Sign in to follow this  
Daqane

Turkish Foreign Minister adresses Somali Federal Parliament.

Recommended Posts

Daqane   

Dowladda Turkiga Oo Dib U Dhis Ku Sameyneysa Xarunta Golaha Shacabka Ee Magaalada Muqdisho

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga oo maanta khudbad ka hor jeediyey xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho xili ay ku kulansanaayeen Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa sheegay in Dolwadda Turkigu ay dib u dhis xoogan ku sameyneyso dhismaha golaha Shacabka.

 

Ahmet Davutoglu Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa khudbadda uu ka jeediyey xarunta golaha shacabka wuxuu uga hadlay doorka dib u dhiska dalkeenna ay walaalaha Turkigu ku leeyihiin waxaana uu u tilmaamay in mashaariicda dib u dhis ee ay Walaalaha Turkigu ka sameynayaan Muqdisho ay ugu horeyso xarunta golaha shacabka.

 

“waxaan Muqdisho usoo dirnay Injineeradeenna si ay usoo qiimeeyaan waxa aynu ka qaban karno xarunta golaha shacabka inagoo ka jawaabeynay codsiga gudoomiyaha Baarlamaanka waxeyna noo sheegeen in xaruntan aysan ku filneyn dayactir oo ay dhulka dhigayaan kadibna ay ka hirgelinayaan dhisme casri ah,waxaanna rajeynaynaa inaan ku guuleysano”ayuu ku yiri Ahmet Davutoglu Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga khudbaddii uu ka hor jeediyey Xildhibaannada Baarlamaanka.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa dhanka kale tilmaamay in Dowladda Turkigu aysan ka daaleyn taageerada shacabka iyo Dowladda walaalahooda ah ee Soomaaliya ilaa inta ay Dowladda Soomaaliyeed cagaheeda isugu taageyso waxaana uu u soo gudbiyey xildhibaannada Baarlamaanka,madaxda sare ee dalka iyo shacbiga Soomaaliyeed salaan uu ka siday madaxda sare ee dalka Turkiga sida Madaxweyne Cabdala Guul iyo Ra’isulwasaare Recep Tayib Erdogan.

 

Dalka Turkiga ayaa kaalinta hore uga jira dowladaha Caalamka ee taageerrada ballaaran siiya Dowladda iyo Dadka Soomaaliyeed ayadoo walaalaha Turkigana lagu xasuusto gudmadkii ay Soomaaliya u sameeyeen xiligii Abaaraha,deeqaha waxbarasho ee ay siiyeen Ubadkeenna, marti gelinta shirar aayaha Soomaaliya quseeyey iyo dad badan ay Argigixisadu si xun ugu dhaawaceen gudaha dalka oo dalkooda ay deeq caafimaad u geeyeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Imagine if he gets kidnapped by HAG and they blame it on Al-Shabaab, then Turkey invades to free him and fights Al-Shabaab to the end and leaves HAG to become heroes due to their misfired plan inaalilaahi, it's possible.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia;888915 wrote:
Imagine if he gets kidnapped by HAG and they blame it on Al-Shabaab, then Turkey invades to free him and fights Al-Shabaab to the end and leaves HAG to become heroes due to their misfired plan inaalilaahi, it's possible.

hmm interesting,,,, *Taking notes*

 

Somalia you gave me a idea. :D

 

thanks!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Three seperate delegations, from Turkey, China and Iran, have reached Mogadishu today and have held talks with the newly formed government. Iran will open an embassy in Mogadishu. Turkey and China announced more details on their plans to assist in reconstruction efforts.

 

http://www.allvoices.com/contributed-news/13399120-foreign-ministers-from-iran-and-turkish-arrive-in-mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this