Sign in to follow this  
Daqane

Wafdi ka socda ururka IGAD oo Kismaayo gaaray oo madaafiic lagu weeraray Airporka magaaladaas

Recommended Posts

Daqane   

Wafdi ka socday urur goboleedka IGAD ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose, iydoo amaanka magaalada si weyn oo aan horey loo arag loo adkeeyey sida wararku ay nagu soo gaaarayaan.

 

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jabhada Raaskambooni ayaa saaka xiray guud ahaan wadooyinka dhexmara magaalada Kismaayo, iyadoo askar fara badan lagu soo daadiyay xaafadaha kala duwan ee magaalada kuwasoo sugayey amaanka.

 

Ganacsigii magaalada Kismaayo ayaan la furin maanta, waxaana sidoo kale xirnaa goobaha waxbarashada iyo isu socodkii gaadiidka ee magaalada.

Wafdiga gaaray magaalada Kismaayo ayaa la sheegay iney la socdaan guddi farsamo oo u gogol xaaraya shirka maamul u sameynta Jubooyinka ee la filayo in Kismaayo lagu qabto dhowaan, waxaana la sheegay iney la socdaan wakiilo ka socda QM.

 

Waxaa wafdigaas ku soo dhoweeyey magaalada kismaayo saraakiil iyo madax ka tirsan Jabhada Raaskambooni iyo ciidamada Kenya ee halkaas ku jooga magaca AMISOM, iyadoo wararkuna ay sheegayaan in tiro madaafiic ah ay ku dhaceen nawaaxiga garoonka Kismaayo markii ay wafdigaas ka dageen ka dib kuwasoo ay soo rideen xoogaga Al-Shabaab, ciidamada huwantana waxay bilaabeen howlgal arintaas ku aadan.

 

Xafiiska Warqabadka Dayniile.com

Webmaster@dayniile.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Daqane   

Xoogagga Al-shabaab oo xalay Weeraray saldhig ay Ciidamadu leeyihiin iyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo

 

Isniin, November 12, 2012 (HOL) —Dagaalyahanno katirsan xoogagga Al-shabaab ayaa xalay weerar madaafiic ah ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo halkaasoo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada Kenya eek u sugan magaalada Kismaayo.

 

Weerarradani oo ahaa kuwo qorsheysan ayaa mar qura lagu qaaday saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo iyo garoonka diyaaradaha.

 

Goobjooge ku sugan magaalada Kismaayo ayaa oo ka gaabsaday in magaciisa la xigto ayaa HOL u sheegay in ciidamo katirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo, halkaasoo ay israsaaseyn xooggan ku dhexmartay ciidamada ilaalada saldhigga iyo kooxihii weerarka soo qaaday.

 

“Markii hore xabadda waxay ka dhaceysay dhinaca Isteeshinka, laakiin xoogaa kadib xabad ayaa is qabsatay magaalada oo dhan,” ayuu goobjoogahani hadalkiisa raaciyay.

 

Ilaa imika ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarradaasi, mana jiraan masuuliyiin katirsan dhinacyadii uu dagaalka u dhexeeyay oo faahfaahin ka bixiyay.

 

Xoogagga Al-shabaab oo iyagu ku sugan deegaanada ku xeeran magaalada Kismaayo ayaa wacad ku maray in aysan joojin doodin weerarrada ka dhanka ah ciidamada huwanta ah ee ku sugan Kismaayo.

 

Ilaa imika ma jiraan masuuliyiin katirsan Al-shabaab oo faahfaahin ka bixiyay weerarradii ay xalay ka fuliyeen gudaha magaaalada Kismaayo.

 

Weerarka ay Al-shabaab xalay ka fuliyeen Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli gudaha magaalada Kismaayo ay ku suganyihiin guddi farsamo oo ka socdo shirka maamul u sameynta Jubooyinka, kaasoo la filayo in dhawaan loo soo wareejiyo magaalada Kismaayo.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online

hnur@hiiraan.com

Kismaayo, Soomaaliya

 

Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo Xalay Weeraray Garoonka Diyaaradaha Kismaayo

 

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in xalay weerar madaafiic ah ay ku qaadeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo halkaasoo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada Kenya ee magaalada Kismaayo ku sugan.

 

Dagaalkii xalay ayay Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo iyo garoonka diyaaradaha magaaladaasi, iyadoo hal mar laga wada maqlay Magaalada Kismaayo daryanka Madaafiicda Culus iyo dhawaqa rasaasta ka dhacda boobayaasha culus..

 

Rasaastii xalay labada dhinac isweydaaranaayeen ayaa ahayd mid argagax ku riday dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo, waxayna Maleeshiyaadka Al-Shabaab weerarkooda xoogga ku saareen Garoonka Diyaaradaha Kismaayo, waxaya ku rideen tiro madaafiicda garbaha laga rido.

 

Lama oga ilaa iyo hada khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo, waxayna Al-Shabaabka ku sugan yihiin deegaanada ku xeeran magaalada Kismaayo, waxayna ku dhaateen inaysan joojin doonin weerarada ay ku hayaan Ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo.

 

Dhinaca kale weerarkii xalay ayaa ku soo aadaya xilli ay magaaladaasi ku sugan yihiin Guddi farsamo oo ka socdo shirka maamul u sameynta Jubooyinka, waxayna dadka magaaldaasi degan ka cabsi qabaan in weerardu sii balaartaan.

Web Updating, Somaliweyn Website

contact@somaliweyn.com

www.somaliweyn.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this