhriso qoraalkii Donald Kobkorir:

http://www.allgedo.com/Galged/arb%20dnation%20news.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

TALO SOO JEEDIN:

Guddiga xiriirka iyo dib u heshiisiinta gobolada Jubbooyinka (GXDGJ), markii ay si fiican u akhriyeen una qiimeeyeen dhamaan qodobada 11 ah ee kor ku xusan, isla markaana garowsadeen fekerka ay inta badan qabaan shacabka gobolada Jubbooyinka oo ah in maamul u sameynta saddexda gobol ee ay degaan laga hor mariyo in la xoreeyo amnigana la sugo si loo helo jawi nabadeed oo saamixi kara in dhamaan qabiilada dega gobolada Jubbooyinka ay si xor ah u sameystaan maamul ay u dhan yihiin, ayaa waxuu talo ugu soo jeedinayaa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada Jubbooyinka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya qodobada soo socda:

1. Guddiga xiriirka iyo dib u heshiisiinta gobolada Jubbooyinka waxuu taageerayaa soona dhaweynayaa talooyinkii dhaxal galka ahaa ee beryahaan kasoo yeerayay siyaasiyiinta, odayaasha iyo waxgaradka kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka ee ay marar badan ku sheegeen in duruufaha siyaasadeed iyo kuwa nabad-gelyo ee ay gobolada Jubbooyinka hadda ka jira awgood aanay suurtagal aheyn in maamul goboleed loo sameeyo.

2. Guddiga waxuu aaminsan yahay, doonayaana in lagu dhaqmo dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u degsan, gaar ahaan qodobka 49aad, faqradiisa 6aad ee oranaya “ugu yaraan laba gobol iyo ka badan ayaa ku midoobi kara Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyaga oo xor u ah go’aankooda“, laakiin taas macnaheedu ma ahan in uu sharcigu na faraayo in ay IGAD iyo cid kale toona maamul goboleed noo sameyso anaga oo dowlad madax banaan ah.

3. Guddigu waxuu ka dalbayaa hogaanka ciidamada AMISOM iyo dowladda Kenyaba in ay raali galin deg-deg ah dowladda Soomaaliya ka siiyaan qaladkii ula kaca ahaa ee lagu sameeyay wafdigii uu madaxweynaha Soomaaliya u diray Kismaayo ee uu sargaal Kenyaati ah oo magaca AMISOM wata uu garoonka diyaaradaha Kismaayo kasoo celiyay, asagoo u diiday in ay gudaha magaalada galaan.

4. Guddigu waxuu ugu baaqayaa dhamaan aqoon yahanada, siyaasiyiinta, odayaasha iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka in aanay marnaba aqbalin faragalin aanay dowladda Soomaaliya raali ka aheyn oo uga imaada Dawlado, Ururo ama shaqsiyaad dano gaar ah wata ee aan doonayn hormarka iyo midnimada umadda Soomaaliyeed, balse loo baahan yahay in ay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Jubbooyinka ayaga isku tashtaan, markii ay haboonaatana sameystaan maamul ay ku mideysan yihiin.

5. Guddigu waxuu digniin u dirayaa shaqsi kasta oo magac Soomaaliyeed wata ee doonaya inuu dantiisa ka hormariyo midda guud, taasoo bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Jubbooyinka u keeni karta khal-khal iyo jahawareer siyaasadeed oo hor leh.

6. Guddigu si weyn buu u taageersan yahay qorshaha maamul u sameynta saddexda gobol ee Jubbada Sare (Gedo), Jubbada dhexe iyo Jubbada Hoose, balse duruufaha ay saddexdaas gobol hadda ku jiraan awgood waxuu talo kusoo jeedinayaa in maamul u sameynta dib loo dhigo ugu yaraan 6 bilood ilaa iyo 12 bilood, mudadaas oo ay suurtagal tahay in xoogagga Al-shabaab laga xoreeyo guud ahaan gobolada Jubboyinka, bulshada saddexdaas gobolna ay helaan jawi nabadeed oo ay uga arrinsadaan aayahooda.

7. Guddigu waxuu kaloo ku talo bixinayaa inta lagu jiro mudada dib u dhigista dhismaha maamul goboleedka Jubbaland (eeg Qod. 6aad ee sare), in laga sii baaraan dego sii diyaarinta Dastuurkii lagu dhaqi lahaa maamul goboleedka, bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Jubbooyinkana la siiyo fursad ay kusii arkaan kuna sii akhriyaan (as transparency.)

—————

Wixii su’aal ah, kala xariir baaqaan:

Gurey Xaaji Faarax oo ah Afhayeenka Guddiga xiriirka iyo dib u heshiisiinta gobolada Jubbooyinka, Email: gurey44@gmail.om, Tel. 206-209-8253

Axmed Cabdisalan, xubin guddiga xiriirka iyo dib u heshiisiinta gobolada Jubbooyinka, Email: madarfamly@hotmail.com, Tel. 651-528-3418.

 

 

http://www.allgedo.com/2012/11/25/qurbajoogta-beesha-****-ee-waqooyiga-mareykanka-baaq-wada-jir-ah-kasoo-saaray-qorshaha-maamul-u-sameynta-gobolada-jubbooyinka/

 

The link includes a clan name so it cannot be viewed therefore go to allgedo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this