Sign in to follow this  
wyre

song of the day

Recommended Posts

wyre   

waloow aan ku caashaqay

oon calanka kuu suray

camal xumada qaaday

 

leyguma celceliyo

anigaa ka caagane

caga dhigo bilaash baad

leydha u cabbeysaa

 

cambayahow bislaaday

cunista uun u baahani

walow aad cad nool tahay

 

cid laguuma waayine

waxaa jira carada weli

gabdha kaa cuddoonaa

ku cadiban adduunkee

 

caga dhigo bilaash baad

leydha u cabbeysaa

 

cakuye kalgacalkii

igu helay cagaabaha

kama caafimaadine

 

waloow aan codkeygiyo

oo heesahaa ku ciil baxay

caga dhigo bilaash baad

leydha u cabbeysaa

 

http://somali-music.com/audios/3647/waloow-aan-ku-caashaqay-by-cumar-dhuule.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

Wyre waa inaan wada hadalno niyaw.......Sxb dumarka hadraawi baa u dhameeyay sheekada...

.

Bal maxaan haweenkiyo

Dumar ugu hilloobaa?

Ama kula heshiiyaa

Ugu hagar la’aadaa?

Sowtay hir beeniyo

Ku tuseen hillaacee

Hogol aan da’ayn iyo

Hanfi kuu aroorsheen

Hirwo kuu garaaceen

Hungo kuugu baaqeen!

 

Waxaan ugu hamranayaa

Hooyaa ka dhalatoo

Naaskii habreed baa

Iga hiilinaayee

Wallee hawlahaan galo

Iyo heeganta an dhigo

Dumar lama haweysteen

Rag ma hungureeyeen

Hanti lagama dhiibeen

Guri laguma hoysteen

Hadal lalama yeesheen!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

oba hiloowlow;875720 wrote:
ragoow calacaalka maxaa waa

Areeey , Rag caalacal iyo catow waa camaladiisiiye....Iska daa dhalinyarta ..kkk

Share this post


Link to post
Share on other sites

arooya maha ka roogsada aan idin iri Geesigii gamuun wato oo ma gambade ahaa guul gaari kara , ma guuleysto waaye ninkii gibilkiisa kugu guhaadin mana lo garabaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Coofle;875718 wrote:
Wyre waa inaan wada hadalno niyaw.......Sxb dumarka hadraawi baa u dhameeyay sheekada...

.

Bal maxaan haweenkiyo

Dumar ugu hilloobaa?

Ama kula heshiiyaa

Ugu hagar la’aadaa?

Sowtay hir beeniyo

Ku tuseen hillaacee

Hogol aan da’ayn iyo

Hanfi kuu aroorsheen

Hirwo kuu garaaceen

Hungo kuugu baaqeen!

 

Waxaan ugu hamranayaa

Hooyaa ka dhalatoo

Naaskii habreed baa

Iga hiilinaayee

Wallee hawlahaan galo

Iyo heeganta an dhigo

Dumar lama haweysteen

Rag ma hungureeyeen

Hanti lagama dhiibeen

Guri laguma hoysteen

Hadal lalama yeesheen!

:D

 

Sxb waa runtaa, waa siduu abwaanka sheegay, waanan wada hadleynaa IA

 

Waryaa Oba, nimaan calaacalin ma nin ragbaa sidey wax kaa yihiin :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

walloow aad ilwaadey igu weyntay agteyda

anna aan oggoleen inaad meel kale aado

ammarkaa sidaa wax yiree ilwaad quruxey

 

waloow aad ambatood meel howd cidlaa dhex mareyso

anna aan isleheyn waad ka aargudan maanta

ammarkaa sidaa wax yiree ilwaad quruxeey

 

 

waloow aad i eryeysood nacabkey hor ordeyso

anna aan anfariiroo amakaagsanay haatan

ammarkaa sidaa wax yiree ilwaad quruxeey

 

 

dhegaha kistoo jug aan ka ahay ee lyrics ka iga saxa lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Carigoo barwaaqa ah

