Sign in to follow this  
xiinfaniin

Hugo Demos Against Somalia President In Jubbo Region

Recommended Posts

Dibadbaxyo Waaweyn oo ka Dhacay Qeybo katirsan Gobolka Jubada Hoose

Jimco, November 09, 2012 (HOL) —Dibadbaxyo waaweyn ayaa maanta ka dhacay magaalooyinka Afmadow, Dhoobley, Badhaadhe iyo deegaano kale oo ku yaal galbeedka gobolka jubada Hoose.

Dibadbaxyadan oo ahaa kuwo waaweyn ayay dadku uga cabanayeen faragelin ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ku heyso Jubooyinka, iyadoona ay dadku ku dhawaaqayeen halku dhigyo ay ku cabirayaan dareenkooda.

 

Deegaanka Dhoobley oo kamid ah goobaha ay maanta dibadbaxyadu ka dhaceen ayaa waxa wadooyinka magaaladaasi isugu soo baxay boqollaal dadweeyne ah kuwaasoo sitay boorar ay ku xardhanyihiin hal-kudhigyo ay kamid yihiin “Dooni Meyno Maslaxa diidka, Danta Jubooyinka ninkii diida, inaguna tiisa doonimeyno” iyo halku dhigyo kale oo ay ku muujinayaan dareenkooda.

 

Masuuliyiin katirsan maamulka magaalada Dhoobley oo goob fagaare ah kula hadlay dadka ayaa sheegay in ujeedada dibaxyadan ay tahay in dadka ku dhaqan Jubooyinka ay muujiyaan dareenkooda ku aadan faragelin ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ku heyso gobollada Jubooyinka.

 

“Waxaan kasoo horjeednaa faragelinta ay dowladda Soomaaliya ku heyso gobolladan, Madaxweeynaha Soomaaliya in uu gobollada qaar dhaho aayahiina ka tashada, Jubooyinkana uu dhaho waan idiin talineynaa wax aan aqbali karno maahan,” ayuu yiri mid kamid ah dadkii dibadbaxa dhigayay oo HOL u waramay.

 

Dibadbaxyada maanta oo ahaa kuwo xooggan ayaa waxay ka dhaceen inta badan degmooyinka iyo deegaanada ku yaal galbeedka gobolka Jubada Hoose, waxayna dadka si isku mid ah uga soo horjeedeen dowladda Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen in ay faragelin ku heyso arimaha Jubooyinka.

 

Mudooyinkii u danbeeyay waxaa soo ifbaxayay khilaaf u dhexeeya maamulka KMG ee Jubooyinka iyo Dowladda Soomaaliya, wuxuuna khilaafkani ka danbeeyay kadib markii madax katirsan dowladda Soomaaliya ay sheegeen in aysan aqoonsanayn maamul la filayo in loo dhisayo gobollada Jubooyinka, kaasoo ay soo agaasimeen urur goboleedka IGAD islamarkaasina mudooyinkii u danbeeyay ka socday magaalada Nairobi balse la filayo in dhawaan lagu soo gabagabeeyo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

 

 

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online

hnur@hiiraan.com

Kismaayo, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xasan Shiikh Maxamuud oo si weyn loogu kacay Jubooyinka

9 Nov 9, 2012 - 7:28:42 AM

 

Banaan baxyo looga soo horjeedo farogelinta madaxweynaha DF Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ee Jubooyinka ayaa maanta 09 November,2012 ka dhacay deegaano hoos yimaada gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

 

Afmadow, Badhaadhe, Dhoobley, Raskamboni, Buurgaabo, Diif, Qooqaani iyo Tuulooyin kale ayay ka dhaceen dibad baxyadan iyadoona dadku watey halku dhegyo lagu soo qorey Karaatiin maadaama deegaanadaasi wax badan oo horumar ah tabayaan.

 

Odayaal ,waxgarad dhalinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaandaasi ayaa ka qaybgalay ,waxana ay ku edeeyeen madaxweynaha inuu baal marey dastuurki dalka u yaaley.

 

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in guddiga farsamo ee maamul u samaynta Jubooyinka iyo Gedo uu ka soo kicitimo Nairbo isagoo ku wajahan Magaalada Kismaayo.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites
Raamsade   

How can there be "huge demos" in places like Dhoobleey when the whole village has a population of about 1000? Ten times as many people work for my employer.

 

And these protests are the handiwork of A. Madoobe who has now turned to whipping the tolka into frenzy hoping that will buy him some time. It won't! Mr. Madoobe time is running out for you. President S. Xassan's long arm of justice will reach you and finally put your insidious schemes to rest.

Share this post


Link to post
Share on other sites

well if only 1000 persons live in the town and all 1000 turned up then its huge relative to their size. Though I doubt there is 1000 persons in Dhoobley or that region lacks people.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Raamsade   

Duke, of course the region lacks people that is why they couldn't, for nearly a 50-60 years, sire a single son to lead their multitude of militias and ururs. All the leaders of Dhoobleey were born outside of Somalia - C. Jees, Gebyow, H. Turki, Madoobe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this