Sign in to follow this  
Dhagax-Tuur

Xiriirka Shariif Xasan iyo Yuhuuda Caalamka

Recommended Posts

Xiriirka Shariif Xasan iyo Yuhuuda Calamka waxaa uu so bilowday sanadki 2006 kadib marki wadanka taliyaaniga oo ay u nool yihiin 35kun oo yuhuud ah Shariif Xasan lagu casumay si uu kulan ula qaato Ururka ay ku mideysanyihiin Yuhuuda Calamka.

 

 

 

 

 

Gudomiye Shariif Xasan ayaa waxaa uu la qatay Ururkaas kulan mudo sacado ah socday waxaana laga wada hadlay xaalka somalia iyo qadiyada Falastiin oo markaas kacsanayd.

 

 

 

 

 

Ururka ayaa Shariif Xasan ka codsaday in asago matalaya Dowlada Somalia uu ka qayb gali Shir loga tashanayo bal ion ay dhici karto Mustqabalka in la helo Dowlad Falastiin ay yeelato .

 

 

 

Shirkaas oo ay ka soo qaybgaleen wadamo badan oo calamka ah ayaa waxaa sido kale shirkaasi ka dhex muqqday Dhowr wadan oo carab ah islamarkana Xariir dhow la lahaa Israil wadamada carabta ah ee ka qayb galayay shirkaas ayaa waxaa ka mid aha Masar iyo Maroco iyo Somalia oo ayadana ku jogta Wadan carbeed madama ay ku jirto jamacada carabta.

 

 

 

 

 

Dood dheer iyo falanqayn waxaa la isku racay in wadamada ka soo qaybgalay shirkaasi ay u codeyaan in falisteen xornimo la siiyo iyo in aan la siinin.

 

 

 

Shariif Xasan oo asagu shirkaasi u matalayay Somalia ayaa waxaa uu u codeyay in aan la aqoonsan Dowlad ka dhalata Falastiin waxaa sido kale jiray wadamo carab iyo africaan ah oo ayagana sido kale u codeyay in aan Falistiin la siin xornimo.

 

 

 

Ugu danbeyn Kulanki ayaa waxaa uu ku soo idladay in aan Falastin la siin Xornimo oo ay ku hoos jirto Dowlada yahuuda .

 

 

 

Kulankaasi marka uu soo dhamaday waxaa shir goni ah wada yeeshay Wakiilo ka socda Yuhuuda Calamka iyo Gudomiyaha Barlamanka Somalia Shariif Xasan sida aan xogta ku helay waxaa lagala hadlay xaalada Somalia waxaa sido kale lagu wargaliyay in uu yahay Hogaamiye dacaad ah islamarkana yuhuda calamka ay ka shaqayn doonto sidi Madaxweynaha Mustaqbalka Somalia loga dhigi laha ayado gabagabadi heshiisyo lagau kala saxiixday in yuhuuda calamka ay maalgalin la garab istaagto Siyaasada Shariif Xasan ee Somalia.

 

 

 

 

 

Kulanki labaad ee ay yeeshaan Ururka Yuhuuda calamka iyo Shariif Xasan ee ka dhaca wadanka taliyaaniga waxaa casumay Nagta la yirahdo Nirenstein oo ah guddoomiyaha baarlamaanka adduunka ee Yuhuudda oo fadhigiisu yahay Bruxels Baarlamaanka Yuhuudda Adunka wuxuu xiriir la leeyahay Baarlamaanka Israel waxaayna ahayd 2011 waxaana halkasi si toos ah loogu soo bandhigay qorshaha isaga laga leeyahay oo ah in Israel ay raad (influence) xooggan ku yeelato geeska Afrikada Badweynta Hindiya, Badda Cas Baab al Mandab, gacanka cadmeed iyo weliba dhanka Mediterranean-ka.

 

 

 

 

 

Waxaa, sidoo kale qorshaha yuhuuda calamka ku jira in la kala jaro xiriirka Shariif Xasan iyo Wadamada carabta si yuhuda ay siday rabto ugu adeegsato Gudomiyaha Barlamanka Somalia Shariif Xasan waxaa kale oo laga wada hadlay sidi Madaxweyne Shariif Axmed Meesha loga sari laha amaba uu si dadban u hoos imaan laha Shariiif Xasan.

 

Qodobada rasmiga ah ee kulankaan danbe la isla meel dhigay ayaan wali cadeyn balse kulankaas ka dib shariif Xasan waxaa u soo labtay asagoo leh hami madaxweynenimo waxaa una qas iyo mijaxaabin ku bilabay hay,adihi Dowlada kmg ah sida asago dagaal toos ah la galay R/wasaarihi hore ee Somalia Farmaajo.

 

 

 

Shariif Xasan waxaa uu ku gulaystay dagaalki uu ka dhex bilabay Dowlada kmg ah kadib marki banaanka Dowlada loga saaray R/wasaarihi hore ee Somalia Farmaajo waxaana uu markaasi kalmo diplomaasi oo calami ah iyo mid dhaqaaleba ka helayay Ururka yuhuuda calamka oo ayagu sameyn weyn ku leh siyaasada calamka.