 

Casar tahay cad ceeduna

 

Ay ciirsimaad tahay

 

Ay ciirsimaad tahay

 

 

 

Casriga hablaha kacay

 

Adaan ka calmadayo

 

Calooshaad ku taal

 

Calooshaad ku taal

 

 

 

 

Ceerigaabo iyo badhan

 

Dhulka wada cagaarka leh

 

Yaa kula cawaysima

 

Ama cala calaha hoosiyo

 

Bada cidhifyadeediyo

 

Ceelaayo kula taga

 

 

 

Camalakaaga wacan iyo

 

Caashaqan is keen baray

 

Baan ku caano maale

 

Baan ku caano maale

 

 

 

Cimrigay intaan jiro

 

Ku canaanan maaye

 

Caafimaad ku noolow

 

Caafimaad ku noolow

 

 

 

Ceerigaabo iyo Badhan

 

Dhulka wada cagaarka leh

 

Yaa kula cawaysima

 

Ama Cala Calaha hoosiyo

 

Bada cidhifyadeediyo

 

Ceelaayo kula taga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

song of the day

 

 

Naftu doqon sanaa

damac waalanaa

waxay doonto beri

kudiriri ogaaa

dantu ka adagaaa

durba celin ogaayeeey

 

 

Labadoo is dardaray

dadka dhibi ogaa

 

Riziq Eebbe kuu diiday

Kaa durugsanaa

Nimuu duunyo siinaayo

deeqi udhowaaa

 

Taa waxaa daliil u ah

Haadka samada duuliyo

diinkuba usiman calaf

 

Midna Cayshka daayacan

aanu daal usoo marin

kama helo daleedaa

daleedaaaaa

 

Sidey Diintu nagu tiri

Dayaxana ha dhaaftee

qeyrkaa derejaduu helay

Rabbi kaama daahine

dadaal gaari doontidee

 

 

Naftu doqon sanaa

damac waalanaa

Dabeylaha cirkey

hadba kugu dartaa

durdur kaa fogbey

dhar uxiro

kuu tiraahyeee

 

Dahab adan lahayn kutiraa

daldalo dahabadan lahayn

kutiraaa daldalo

 

Haka dayrin weligaa

Noloshaaa laderistahay

Ha udoodin abidkaa

Tu kaloo kudayashaa

 

Taa waxaa daliil u ah

oo Nooga digi kara

xadiith baa kusoo degay

 

Marun laysma garab dego

dad ma wada sinaan karo

Adduun waa isdaba maal

isdaba maaaaaaaaal

 

Sidey Diintu nagu tiri

Dayaxana ha dhaaftee

qeyrkaa derejaduu helay

Rabbi kaama daahine

dadaal gaari doontidee

 

NB: the lyrics in the video is somehow wrong..

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

song of the day

 

At the dark end

Of the street

That's where

We always meet

Hiding in shadows

Where we don't belong

Living in darkness

To hide our wrong

 

You and me

At the dark end

Of the street

You and me

 

I know time is

Gonna take it's toll

We have to pat for

The love that we stole

 

It's a sin and

We know it's wrong

Oh, but our love

Keeps coming on strong

 

Steal away to the

Dark end of the street

 

They're gonna to find us

They're gonna to find us

They're gonna to find us

Lord, someday

 

You and me at the

Dark end of the street

You and me

 

And when the

Daylight hours

Roll round

And by chance

We're both downtown

 

If we should meet

Just walk on by

Oh, darling

Please don't cry

 

Tonight

We'll meet

At the dark end

Of the street

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Thanks blue, the original website was www.somalilyrics.net i helped them in writing many lyrics, but this youtube version has got atleast 40% wrong in writing lyrics, It's better I write the lyrics by my own ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

wyre;879649 wrote:
Thanks blue, the original website was
i helped them in writing many lyrics, but this youtube version has got atleast 40% wrong in writing lyrics, It's better I write the lyrics by my own
;)

Really, if you say so you are the expert here who's Somali is better then mine.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this