Siciid1986 Posted November 3, 2012 Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka qeyb galay xaflad balaadhan oo lagu xusayay sanad-guurada 19-aad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidanka Booliska oo la aasaasay 03/11/2012. Xafladii dabaal degga sanad-guuradda 19-aad ee ciidanka Booliska waxa kale oo ka soo qeyb galay Wasiirro, Xildhibaano, masuuliyiin ka socday ha’yadaha wada shaqaynta la leh ciidanka Booliska iyo marti-sharaf kale. Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cabdilaahi Fadal Iimaan, oo ka hadlay sanad-guuradii 19-aad ee Booliska Somaliland, waxa uu yidhi “Mudane Madaxweyne, Iyadoo aynu maanta xusayno sanad guuradii 19-aad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidanka Booliska tan iyo markii aynu la soo noqonay madax-banaanideena. Waxa ciidanka Boolisku soo maray marxalado kala duwan. Waxaan odhan karnaa maanta waxa uu marayaa meel aad u fiican.” “Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu hadh iyo habeen heegan ugu jiraa gudashadda waajibaadkiisa qaran ee uu bulshadiisa ugu adeegayo si ay ugu naalooto nabad, deganaansho iyo xasilooni ku salaysan shuruucda iyo cadaalladda. Waxa Boolisku hadda ka hawl-galaa 75 saldhig iyo 91 rugood oo ku kala yaala dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan,”ayuu yidhi Taliyaha ciidanka Boolisku. Gen Cabdilaahi Fadal Iimaan waxa uu tilmaamay in sanadkan ay siminaaro kala duwan soo qaateen, waxaanu xusay in 57 sarkaal ay soo qaateen iyo 1206 askari, kuwaasi oo iskugu jiray RRU-da, SPU iyo STU. Quote Share this post Link to post Share on other sites