Sign in to follow this  
Abwaan

Madaxweynaha oo la kulan la Qaatay Wafdigi ka Socday Kismaayo iyo IGAD oo Banaanka laga Fariisiyay K

Recommended Posts

Abwaan   

Maanta magaalada Muqdisho waxaa gaaray wafdi ka socday Uru Goboleedka IGAD oo isugu jira Soomaali iyo Shisheeye , waxaana wafdiga uu ahaa Kuwa ku mahsquulsan Maamul u sameynta Jubooyinka.

 

Wafdiga marki hore waxaa loo sheegay in madaxweynaha aysan la kulmi doonin , waxaana lagu wargaliyay kooxda Muqdisho gaartay inay isaga baxaan magaalada oo aan loo fasixi doonin Xafiiska madaxweynaha.

 

Gudiga waxaa ay ahaayeen Soomaali iyo IGAD , waxaana madaxweynaha uu qaabilay wafdigii Soomaalida ahaa , isagoo Xubnihii IGAD ka socday loo diiday inay galaan xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

 

Madaxweynaha ayaa xogheyntiisa u sheegay inan loo soo fasixin madaxtooyada Xubnaha IGAD ka socda , wuxuuna dalbaday inuu la kulmayo kuwa Soomaalida ah , iyadoo loo ogolaaday Soomaalida inay galaan aqalka madaxtooyada Soomaaliya.

 

Hadaba wafdigii Soomaalida iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan dheer qaatay , waxaana ay ku falanqeeyeen maamul u sameynta Jubooyinka iyo Kisimaayo.

 

Saraakiisha gudiga farsamada ka socotay ee madaxtooyada tagtay ayaa waxaa kamid ah Muqtaar dheer, waxaana madaxweynaha uu ka waraystay sida ay wax udoonayana.

 

Gudiga farsamada ayaa sheegay in ay ku qanacsan yihiin howsha ay IGAD hormuudka ka tahay ee maamulka loogu samaynayo Jubooyinka dowlana ay kaalinteeda ka qaadato.

 

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa u sheegay wafdiga in wax aay wataan ay tahay mid aan suuragal ahayn , isagoo ku adkeystay in maamul u sameynta Jubooyinka iyo Kismaayo ay xaq u leedahay Dowlada Soomaaliya iyo shacabka ka soo jeeda halkaasi.

 

Xasan Sh Maxamuud ayaa la soo sheegayaa in uu af cad ugu sheegay Wafdiga inuusan aqbali doonin Maamul uusan isaga soo dhisin , wuxuuna warbixinadii ay wateen uu dib ugu celiyay wafdiga kulanka la qaatay.

 

Madaxweyna Soomaaliya ayaa waxaa arinta Kismaayo ku qabsatay Golaha Baarlamaanka , iyadoo madaxweynaha laga sugayo qodobo badan oo ay ugu horeyso Cida Kismaayo iska leh , Kenya ma amisom baa msie waa duulaan iyo dhulbaarsbi iyo sababti wafdiga Dowlada looga soo celiyay Kismaayo.

 

Su’aalahaas oo dhan madaxweynaha oo ak duulaya ayaa wafdiga IGAD maanta ku hilmaamay Kursiga Keyda , isagoo ka dalbaday inaysan imaan xafiiskiisa.

 

Kulanka oo ah xasaasi ayaa waxaa laga sugayaa qodobo xasaasi ah.

 

Kala soco wararka Dambe Insha Allaah Warkii.Com.

 

http://www.warkii.com/top-news-madaxweynaha-oo-la-kulan-la-qaatay-wafdigi-ka-socday-kismaayo-iyo-igad-oo-banaanka-laga-fariisiyay-kulanka/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Apophis;888072 wrote:
How is this different to what happened in Kismayo?; The president of the republic needs to stop throwing fits like a school girl. He has no mandate to build any regional state; that right lies entirely with the locals. All he can do is oversee the process.

This guy posted it in a "hah, we got you back!" mode.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Apophis;888072 wrote:
How is this different to what happened in Kismayo?; The president of the republic needs to stop throwing fits like a school girl. He has no mandate to build any regional state; that right lies entirely with the locals. All he can do is oversee the process.

lol Apo. It is not the same man. I don't even know sida exactly wax u dheceen so blame caasimadda for any wrong tebin... i am just the messenger here. Plus I don't think that Somali delegates were turned down how is this the same?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this