 

 

 

 

 

Shariif Xasan sanad ka dib kulankaasi wa musharax u tagaan Xilka madaxweynenimada Somalia waxaa uu wada dadaalo uu ku musuqmasuqaayo barlamanka cusub ee Somalia waxana uu barlamanka kuraas badan ugu ibiyay dad uu aminsanyahay in ay u codeyn doonan xiliga dorashada madaxweynenimo.

 

 

 

 

 

Shariif Xasan waxaa uu sido kale wada canpein culus oo ay ku baxayso malayiin dollarka maraeykanka ah kaas oo u ku doonayo in uu mar un ku soo baxo hogaanka ugu sareya Wadanka Somalia asago garab buuxa ka helaya Barlamanka yuhuuda calamka.

 

 

 

 

 

Dhamaan qarashaadkaas baxaya waxaa balanqaday oo bixinaya Ururka Yuhuuda Calamka iyo Barlamanka yuhuuda Calamka ee Fadhigoodu yahay Magaalada Bruxels ee Wadanka Beljamka.

 

Ururkaasi Shariif Xasan kama dhiso un dhanka dhaqaalaha ee waxaa uu ka dhisaa dhanka xiriirada Dowladaha Afrika ee dariska la ah Somalia sida Itobiya oo ayadu xiriir soo jireen ah la leh Israil waxaana markasta oo siyaasada Somali ay isku qabtaan Shariif Xasan iyo Siyaasiyiinta kale ee Somalida Itobiya la safata Shariif Xasan waxaana Xiriirkaas abuuray yuhuuda calamka.

 

Itobiya kaliya ma ahan Dowladaha uu ururkaasi uu ku xiray Shariif Xasan waxaa kalo ka mid ah wadanka Ereteria oo uu shariif Xasan ku noola mudo kuna haystay Magangaliyo buuxda Madaxweynaha Ereteria.

 

 

 

Ugu danbeyn xogtaan muhiimka ah waxaan bulashada Somaliyeed ugu soo bandhigay xiligaan xasaasiga ah in Somalia aan waqti ka badan 22 sano laga dhumin oo ay xubnaha Barlamanka Cusub ka fejignaadan dorashada Masuul Aqonsi u diiday walaaleheena dhabataysan ee Falastiin masuul gatay sirta qaranka Somaliyeed masul aan aqoon uu wadan ku hogaamiyo lahayn.

 

 

 

 

 

Talo soo jeedin.

 

 

 

 

 

Xubnaha Barlamanka Cusub ee Somalia hadi ay rabaan in dhabaatada Somali ay ku jirta 22ki sano ee la soo dhafay ka baxdo waxaan dhihi lahaa u dorta Gudomiyaha Barlamanka Somali Aqonyahan Prof Mahamed Jawaari oo ah Aqoonyahan mudo 40 sano ah Maamul Dowlo ku soo dhex jiray Sido kale u doorta Madaxweynaha Somalia Mudane Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo oo ah nin dhalinyaro ah islamarkana hogaan wanagsan tusiyay Shacabka Somaliyeed mudadi 6 bilood ahayd ee uu hayay Xilka R/wasaarenimada Somalia waxaan huba in labadaasi Shaqsi ay mudan yihiin Hogaanka Wadanka Somalia islamarkana ay horseedi karaan Somalia oo dib cagaheedi iskugu taagta.

 

Filo qaybta labaad ee ee Xogtaan ku saabsan xiriirka ka dhexeya Yuhuuda Calamka iyo Shariif Xasan oo mudo sanado ah la daba socday.

 

By : Hon. Adv. AHMED IBRAHIM

 

 

 

CHAIRMAN OF SOMALI PARLIAMENTARY

 

COMMISSION OF THE CONSTITUTION &

 

FEDERAL AFFAIRES.

 

----------------------

Electioneering gone crazy mise fadeexo raad leh? Interesting, meesha Somalidu ay la aaday election compaign. Sidan haday wax ku wadaan right wing republican Fox stooges waxay noqonayaan ciyaal yar yar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhagax-Tuur;858169 wrote:

Xubnaha Barlamanka Cusub ee Somalia hadi ay rabaan in dhabaatada Somali ay ku jirta 22ki sano ee la soo dhafay ka baxdo waxaan dhihi lahaa u dorta Gudomiyaha Barlamanka Somali Aqonyahan
Prof Mahamed Jawaari
oo ah Aqoonyahan mudo 40 sano ah Maamul Dowlo ku soo dhex jiray Sido kale u doorta Madaxweynaha Somalia Mudane
Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo
oo ah nin dhalinyaro ah islamarkana hogaan wanagsan tusiyay Shacabka Somaliyeed mudadi 6 bilood ahayd ee uu hayay Xilka R/wasaarenimada Somalia waxaan huba in labadaasi Shaqsi ay mudan yihiin Hogaanka Wadanka Somalia islamarkana ay horseedi karaan Somalia oo dib cagaheedi iskugu taagta.

Waa talo aad u wanaagsan, laakiin aan laga fileyn iney dhacdo inta 4.5 wax lagu qeybsanaayo..

Share this post


Link to post
Share on other sites

The writer must have said to himself, how can I discredit this fella, and then thought, "Yes, Yuhuud. Soomaali iyo Yuhuud naceybkeeda hadaad abuurto sheeko bug ah oo xiriirisa isaga iyo Yuhuuda, you've got him". Lakin, ma u maleynayo inay shaqeyneyso unless he can bring forth a credible evidence of the alleged xiriir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this