Sign in to follow this  
walaalkis

Another journalist murdered in mogadishu

Recommended Posts

Muqdisho (RBC Radio) Magaalada Muqdisho ayaa goor dhow waxaa lagu dilay wariye ka mid ahaa wariyaashii ka howlgalayay magaalada Muqdisho.

Wariyahaan ayaa wuxuu ka shaqaynayay wakaalada wararka *Saba ee Dalka Yamen, waxaana la sheegayaa in uu mudo dheer la shaqaynayay wakaaladaan.

Wariyahaan oo lagu magacaabo Axmed Cabdulaahi Farax ayaa waxaa toogtay kooxo hubaysan sidala sheegay kuwaasi oo ku toogtay degmada Dharkenlay.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa soogaaray durbadiiba Ciidamada dowlada Soomaaliya oo halkaasi baaritaano kasameeyay, iyadoona aysan jirin cid loo soo qabtay arintaasi.

Ilaa iyo iminka lama oga sababta ka danbaysa dilka loo geestay Wariyahaan ka midka ahaa suxufiyiinta ka howlgala magaalada Muqdisho ee maanta la taagtay.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay suxufiyiin badan oo magaalada ka howlgalayay kuwaasi oo aanan lagaranaynin sababta loo beegsanayo.

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this