Sign in to follow this  
General Duke

Moadishu: Somalia Government gives the land for new UK embassy...

Recommended Posts

Dowladda Somaaliya oo ku Wareejisay UK Dhulkii ay Safaaradda ka Furan laheyd

Updated About:7 hours ago

0

 

Mogadishu, Somalia, November 21, 2012) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxmuud ayaa ku soo dhaweeyey xarunta Villa Soomaalia wafdi ka socday United Kingdom (UK) kuna wareejiyay dhulkii ay ka dhisan lahayeen Safaaradooda cusub

 

Wafdigaas ayaa waxaa horkacayay Safiirka UK u qaabilsan Soomaliya mudane Matt Baugh. waxayna aad ugu farxeen in lagu wareejiyay dhulkii ay ka Furan lahayeen Safaradooda ku taalla Soomaaliya.

 

Maalintii shalay ayaa waxey aheyd markii Villa Soomaaliya lagaga aqbalay warqadahiisa Safiirnimo, Safiirka cusub ee Australia usoo magacawday Soomaaliya, waxaa soo kordhayo dalalka doonayo in ay ka furtaan saafarado rasmi ah Soomaaliya.

 

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dalalka kale ee beesha caalamka in ay dowladda soo dhaweyneyso dalkasta ee doonaya in xiriir caalami ah lasamaysto dalkeena Soomaaliya oo hada nabadii dib loo yagleelay.

 

Malik Abdalla

Agaasimaha Warfaafinta

Villa, Somalia, Muqdisho

media@presidency.gov.so

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynah Soomaaliya oo wafdi ka socday dalka Ingiriiska ku wareejiyay dhulkii ay ka furan laahayeen Safaaraddooda

Arbaco, November 21, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxmuud ayaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay wafdi ka socday dalka Ingiriiska, isagoo ku wareejiyay dhul ay ka dhistaan safaaraddooda Soomaaliya.

 

Wafdigan oo uu hoggaaminayay danjiraha Biritain ee Soomaliya, Matt Baugh ayaa wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in lagu wareejiyay dhulkii ay ka furan lahayeen safaraddooda ku taalla Soomaaliya.

 

Dowladda Britain ayaa dhawaan sheegtay in sannadka soo socda ee 2013 ay dib uga furi doonto Muqdisho safaaradii ay ku lahayd kaddib 21-sano oo ay Soomaaliya ka jirtay colaad, waxaana wafdiga ka socday Britain ay sheegeen inay dolwadda Soomaaliya uga mahadcelinayaan dhulka ay siisay.

 

Safaaradda Birtain ee Soomaaliya ayaa waxay deggenyd dhisme ku dhow xabsiga dhexe ee Muqdisho, kaasoo ahaa mid u ijaarnaa, balse hadda waxay noqonaysaa inay iyagu dhistaan dhul ay safaaraddooda ka furtaan.

 

Maalintii shalay ayay ahayd markii madaxweynaha Soomaaliya uu safiirka cusub ee Australia ka guddoomay warqadihiisii aqoonsiga danjirenimo; waxaana soo kordhaya dalalka doonayo inay Soomaaliya ka furtaan safaaradahooda.

 

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay dalalka kale ee beesha caalamka inay dowladda Soomaaliya soo dhaweyneyso dal kasta oo doonaya inuu dibn u furto safaaraddiisa ama uu xiriir caalami ah la sameynaya Soomaaliya.

 

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka furay safaarado dhowr ah oo ka mid yihiin safaaradda, Jabuuti, Turkiga iyo kuwo kale, iyadoo dowladda Iiraan ay toddobaadkan horraantiisa sheegtay inay dib u furanayso safaaraddii ay ku lahayd Soomaaliya.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this