Sign in to follow this  
General Duke

Breaking News: Sharif Ahmed called to Addis Ababa, by who?

Recommended Posts

Muqdisho (RBC) Madaxweynaha waqtigiisu dhamaanayo ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ay wehlinayaan qaar ka mid ah la taliyaashiisa gaarka ah iyo saaxiibadiisa Aala Sheekh ayaa goordhow ka duulay garoonka diyaaradaha Muqdisho iyagoo ku sii jeeda wadanka Sacuudiga kadibna xarunta wadanka Ethiopia.

 

Wafdiga madaxweynaha ayaa ka hor intii aysan garoonka ka duulin waxay kulan la yeesheen xubnaha guddiga xulista baarlamaanka oo fadhigoodu yahay xerada Xalane halkaasoo ay ku siiyeen warbixino ku saabsan halka ay mareyso hawsha xulista xildhibaanada cusub.

 

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynuhu marka hore tagayo wadanka boqortooyada Sacuudi Carabiya oo uu kaga qeybgali doono shir halkaasi ka dhacaya kadibna uu u duuli doono caasimada Ethiopia ee Addis Ababa.

 

Khilaaf ka dhex taagan saxiixayaasha

 

Safarka Sheekh Shariif ee Addis Ababa ayaa la xiriira khilaaf xoog leh oo markale soo kala dhexgalay kooxda lixda saxiixayaasha ee hogaamiya siyaasadda dalka waqtigan, sida Raxanreeb ilo wareedyo ku dhow madaxtooyada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

General Duke;856825 wrote:
Again it's no more than a soundbite to explain away the sudden departure of Sharif Ahmed. Much like him naming his own districts without following the law. He has been acting irrationally lately....
:D

Maybe if he actually did something when he had the opportunity during his tenure he wouldn't need to run around scrambling for votes

 

He had his chance, time to give someone with the country's interests at heart instead of their own ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

(Mogadishu, Somalia, Aug, 15, 2012) Madaxweynaha Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu ka soo qeyb galay shirka waddamada Islaamka oo ka dhacay dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya.

 

Dadweyne badan oo sita calanka dalka iyo sawirka madaxweynaha ayaa isugu soo baxay waddada Maka Al-Mukarrama kuwaas oo soo dhaweynayay madaxweynaha, sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ku jiraan Wasiirka Difaaca Xuseen Carab Ciise,Wasiirka Shidaalka C/qaadir Dhicisow, wasiirka Maaliyadda C/naasir Maxamed Cabdulle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan sidoo kale Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida, Taliyaha Ciidamada Amisom iyo shacab kale ayaa garoonka ku soo dhaweeyay madaxweynaha.

 

Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa socod lug ah ku soo maray waddada Maka Al-Mukarrama oo uu ku gacan qaaday dadweyne hareeraha waddada isugu soo baxay, kuwaas oo ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ay madxweynaha ku taageerayeen.

 

Shir jaraa’id oo uu madaxweynuhu saxaafadda ugu qabtay madaxtooyada ayuu ku sheegay in shirka dalalka Islaamka looga hadlay dhibaatooyinka ka jira dalalka Islaamka sida Suuriya, Burma, Sudan, Maali iyo Soomaaliya. Wuxuuna sheegay in la isku raacay in laga taageero sidii ay dhibaatada uga bixi lahaayeen.

 

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuxuu ka hadlay xaaladda uu dalku marayo, wuxuuna rajo ka muujiyay in 20-ka Agoosto ka hor ay diyaar noqdaan xildhibaanada Baarlamaanka si loo qabto doorashada madaxda. Sidoo kale wuxuu ka hadlay cabashooyinka ka soo yeeray guddiga xulitaanka Baarlamaanka iyo hanjabaad la sheegay in loo jeediyay.

 

“Qof dhowr sano xildhibaan soo ahaa haddii la yiraahdo xildhibaannimo waa weysay, wax kasta afkiisa way ka soo bixi karaan, marka yaanan u qaadin wax walba inay sida la sheegay u dhici doonaan” ayuu yiri madaxweynaha oo sheegay in guddiga xulidda baarlamaanka ku howlan ay dowladdu sugeyso ammaankooda.

 

Madaxweynaha waxaa wax laga weydiiyay degmooyinka cusub ee gobollada dalka qaarkood lagu kordhiyay iyo kaalinta ay golaha wasiiradu ku leeyihiin sharci ahaan, wuxuuna sheegay in ay soo jeedinta leedahay wasaaradda arrimaha gudaha, marka la hubiyo macluumaadka ay soo gudbisay kaddibna la magacaabo. Wuxuu sidoo kale sheegay in golaha wasiiradu aysan saameyn laheyn mar haddii uu is sharraxay R/wasaaruhu.

 

“Degmooyinka marka la magacaabayo waxaa soo diyaarisa wasaaradda arrimaha gudaha, kaddibna waa soo gudbiyaan, haddii lagu qanco wixii ay soo gudbiyeen inay sax yihiin waa la magacaabaa, haddii meelaha qaar su’aalo loo baahdana waa la weydiiyaa kaddibna waa la magacaabaa, Golaha wasiiradu wax shaqo ah oo ay ku leeyihiin malaha, waligeed shaqo kuma yeelan” ayuu yiri .

 

“ Arrinta labaadna waxay tahay xukuumadda mar haddii uu R/wasaaruhu Musharrax noqdo, xukuumaddu waxay noqoneysaa mid aan saameyn lahayn, qaraarna maba soo saari karto”.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Welcome back Shariif Sheekh Axmed

 

Gass was told to mind his own business don’t intervene with lion of somalia , Since you no longer hold any position or power.

 

 

Shariif Ahmed states Recent acts of intimidation towards Parliament committee is nothing but a bluff .

 

Constitution Minister Mr. Xoosh: You are Safe in Xamar don worry about Shariif saakiiin.

 

 

“Qof dhowr sano xildhibaan soo ahaa haddii la yiraahdo xildhibaannimo waa weysay, wax kasta afkiisa way ka soo bixi karaan, marka yaanan u qaadin wax walba inay sida la sheegay u dhici doonaan” ayuu yiri madaxweynaha oo sheegay in guddiga xulidda baarlamaanka ku howlan ay dowladdu sugeyso ammaankooda.

 

Madaxweynaha waxaa wax laga weydiiyay degmooyinka cusub ee gobollada dalka qaarkood lagu kordhiyay iyo kaalinta ay golaha wasiiradu ku leeyihiin sharci ahaan, wuxuuna sheegay in ay soo jeedinta leedahay wasaaradda arrimaha gudaha, marka la hubiyo macluumaadka ay soo gudbisay kaddibna la magacaabo. Wuxuu sidoo kale sheegay in golaha wasiiradu aysan saameyn laheyn mar haddii uu is sharraxay R/wasaaruhu.

 

“Degmooyinka marka la magacaabayo waxaa soo diyaarisa wasaaradda arrimaha gudaha, kaddibna waa soo gudbiyaan, haddii lagu qanco wixii ay soo gudbiyeen inay sax yihiin waa la magacaabaa, haddii meelaha qaar su’aalo loo baahdana waa la weydiiyaa kaddibna waa la magacaabaa, Golaha wasiiradu wax shaqo ah oo ay ku leeyihiin malaha, waligeed shaqo kuma yeelan” ayuu yiri .

 

“ Arrinta labaadna waxay tahay xukuumadda mar haddii uu R/wasaaruhu Musharrax noqdo, xukuumaddu waxay noqoneysaa mid aan saameyn lahayn, qaraarna maba soo saari karto”.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this