Sign in to follow this  
General Duke

Kenya- threatens sanctions on Somali spoilers....

Recommended Posts

Madaxweynaha dalka Kenya Kibaki ayaa waxa uu sheegay in dowladiisu ay cunoqabatayn ku soo rogeyso dadka banaanka isa soo dhiga oo curyaaminaya nabada iyo xilliga kala guurka.

 

Kibaki ayaa waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay feejignaadaan ayna iska ilaaliyaan isku day kasta oo lagu doonayo in wadada looga weeciyo hirgelinta qorshaha siyaasada ee Roadmapka ee la isku raacay in loogaga baxo xilliga kumeelgaarnimada.

 

Kibaki ayaa ka digey in aan loo dulqaadan doonin cid kasta oo carqaladaynaysa ama kahorimaanaysa roadmapka oo ah waddo xal waara oo joogta ah u keenaya Soomaaliya.

 

"Kuwa doonaya in ay jahawareeriyan nabada waxaa si shaqsiyan ah loogu qabsan doonaa falalka ay ku dhaqaaqaan, kan dowlad ahaana waxaan si aan leexleexad ku jirin u soo bandhigeynaa una gooni yeelaynaa annagoo weliba ku soo rogayna cunoqabatayn ciqaab leh,”ayuu ku sheegay bayaan uu soo saaray madaxweyne Kibaki .

 

Madaxweyne Kibaki ayaa tilmaamay in natiijada kuwa qaska wada ay hore qaraar uga soo saartay Qaramada Midoobay,Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD.

Warkan ka soo baxay madaxweynaha dalka Kenya Kibaki ayaa waxaa uu ku soo dhoweeyey ansixinta dastuurka ay dhowaan golaha ansixinta dastuurka Soomaaliyed ku ansixiyeen magaalada Muqdisho waxana uu ku tilmaamay in ay arrintaasi ay ahayd horumar weyn oo qiime leh oo dhinaca hirgelinta qorshaha Roadmapka loo qaaday.

 

“Kenya waxa ay garowsan tahay soo xulida xubnaha baarlamaanka iyo doorashada afhayeenka iyo kuxigeenadiisa iyo doorashada madaxweynaha oo ugu dambayntii in la soo dhiso dowlad rasmi ah kadib muddokabadan labaatan sano inay u tahay mid taariiqi ah Soomaaliya.”ayuu yiri Kibaki.

 

Madaxweyne Kibaki ayaa ku ammaanay hogaamiyaasha Soomaaliyeed sida ay ugu dadaaleen dhaqangelinta heshiiskii nabada ee Roadmapka loogaga gudbayay xilliga kalaguurka.

 

Kibaki ayaa hambalyo ku aadan ciidul Fitriga u direy madaxda iyo dhamaan ummada Soomaaliyeed isagoo sheegay in ciidda sanadkan ay ku soo beegantay iyadoo laga baxayo xilligii kumeelgaarka ahaa loona guurayo dowlad rasmi ah.

 

Warkan ka soo baxay dowlada Kenya ee deriska la ah dalka Soomaaliya ayaa ku soo beegmay xilli ay dalka Soomaaliya uu ku jiro marxalad xasaasi ah laguna mashquulsan yahay soo xulida xubnaha

Hoyga wararka Somaliyeed

www.jowhar.com

jowharnews@gmail.com

jowharcom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Raamsade   

Surely they're blustering. The Kenyan government has woefully failed to keep true its threats to dislodge Alshabaab from Jubbooyinka. Now they issue more threats. Crying wolf one too often.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

They just want to play I am on board game. Kenya needs to take their forces back to their barracks. The Somali army that was trained will do the job that they failed to do. Jubbada Hoose ley qaban waayeen, awalba wax Ugali laga koriyey kama sugeyn karti.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this