Sign in to follow this  
Dr_Osman

Farole Lays Down More Puntland Ministries and Visits Institutions Under Construction. PICS + AUDIO

Recommended Posts

Dr_Osman   

Garowe: Dr.Farole oo dhagax dhigey xarun cusub

31 Oct 31, 2012 - 6:48:46 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta 31 October,2012 waxa uu dhagax dhigey xarunta cusub ee wasaarada Deegaanka ,Dalxiidka iyo Duur-joogta Puntland.

 

Duleedka Waqooyi ee caasimada Puntland ayay ku taal xaruntan ,waxana dhinac joogey wasiirka deegaanka iyo dalxiiska Puntland Cabdiqani Yusuf Cadde iyo ku xigeenka Burhaan Cilmi Xirsi.

 

Wasiir Cabdiqani Yuusuf oo bilowgii ka hadlay xarunta la dhaxdhigey ayaa faahfaahiyey intay ka koobantahay oo sheegey in 12 qol ka koobantahay ,xafiisyada wasiirada iyo Hoolka shirarka.

 

Hayada World Vission ayuu sheegey inay dhaqaalaha gacan ka geysaneyso dhismaha xaruntan oo uu raaciyey inay gobollada Puntland ka fureen xarumo dhirta lagu xanaaneeyo.

 

Xili Roobaadka ayuu wasiirka deegaanku tilmaamay inay u qorshaysantahay inay hawl ka qabteen biyaha iyo sidii loo xiri lahaa si looga faa'ideysto.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa markii dhagaxii ugu horeeyey dhigey ka dib dhismaha hadalo kooban saxaafada uga soo jeediyey oo ku amaanay waxqabadka wasaarada deegaanka.

 

Dhirta la jarayo oo xaalufin deegaanka ku ah ayaa madaxweynuhu soo hadal qaadey kuna amrey wasaarada inay talaabo ka qaado islamarkaasina badalkii dhuxusha la shito in la keeno.

 

Dhinaca Ugaarta ayaa Dr.Farole waxa uu cadeeyey in ugaarsigeedu yahay mid aan la ogoleyn oo deegaano ka tirsan Puntland joogaan dad loo xilsaarey inay ilaaliyaan deegaanka iyo cida ugaarta dabaneysa.

 

Wasaarada Caafimaadka Puntland oo aaga ku taalay ayaa Dr.Cabdiraxman Farole booqdey halkaasi oo soo indha-indheeyey sida shaqadu uga socoto iyo weliba hool cusub oo wasaarada loo dhisey dhowaan.

 

kadib intaasi ayaa madaxweynaha Puntland waxa uu kormeer ku marey xarumo dowladeed oo dhismaheedu socdo sida Idaacada Puntland ,Madaxtoyada iyo Xabsiga Garowe oo intaba shaqadu ka socotey.

 

Garowe iyo guud ahaan gobollada kale ee Puntland ayaa waxa sanadihii ugu danbeysey ku soo badanayey xarumaha ay dowladu leedahay kadib markii horey ugu shaqeyn jireen badi guryo si gaar ah loo leeyahay ,waxana ay ka mid tahay waxyaabaha sida weyn loogu amaanay xukuumadda haatan talada haysa.

 

IMG_6657.JPG

IMG_6659.JPG

IMG_6670.JPG

IMG_6675.JPG

IMG_6675.JPG

IMG_6676.JPG

IMG_6685.JPG

IMG_6698.JPG

IMG_6734.JPG

IMG_6681.JPG

 

AUDIO

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Garowe_Dr_Farole_oo_dhagax_dhigey_xarunta_cusub.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Madaxwaynae Faroole oo booqday xarumo cusub oo ay dhisaysanayso Dawlada Puntland [sawiro] ‏

Madaxwaynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamad Maxamuud (Faroole) oo ay weheliyaan Wasiirada Deegaanka Caafimaadk, Howlaha guud iyo Sarakiil ka socota Madaxtooyada ayaa booqasho ku tegay Dhismayaal cusub ee dowlada Puntland ka hirgalinayso duleedka waqooyi ee magalada Garoowe.

 

Madaxwayne Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad ayaa ku horumaray xarunta cusub ee ay yeelatay wasaaradda Deegaanka, isagoona si toos ah u dhagax dhigay xaruntaasi, sidoo kale waxaa Madaxwaynuhu sii marayay xarunta Idaacada iyo TV-ga dowlada Puntland oo hada howsheedu heer gabo gabo ah marayso, waxaana uu ku tilmaamay in dhismahani cusub uu noqon doono mid casri ah loo bogi doono markuu dhamaado.

 

Xarunta wasaarada Caafimaadka, Dhismaha Madaxtooyadda cusub, Xabsiga loo dhisayo Burcad badeedka ayaa madaxwaynaha iyo masuuliyiintii la socday ay maanta soo mareen,waxayna dhamaantood aad ulla dhacsanaayeen dhismaha quruxda badan ee loo dhisay xarunta madaxtooyadda Puntland oo ka kooban qaybo kala duwan.

 

Waxaana intii aanu dhex maraynay xarunta madaxtooyadda cusub ee Puntland ishaydu qabatay dhismayaal aad u qurux badan iyo goobo loogu talo gallay in lagu qabto munaasibada habeenkii sida xusaska iyo barnaamijyada caalamiga ah.

 

Dr. Faroole ayaa ku amaanay masuuliyiinta gacanta ku haysa dhismaha cusub ee xamsiga loogu talo gallay in lagu hayo burcad badeedka soomaalida ,wuxuna kula dardaarmay inay dhamaystiraan oo ay boobsiiyaan si dib dalka loogu soo celiya dhalinyarada burcad badeedka ahi.

 

Hadaba Akhristayaal hoos ka daawo xarumaha cusub ee dowlada iyo booqashadii uu madaxwayne Faroole ku tagay

 

Cali Cabdicasiis Ducaale (Fantastic)

Dunidaonline.com

Garoowe-Puntland

 

dhismaha2.jpg

dhismaha3.jpg

dhismaha4.jpg

dhismaha6.jpg

dhismaha7.jpg

dhismaha8.jpg

dhismaha9.jpg

dhismaha10.jpg

dhismaha13.jpg

dhismaha14.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Its not bad if u ask me. As usual there is a long way to go. After 14 years we shouldnt really be building ministries but progress is progress

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this