Sign in to follow this  
Dhagax-Tuur

Xog ku saabsan tacaddiga loo geysto Haweenka Soomaaliyeed ee Tahriibka Yemen iyo Sucuudiga dhexdooda

Recommended Posts

Xog ku saabsan tacaddiyo waaweyn oo Haweenka Tahriibka ah loogu geysto Xadka Sacuudiga! Xog qarsoodi ah oo laga diyaariyey - Qaybtii 1aad.

 

 

 

Dadka Soomaaliyeed badankood, markii la soo hadal-qaado Tahriib iyo Socdaallo qarda-jeex ah, oo aan sharci ku dhisneyn, waxay durba soo xusuustaan Tahriibka xaga Badda ah, ee ay Soomaalidu ku le'daan, siiba Badda u dhexeysa Yemen iyo Soomaaliya. Tahriibkaas oo sannadkiiba galaafta nolosha Qaxooti 5000 ah oo u badan Soomaali.

 

Markii la xuso erayga Tacaddi, xad-gudub iyo waxyeello ka baxsan Aadaminimada, oo loo geysanayo dad tahriibaya, waxaa naga soo hor-muuqanaya dadka la socda Doonyaha tahriibka ee lagu daadiyo badweynta aan laga soo dabbaalan karayn.

 

Laakin, waxay Soomalida badankood ka war la' yihiin Tahriibka Muhaajiriinta isaga tallaaba xadka u dhexeeya labada dal ee Yemen iyo Sacuudiga iyo Tacaddiyada halkaas loogu geysto gabdhaha Soomaaliyeed, inta lagu guda-jiro socdaalkaas.

 

Kuwa badan oo ka mid ah Soomaalida deggan gudaha Sacuudiga iyo xitaa dalal kale,waxay u soo gacan-haadiyaan eheladooda Qaxootiga ku ah Yemen, waxayna dhaqaale ahaan uga caawiyaan sidii dadkaas ay ugu soo tahriibi lahaayeen xagga Sacuudiga, una soo ishaafalateyn lahaayeen.

 

Hase yeeshee, waxayan ogeyn in dadka soo gelaya Socdaalka mashaqeysan ee tahriibka ahi, siiba Haweenku, in ay adag tahay in ay u soo gudbaan dhanka Boqortooyada, iyagoo ka bad-qaba Tacaddi (Fara-xumeyn) ku qabsaneysa meelo dhexda ah.

 

Docda kale, boqollaal Haween Soomaaliyeed oo dhegaha un ka maqlay Sacuudiga iyo Riyaalaadka lacageed ee laga xoogsado, ayaa ka war-la' Tacaddiga haweeneed ee ka jira agagaarka marinnada laga duso qaarkood ee ku yaalla xadka labada dal, hareeraha fariisinnada ciidamada ilaaliya xuduudaha, dhulka lama-degaanka ah iwm. Halkaas oo ay ku sugan yihiin dhallinyaro carbeed oo 'allow-sahal' ah, siiba marka ay isha ku dhiftaan Haween iska yaacaya, si fiican aan u aqoon luqadda Carabiga, aan lahayn hoggaan rag ah, indha-xiran, mar-dhoof ah, ku jira da'dii ugu fiicnayd haweenka (18-40), aanan ku socon sharci, cid looga baqayaana aaney jirin…!!

 

Dhallinyaro doobab ah, turuqyo waaweyn, oo ku sugan meelaha xuduudda ah, ayaa iska hela luqmad gabdho Soomaaliyeed ah oo isku toos-toosan(qurxoon) oo bilaash ah, welibana codka hoos u dhigaya(baqaya). Markaas ayay arrintu noqotaa 'Ragow Wan baa qalan' ,ama sida looga shirbo deegaanno ku yaalla Jiinka webiyada:-"Fuut Abeeso waa kane, ninkii fadoow, Fartaa gashooy..!!".

 

Xogag isa soo taraya, oo aan in badan iska dhega-tirayay, haatanse aanan ka aamusi karayn, ayaa sheegaya: In Gabdhaha tahriibka ah, ee sida sharci-darrida ah keligood ama koox-koox ugu socda Sacuudiga, in qaarkood dhexda loogu geysto Tacaddiyo (fara-xumeyn), lagana fara-qabsado, balse ayan sheegayn oo qarsadaan ceebahooda, illayn waa haweene.

 

Ma jiro gaari tahriib wada oo toos uga gudbi karaya marinnada labada dal u dhexeeya. Waa Socdaal dhuumaaleysi ah, oo dhexda lagu sii dhaxaya habeenno, marba Deegaan Suuq-madow ah la dejinayo Haweenka, uga dambayntana ay suuragal tahay in isla qaabkaas ay ku gaaraan Degmooyinka Sacuudiga ee waaweyn, sida Jidda. Waxay ku qasbanaadaan Haweenku in ay is-naban, qarsadaanna dhibkooda, maadama ay ku socdaan qaab sharci-darro ah.

 

Gabar Soomaaliyeed oo Tahriib ku gashay Jidda, ayaa qadka telefoonka ugu soo warrameysay Abtigeed oo jooga Sanca oo ay aqalkiisa ka socdaashay markii hore,waxayna tiri gabadhu: "Abti Alla mahaddiis, waan gaarnay oo waa joognaa Jidda".

 

Laakin gabar kale oo la socotay taas, ayaa kala wareegtay hadalka oo tibaaxday: "Waa runteed heblaayo, oo waa joognaa Jidda, laakin Abtiyow, dhexda ayaa na lagu soo helay, oo xagga hoose kama faya-qabno!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this