Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland President inaugurates major new road linking Hargeysa and salahlay+PICS

Recommended Posts

Madaxweynaha Oo Xadhig Jaray Jidka Isku xidha Hargeysa iyo Salaxlay oo 13KM laami laga dhigay

 

November 8th, 2012

 

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta xadhiga ka jaray wadada isku xidha Magaalada Salaxley iyo caasimadda Hargaysa taasoo 13 KM oo ka mid ah Laami laga dhigay inta kalena loo ballamay dhamaystirkeeda.

 

Wakaaladda wararka Somaliland ayaa ku Waramaysa in Madaxweynaha JSl Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ay wehelinayeen Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi xubno ka tirsan golaha wasiirada, Xildhibaano labada gole ka tirsan, salaadiin iyo dadweyne kala duwan.

 

Waxaa ugu horayn halkaas ka hadlay gudoomiyaha gudida dhismaha Wadada Cad Mr Cali Ibrahim Maxamed waxaanu ka waramay marxaladihii ay soo martay wadadani oo la dhisay wakhtigii gumaysiga isla markaana ay burburtay dayac tir la’aan soo wajahday awgeed ,Waxaa kale oo Gudoomiyahani sheegay in dhismaha Wadadan ay ku baxday Adduun dhan Todoba Boqol oo Kun oo dollar, oo ay 99% bixiyeen dadka kasoo jeeda deegaanka salaxlay.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo hadal ka jeediyay Madashii Xadhig ka jarista Wadada Cad ayaa ballanqaaday in Xukuumadda Somaliland ay taageero ka gaysanayso dhismaha iyo dhamaystirka wadadaasi,isagoo Intaas ku daray in arrintani Muujinayso Iskaashiga ay bulshadu samayso inuu lagu gaadhi karo horumarka aynu qaran ahaan higsanayno.

 

Shirkadda isgaadhsiinta Telesom ayaa munaasabadaasi kaga dhawaaqday adduun lacageed oo gaadhaya Soddon kun oo Doolar oo ay ugu deeqday dhismaha wadadaasi, halka sidoo kalena Shirkadda Ganacsiga ee Al-Nuur ay wadadaasi dhamaystirkeeda ugu deeqday Konton Fuusto oo Daammur ah.

 

Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha Md Maxamed Nuur Carraale (Duur), Wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland Md Maxamed Cabdilaahi Cumar, wasiirka wasaaradda Caafimaadka Xuseen Muxumud Maxamuud, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Md Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse Xaaji cabdikariin Xuseen (X. Cabdi waraabe) iyo salaadiin kala duwan waxana ay dhamaantood ka hadleen faa’iidada ay leedahay wadadan isku xidhaysa Degmada Sallaxley iyo Caasimadda dalka ee Hargaysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

But truth must be told the Somaliland government was the least involved with this road project it was entirely constructed with the wealth of the diaspora particularly from south hargeysa and the salahlay district. But the honor was giving to president Siilaanyo to open the road offically.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Che -Guevara;886936 wrote:
I guess this is called picnic in Hargeysa.

The whole cabinet is there, chairmen of Kulmiye and Ucid, chair of Parliament, Guurti members, mayor of Hargeysa, Suldaans.

Each with their own land cruiser.

 

Quite an expensive picnic. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Sage   

NGONGE;886930 wrote:
^^ Everyone is there except the road, Xaaji. Where is the road?
:D

You just pointed one of my pet peeves with Somali news. If there is a story about the gov opening a new school, hospital, road, airport etc. They always focus on filming the leaders in attendance and their populist speeches and barely any footage/pics on the actual topic of interest. I mean the public is concerned with finding out more about the project not who the leader was rubbing shoulders with or what patriotic speech he said. They could really get some tips from Al Jazeera

Share this post


Link to post
Share on other sites
STOIC   

Hayaay...Maantaa Sand-divers weey dhuuleen...Waale Waa juu maanta...haha..aight now to be a bit Qabaliiste just for today.Now this is the road to my ancestral home.Good job and hope the road is longer than the picture shown lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this