Sign in to follow this  
Faafan

Maamulada Somalida qaarkood oo loogu baaqay inay tawbad keenaan

Recommended Posts

Faafan   

406938_2618594262129_1173303323_32224265

 

Maamulada Somalida qaarkood oo loogu baaqay inay tawbad keenaan

 

Oslo- Sheekh Abdiwali Sheekh Ahmed oo kamid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee ku dhaqan qaaradda Yurub kuwooda ugu caansan, ayaa ku sheegay wareysi lala yeeshay inaysan banaanayn ‘diiniyan’ in loo tacsiyeeyo geeridii ku timid kaligii taliyihii hore ee dalka Itoobiya, Males Zenawi oo u geeriyooday xanuun halis ah oo aan la shaacinin waxa uu yahay. Hadalka sheekha ayaa ku soo beegmay kadib markii shalayto idaacaddaha Soomaaliyeed qaarkood laga sii daayey tacsi la sheegay in ay dirayeen Maamullada Soomaaliya kajira qaarkood, gaar ahaan maamul goboeedyadda Somaliland iyo Puntland.

 

Madaxa maamulka Soomaaliland, Axmed Siilaanyo, ayaa yidhi shalayto hadal gaf ku ah diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeeed, isagoo sheegay mar uu la hadlaayey Idaacadda BBC, laanteeda afka-Soomaaliga inuu ” Marxuumka geeriyooday ( Males Zenawi), u tacsiyadeynayo, isla markaasna Ilaahay ka rajaynayo inuu ka aqbalo tacsidooda”.

 

Sheekh Abdiwali Sheekh Axmed, oo wax la weydiiyey waxa diinta Islaamku ka qabto, in tacsi loo diro ama la yiraahdo Ilaahay ha u naxariisto, Males Zenawi, oo la og yahay halka uu ka soo jeedo iyo waxa uu ummadda Soomaaliyeed u geystay ee dhibaato ah ayuu ku Jawaabay Sheekhu sidan;

 

” Bismillaah, Waxaa wax lagu farxo ah Geeridda ku timid Males Zenawi, waxaana ugu hambalyeynayaa Shacabka Soomaaliyeed in Alle ka qabtay shaqsigan oo aan u reeban dhibaato iyo xumaan dadka Soomaaliyeed,.. midda tacsida aad sheegteen, Waa xaaraan Diiniyan in lagu tilmaamo Marxuum, kaligii taliyihii Itoobiya Males Zenawi ama loogu tacsiyeeyo qaabka ay u dhaqmeen shaqsiyaadkaas aad sheegtay inay u tacsiyadeyeen Zenawi.”

 

Sheekha ayaa ugu baaqay Axmed Siilaanyo, Shariif iyo Faroole inay Ilaahay u toobad keenaan, kana laabtaan gafka ay ka galeen diinta Islaamka, oo uu yiri sheekhu inuu aad ula yaabay waxa ay ku kaceen raggan iyo qaabka ay ugu tacsiyadeyeen Zenawi oo ahayd mid khilaafsan Shareecadda Islaamka iyo diinteena suuban. Wuxuuna u soo jeediyey ay ka waantoobaan wax walba oo wax u dhimaya diintooda iyo aakhiradooda.

 

Waxaa sidoo kale, wax lala yaabo noqday xalayto kadib markii Television-ka dalka Itoobiya laga daawatay Abdi Iley, oo lagu ogaa inuu sheegto diinta Islaamka, la arkay isagoo ilmaddu ka daadanayso dhabanadiisa, islamarkaasnana ceshan kari la’ siinka iyo diifka.

 

Waxaana ka gaabsanay inaan weydiino Sheekh Abdiwali Sheekh Axmed oo kamdi ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan qaaradda Yurub, waxa diinta Islaamku ka qabto in ilmo aan tan Ilaahay ahayn la isaga keeno geeridda shaqsi sida Males Zenawi oo kale.

 

Waxaana suurto gal ah sida ay sheegeen ragga aadka ugu dhuun duleela arimaha eega ka socda Itoobiya iyo geeridda Males Zenawi, in Abdi Iley ilmadii xalayto uu fasax xagga diinta ah ka helay shaqsiyaad kamid ahaa hadhaagii ururkiii la odhan jiray Al-itixaad, ee dhawaanta isu dhiibay taliska itoobiya.

 

Wareysigan oo cod ah filo mar dhaw.

 

Mohamed Ilays.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this