Sign in to follow this  
Abwaan

Xilldhibaan Dalxa “Dowlada ha kala cadayso in Kismaayo ay ka tirsan tahay dalka Kenya iyo in kale”.

Recommended Posts

Abwaan   

Xildhibaan Maxamad Cumar dalxa oo kamid xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa ka dalbay Madaxda Dowlada Soomaaliya inay kala cadeeyeen in Kismaayo ay ka tirsantahay Kenya ama ay tahay dhul Soomaali oo dowlada ay maamusho.

 

Dalxa oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in hadii ay yihiin Xildhibaanadii dalka ay ka yaaban yihiin waxa ka soconaya magaalada Kismaayo oo u muuqata ayuu yiri in Kenya damac uu ka hayo.

 

Jaawabta Su’aashaas ayuu sheegay Xildhibaanka in looga fadhiyo Madaxwaynaha Xasan iyo Ra;iisul Wasarihiisa oo shacbiyada dhexdeeda looga xanto kuwa iska qos qosla oo hadana aan ad adeeg lahayn.

 

Maxamad Cumar dalxa ayaa ku nuux nuuxsaday in Kismaayo ay muhiim tahay loona baahanyahay in maamul rasmi ah ay yeelato oo shacabka ay raali ka yihiin.

 

Dad badan oo ay kamid yihiin,Shacabka,Baarlamanka iyo Waliba kooxda Mucaaradka ah ee Shabaab ayaa ka xumaaday in Dowlada ay awood u yeelan waysay Kismaayo in amarkeeda uu ka socdo.

 

 

http://caasimada.com/xilldhibaan-dalxadowlada-hakala-cadayso-in-kismaayo-ay-ka-tirsan-tahay-kenya/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho (RBC) Isqabqabsiga u dhaxeeya Xulufada Madaxweyne Xassan iyo madaxda ciidamada deegaanka ee Raaskaambooni ayaa maalinba maalinta ka danbeysa sii xoogeysanaya, iyada oo hada dad badan oo indheer garad ah ay ku micneeyeen in dowlada xassan ay ku fududaaneyso arimaha jubooyinka oo ay arinka u wajaheyso qaab qabyaaladeysan.

Muranka u dhexeeye labada qeybood ayaa hada ku soo biiray Jawaari oo hada u muuqda mid aan ka dhexdhexaad aheyn kadib markii uu si hordhac ah baarlamaanka uga waramay kulanka berito la isu diyaarinayo ee lagu wado in xukuumadda cusub kalsoonida ku weydiisato baarlamaanka, ayaa sheegay in dawlada looga baahan yahay inay ilaaliso qaranimada wadanka.

Prof Jawaari isaga oo si dadban u taageeraya xulufada Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu yiri “Waa waajib in wixii dhaawacaya qaranimada iyo madax bannaanida laga hortago oo la difaaco qaranimada Soomaaliyeed…”

Yaa dalka laga daafacayaa?

Ereygaan ee u adeegsaday Afhayeenka baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya Prof Jawaari ayaa ah mid aan loo baahneyn maadaama Raaskaambooni ay dadka deegaanka ay sameysteen oo sahlay in laga saaro Al Shabaab.

Ciidamada Kenya ee ku sugan Jubooyinka ayaa waxa ay kamid yihiin Ciidamada AMISOM, sidoo kale Ciidamada dalalka Ugandha , Jabuuti, Itoobiya iyo kuwo oo kale oo badan baa ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Dr Maxamed Gacmadheere oo ku sugan gudaha Magaalada Kismaayo ayaa waxa prof jawaari ku edeeyey mid uu dabka sii hurinayo waxaana laga filayey in uu ka fiirsado erayada uu isticmaalayo.

“Qofka haduu masuuliyada Somaliyeed oo weyn qaaday sida tan Jawaari loo igmaday waa in uu shacabka isku mid ugu adeegaa oo uu isqabqabsi ku saleysan qabiil iyo qurun kale uusan dhex galin.” ayuu yir Dr Gacmadheere

 

 

 

 

http://www.raxanreeb.com/2012/11/prof-jawaari-oo-ku-baaqay-in-la-difaaco-qaranimada-soomaaliya-madaxweynahana-weydiistay-inuu-baarlamaanka-hor-yimaado-si-uu-uga-warbixiyo-cida-ka-talisa-kismaayo/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this