Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

IGAD officials arrive in Mogadishu as clan elders complain that the conference Nairobi is one sided

Recommended Posts

Wafdi IGAD oo Maanta Muqdisho Yimid, iyo Kulan Ay La Qaateen Madaxweynaha & Odayaal Ka Cawday

 

Muqdisho (RBC) Waxaa maanta magaalada Muqdisho yimid wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD kuwaasoo ka soo kicitimay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya. Waxayna wafdigan markii ay ka soo degeen kulan la yeesheen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ugu tageen Villa Soomaaliya.

Ilo wareedyada ku sugan Villa Soomaaliya ayaa Raxanreeb u sheegay in wafdi IGAD ay madaxweynaha la yeesheen kulan albaabada u xirnaayeen oo qaatay qadar saacad ku dhow iyadoo arinta magaalada Kismaayo si weyn looga dooday.

Maamul u sameynta Kismaayo

Wafdiga IGAD waxaa ku jiray illaa labo xubnood oo ka socda dawlada Kenya waxaana intii kulanka ay la qaateen madaxweyne Xasan Sheekh la soo qaaday qaabka maamul u sameynta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Sida il wareedka sheegayo wafdiga IGAD waxay madaxweynaha kala hadleen inay rabaan in qaar ka mid ah xubnaha kooxda Raskambooni gaar ahaan Sheekh Axmed Madoobe lagu soo daro maamulka heerka gobol ee laga sameynayo Kismaayo iyo in beelaha gobolka Jubbada Hoose laga soo wada qeybgaliyo maamulka. Saraakiisha Kenya ayaa qaba aragti ah in Sheekh Axmed Madoobe uu soo galay halgan dheer sidaasi darteedna laga dhigo gudoomiyaha gobolka. [AKHRI HADAL KA SOO BAXAY SARKAAL KENYAN AH]

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa ka cudurdaartay in waqtigan uu ku mashquulo arimaha Jubbooyinka, maadaama uu hadda magacaabay raysul wasaare uu doonayo in arimaha maamulada gobolada iyo heer deegaan looga dambeeyo raysul wasaaraha iyo xukuumadda cusub ee dalka loo sameynayo.

 

Sheekh Axmed Madoobe

Xubnaha ka socday Kenya waxay aad uga xumaayeen jawaabta uu bixiyey madaxweynaha ee ahayd in dawlada aysan hadda ku mashquuli karin qorshaha maamul u sameynta gobolka Jubbada Hoose oo u muuqda in loolan qabiil uu hadda ka soo ifbaxay. Waxayna wafdiga IGAD isla galabta dib ugu laabteen magaalada Nairobi.

Dhanka kale, Raxanreeb waxay saraakiisha madaxtooyada ka ogaatay in madaxweynuhu uu qorsheynayo in guddi gaar ah oo ka socda xukuumadda uu u saari doono arimaha Kismaayo marka la dhiso golaha wasiirada cusub kadib, inta ka horeysana uusan madaxweynuhu rabin in dhegihiisu ay maqlaan buuqa iyo isqabqabsiga ka aloosan maamul u sameynta Jubbooyinka oo dawlada Kenya ay si weyn faraha ugula jirto taasoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu aad u gariifsan yahay.

Madaxweynuhu wuxuu bishii hore warqad uu u diray dawlada Kenya kaga dalbaday inay joojiso qorshe maamul loogu dhisi lahaa Jubbooyinka oo laga waday magaalada Nairobi. [HALKAN KA AKHRI WARQADA MADAXWEYNAHA]

Shan beelood oo la kulmay UN iyo Midowga Afrika

Intii wafdiga ka socday IGAD ay madaxweynaha la joogeen madaxtooyada waxaa dhanka kale garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ka socday kulan u dhexeeyay odayaal ka socday shan beelood oo ka mid ah kuwa dega Jubbooyinka iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Midowga Afrika iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee UNPOS. Sidoo kale saraakiisha AMISOM ayaa iyaguna joogay kulankan.

 

Read more here

 

http://www.raxanreeb.com/2012/10/wafdi-igad-oo-maanta-muqdisho-yimid-xog-hoose-oo-ka-soo-baxaysa-kulan-ay-la-qaateen-madaxweynaha-odayaal-ka-cawday-arimaha-jubbooyinka-warbixin/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this