Sign in to follow this  
Sulleiman The Great

False News Has Been Discredited

Recommended Posts

Qaar kamid ah saxaafada ayaa shalay baahiyey warar aan sal iyo raad lahayn oo ujeedadoodu ahayd iska horkeenida bulshada Puntland iyo marin habaabin, Bulsho, wararka ayaa ahaa kuwo lagu dacaayadeynayo booqashada Uu Raysal wasaarihii hore ee Dowlada Federaalka Mudana Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ku joogo Gobolka Bari.

 

 

 

Wararka been abuurka ah ee laga fafiyey Mudane Gaas ayaa waxaa kamid ahaa, qoraal ay qoreen dhowr website oo ay ku sheegeen in Gudoomiyaha Gobolka Bari uu amrey inuu Mudane Gaas isaga baxo Bosaso.

 

Warka noocaan ah ayaa ah kuwo fidmo loogu dhex abuurayo bulshada wana anshax xumo iney saxaafadu beenabuur noocaan ah baahiyaan.

 

Dowlada Puntland iyo xubno ka tirsan Maamulka Gobolka bari oo Puntlandi la hadley ayaa wararkaan ku tilmaamey kuwo ay ka dambeyeen dad kheyru masuul ah, inkastoo ay sheegeen inaysan habooneyn in wararka laga soo xigtey dadka noocaan ah ay Dowlada iyo Maamulka Gobolku istaahilin iney ka hadlaan ama jawaab ka baxshaan waraka noocaan ah.

 

Dhinaca kale Raysal wasarihii hore Mudane Gaas ayaan isku dayney inaan la xiriirno oo wax ka waydiino hadalada soo yeerey, wayse noosuura gali waydey.

 

Saacadaha soo socda wuxuu mudane Gaas imanayaa magaalada Qardho, halkaasoo uu caawa ka dibna wuxuu aadayaa Garowe.

 

Puntlandi.com

 

Link: http://puntlandi.com/saxaafadaha-qaar-oo-shalay-baahiyey-warar-been-abuur-ah-oo-ku-saabsan-booqashada-mudane-gaas-ee-bosaso/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this