Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somali parliament approves new cabinet

Recommended Posts

Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya oo Ansixiyay Xukuumadda Cusub

 

 

Talaado, November 13, 2012 (HOL) —Mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen xarunta golaha shacabka cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xukuumadda cusub ee uu soo dhisay ra’isul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

 

Kahor inta aysan bilaaban cod u qaadidda xukuumadda, ayaa madaxweeynaha Soomaaliya iyo Ra’isul wasaaraha waxay kulan saxaafadda bannaan joog ka ahayd ay la qaateen mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

 

Mid kamid ah xildhibaanada baarlamanka oo HOL uga waramay waxa looga hadlay kulanka, ayaa sheegay in madaxweeynaha uu ka codsaday baarlamanka in ay ansixiyaan xukuumadda cusub.

 

Sidoo kale waxa isna goobta hadal ka jeediyay ra’isul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid) oo isagu sharaxaad ka bixiyay sababta uu 10-ka wasiir u xushay, isagoona sheegay in dadka uu soo magacaabay ay yihiin xubno fir-fircoon oo ay ka go’antahay sugidda amniga dalka iyo horumarkiisa.

 

Intaa kadib ayaa waxa bilaabatay cod u qaaadidda xukuumadda, waxaana kulanka codka loogu qaadayay xukuumadda soo xaadiray 225 Mudane, waxaa ogolaatay xukuumadda in ay shaqeyso 219 mudane, sedex way diideen, sedexna way ka aamuseen.

 

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Prof: Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay in xukuumadda cusub ay ansax tahay.

 

Ansixinta golaha wasiiradda ayaa kusoo beegmeysa xilli xubno katirsan baarlamanka Soomaaliya ay wadeen Motion ka dhan ah xukuumadda, kaasoo ay ku dalbanayeen in lasoo dhameystiro xukuumadda kahor inta aan la ansixin.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

FG President Hassan Sheikh just got further legitimacy... Allows him to exercise diplomatic pressure on the Kismayo situation which is the only card he currently has.

 

As I stated in a previous post on another thread, I expect Western powers to bring him and the Kenyans to a mutually acceptable accommodation (with Ahmed Madoobe/Ras Kambooni sidelined from their role as the primary administrators of Kismayo city). If the O community is shrewd, they can still save the plot by playing a significant role through their representation in the Mogadishu parliament.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this