Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Breaking news:Al shabaab Vacated Kismaayo

Recommended Posts

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa faarujiyay magaalada Kismaayo, kadib markii ay saddex jiho ay uga baxeen magaalada, markii Ciidamada huwanta ay kaabiga kaga soo fuuleen labo wado, si aanay ugu go'doomin magaalada.

 

Sida ay sheegayaan wararka dadka ku nool magaalada ayaa saaka ku soo toosay, iyadoo magaalada ay haawaneyso, wax ciidan aanay ku sugneyn, taasoo meesha ka saartay, cabsidii laga qabay in lagu dul dagaalamo magaalada dhexdeeda.

 

Wararka ayaa sheegaya in ka bixitaanka magaalada uu ka dambeeyay markii go'aan ka soo baxay hogaanka Shabaab, taasoo lagu gaaray in dagaalyahanada ka baxaan, isla markaana la dajiyay qidado dagaal oo ku wajahan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

 

Idaacadii Andulus ee ku hadasha afka Shabaab ayaa hawada ka maqan, kadib markii shalay oo dhan ay si toos u tabineysay wararka dagaalada, waxaana loo maleynayaa in xalay qalabkii idaacada kala baxeen.

 

Wararka aanu saaka ka heleyno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in dadka ay ku qmaaameen Xarunta degmada oo ku taal Xaafada Calanley, halkaasoo boob iyo bililaqo xoogan ay ka socoto.

 

Ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay Al-Shabab oo ay ku xaqiijinayaan in ay ka baxeen magaalada, laakin dadka waxay ku adkeysanayaan in magaalada aysan ku arkin ilaa iyo hada askari ka tirsan Shabaab.

 

Magaalada ayaa wali cabsi ku jirto, iyadoo ciidamada isgarabsanaya ee AMISOM iyo dowladda ay joogaan halki ay shalay ka dageen ee dhinaca xeebta, balse waxaa la filayaa in ay magaalada qeybaheeda kale ku faafaan saacadaha soo socda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in is bedel taariikhi ah laga dareemayo magaalada, kadib markii ay isaga baxeen xalay dagaalyahanada Shabaab oo muddo saddex sano ka badan maamulayay magaalada muhiimka ah.

 

Dadka magaalada ku nool ayaa markii ay ku soo tooseen in magaalada wax ciidan ku sugneyn, ayaa waxay durba bilaabeen inay ku qamaameen xarumihii iyo saldhigyadii ay ku sugnaayeen Shabaab.

 

Goobaha Bililaqada iyo boobka ka socda ayaa waxaa ka mid ahaa Xarunta degmada, Fagaaraha Beerta Xoriyada, Saldhiga iyo dhismayaashii ay degenaayeen saraakiisha iyo mas'uuliyiinta Shabaab.

 

Dadka ayaa saaka ah kuwo isugu soo baxay wadooyinka, iyadoo is weydiinaya xaalada, waxaana dadka qaar ay cabsi ka muujinayaan Ciidamada magaalada ku soo wajahan inay dhibaatooyin u geystaan.

 

Magaalada Kismaayo ayaa aheyd magaalada ugu weyn ee Al-Shabaab kaga sugnaayeen Koofurta Soomaaliya, waxay u aheyd meel ay dhaqaalo ka soo geli jireen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in goor dhow ay gudaha u geli doonaan magaalada Kismaayo, kadib markii xalay isaga baxeen Al-Shabaab, iyadoo Ciidamada huwanta ay ku hareereysan yihiin magaalada.

 

Taliyaha Ciidamada Jubooyinka Jen. Ismaaciil Saxardiid ayaa ugu baaqay dadka inay is dejiyaan, isla markaana ay tallaabo ka qaadayaan cidii ku kacda bililaqo xarumihii dowladda ay laheyd.

 

"Waxaan ugu baaqeynaa shacabka inay is dejiyaan, ma ogolaaneyno wax bililaqo inay ka dhacaan xarumihii dowladda ay laheyd"ayuu yiri Jen. Saxardiid.

 

Jen. Saxardiid ayaa sidoo kale sheegay in qorshaha milateri ee Kismaayo uu ahaa mid dhameystirnaa oo isugu jiray Cirka, dhulka iyo Badda oo kama dambeys suura geliyay in magaalada ay go'doomiyaan.

 

Waxaa uu sheegay in Ciidamada ay haatan si buuxda u koontaroolayaan Air Porka iyo garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, isagoo xusay in qorshe gaar ah ay ugu tala galeen sugida ammaanka magaalada.

 

Xaalada magaalada Kismaayo ayaa saaka kacsan, iyadoo dadweynaha ay ku xoomeen xarumihii maamulka iyo saldhigyadii Shabaab oo ay bililaqo xoogan u geysanayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this